Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo muddooyinkii dambe socdaal lagu wacyi-gelinaayo ka qeyb-qaadashada diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland ku maraayey goballada ay ka billaabantay diiwaan-gelintu ee Saaxil iyo Hawd, ayaa maanta si waxa uu gaadhay deegaanada hoos yimaada gobalka Hawd iyo weliba sida oo kale magaalo madaxda gobalkaasi ee Balli-gubadle.
Weftigan oo socdaalkiisii ku soo maray deegaanada Darfacle, Widh-widh, Ina-Cunaaye, Warta Maxamed Fanax, Hunguri Gorayo, Gumar, Kaabadda Galbeed iyo Balli-gubadle, ayaa guud ahaan dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ay weftigii dhoweeyeen caleemo qoyan.
Wasiirkii hore Caafimaadka xukuumaddii Daahir Rayaale ahna sarkaal sare oo ka tirsan Waddani Cabdi Haybe, xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Ooto Biixi iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna hakaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay deegaanada gobalka Hawd iyo Balli-gudbadle ay si weyn ugu soo dhaweeyaan xisbiga midnimada iyo cadaaladda dalka, waxaana ay shacabka u sheegeen in aanay marnaba diyaar u ahayn in ka shacab ahaan ay doortaan xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen in uu ahaa xisbi hagraday bulshada gobalka Hawd isla mar ahaantaana ma’gaydo lagaga tilmaamay in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda xisbigaasi.
Guddoomiyaha Waddan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu maanta si weyn ugu faraxsan yahay sida ballaadhan ee xornimada ah isla mar ahaantaana ay ka muuqato dareenka isbedel-doonimo oo horseed u noqon kara in uu ka suurto-galo guud ahaan dalka, waxaana uu tilmaamay in shacabka reer Hawd ay yihiin xudunta iyo sida oo kale mishiinkal aga dhaqaajiyo isbedel tolmoon oo shacabka u horseeda horumar iyo badhaadhe, waxaana uu tilmaamo kooban ka bixiyey taariikhda dheer ee ay lee dahay magaalada Balli-gubadle.
“Farxadweyn ayey noo tahay in aad maanta na soo dhaweysaan, waana aanu ku faraxsanahay sida qiimaha badan ee aad noo sharafteen, waxa idin ka muuqata dareen isbedel oo dhabba, waxa idin ka muuqata in aad diyaar u tihiin in aad hormuud ka noqotaan isbedelka tolmoon ee aanu idiin wadno. Magaalada Balli-gudbadle waa magaalo taariikhi ah, haddii ay tahay halkii iyo weliba xilliyaddii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland, Balli-gudbadle, waxa ugu horreyn degmo u magacaabay madaxweynahii ugu horreeyey ee Somaliland Cabdiraxmaan Tuur(AHUN) iyo Xasan Ciise oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii, xukuumaddii Daahir Ra’yaale oo Cabdi Haybe ka shaqeynaayeyna waxa loo magacaabay gobal, se xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayey waxa muuqata in uu hagraday guud ahaan gobalka, balse xisbiga WADDANI-na waxa uu diyaar u yahay siddii uu u qabyo tiri lahaa guud ahaan baahiyaha kala duwan ee gobalkan, ballanta aanu qaadnana ma raagto, waana aanu fulinaa.”