Madaxweyne Siilaanyo waxa uu safar ugu ambabaxay dalka Kuwayt

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu  maanta u ambabaxay dalka Kuwayt oo uu boqasho rasmiya ka helay Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo Madaxweynaha u soo diray diyaarad gaara isaga iyo weftigiisaba.

Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye “Shamax” oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada safarka maaxweynaha ee maanta waxaana ka mid ahaa hadaladiisa:

“Aad iyo aad baan idiin salaamayaa hadaad tihiin Warbaahinta kala duwan ee dalka guddihiisa iyo dibeddiisaba ku sugan waxaa sharaf weyn ii ah in aan idiin cadeeyo oo aan idiin sheego kana waramo  in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa ay maanta u anba-bixi doonaan Boqortooyada Kuwayt.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Boqashadaasi waxay ka danbaysay martiqaad rasmiya oo Madaxweynaha iyo waftigiisuba ay ka heleen Boqorka dalka Kuwayt Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo diyaarad gaara u soo diray maaxweynaha iyo weftigiisa si ay booqasho ugu yimaadaan boqortooyada Kuwit.”

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinaaya  Marwada Madaxweynaha Qaranka Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Caalamiga ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed “Cali Xoor Xoor” iyo Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Ugu danbayntii Afhayeenku waxa uu u mahadnaqay saxaafada dalku sida fiican ee ay u soo dhawaysay intii uu xilka afhayeenimo hayey iyo weliba sida ay marwalba ula shaqeeyaan Qaranka iyo Wararka ka soo baxa Qasriga Madaxtooyada.

bandhige@gmail.com