Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayay? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Gaaladu had iyo jeer waxa ay ka shaqeeyeen burburka waddamada muslimiinta iyo dawladaha yar yar oo ay qaar aan itaal lahayn ka dhigaan.

Soomaalida oo midowdaa waxay khatar ku tahay dawladaha kiristaanka ah ee ku xeeran,  sida Itoobiya iyo Kiiniya. Dawaladahaas iyo gaalada oo dhan waxa dan u ah in Soomaalida la qayb-qaybiyo, haddana  waa kuwaa ictiraafi la sidii dantoodu ahayd. Tolow waa maxay sababtu?

Toban sanno ka hor aniga oo la socda koox dhallinyaro ah  ayaanu tagnay goob wax lagu akhristo oo ay joogtay gabadh gaalad ahi. Waxa igu dhacday arrin la yaab leh. Nimankii aan la socday ayaa gabadhii wada salaamay oo gacan qaaday. Anigu maan gacan qaadin, ee waan dhaafay. Inta ay iga daba timid iyada oo cadhaysan ayay malaf (file) meel ka soo saartay markaas ayay igu tidhi  kani waa Dastuurkii Awdal-land (Constitution of Awdal-land). Waxay i tusaysay in ay iyagu wadaan qorshaha googooynta.

Waxaan la yaabanahay iyaga oo hadafkoodu yahay googoynta muslimiinta haddana waxay u ictiraafi laayihiin Somaliland. Sababahan soo socda ayaan ka gayn waayay:

  • Xaasidnimo: Iyaga oo gaaladdu kaa xaasidaya hor-u-mar inaad hesho; waayo gaalku waxba kuuma oggola.
  • Iyaga oo ka cabsi qaba in ay muslimiintu ku xoogaystaan maadaama dadkani yahay mujtamac qabaa’il ah oo qabiilku taageeraayo inankooda.
  • Iyaga oo wada qorshe ay isla ogyihiin cisaabadii barigii hore ina tuurtay oo aan wali waqtigiisii la gaadhin ama bislaan. Marka uu bislaadano ay sidoodii shicibka kiciyaan kuna shaanbadeeyaan shicibka, siyaasiintana ay ka dhigaan qaar nadiif ah oo la yidhaa shicibka ayaa jujuubay. Waayo intii dhacdo ina soo martay waxaa lagu eedeeyaa  shicibka masaakiinta ah. Markii lixdankii koonfur la tagaayey waxay yidhaahdaan shicibka ayaa jujuubay, markii la goosanayey waxa jujuubay shicibka, dhacdadan soo socotana shicibka maskiinka ah ayuun baa lagu shaanbadaynayaa  iyaguna waa ceeb-ka-saliim indheer garad ah  oo  la  dhagaysan waayay.

Anigu waxaan taageersanahay qodobkaa saddexaad oo dhacdooyin siyaasaddeed ayay soo wadaan oo qorshahoodii ayaan bislaan.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com