Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hogaaminaayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya General Michael Keating oo markii ugu horaysay dalka yimid.
Kulankaas waxa Madaxweynah ku wehelinaayey, Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.
Kulanka ka dib waxa ka warbixiyey wasiirka Arrimaha dibeda iyo ergeyga oo si wada jira ula hadlay saxaafada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka: