Waa sheekada aan maanta idiin hayo
Waxa la yidhaa sheekada #miss #inflation
Beribaa Waxa jiri jirtay tuulo aad u nabdoon oo lacag fara badani dhex taalo Waxa ganacsiga ugu badan ku jirtay islaan da’ ah dhamaan ilaha dhaqaalaha badankoodu iyada ayey hoos iman jireen sida kaalmaha shidaalka supermarketyo warshada laydhka iyo waxayaabo badan oo ay sheer weyn ku lahayd
Islaantu waa goblan cid u dhow oo dhaxashaana ma jirto
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa naftii qabatay duqdii deedna waxay tidhi iigu yeedha gudoomiyaha maxkamada waxaan u sheegayaa cida I dhaxlaysee
Markii loogu yeedhay ee uu warqadii ka buuxiyey gudoomiyihii bacda usbuuc way geeriyootay islaantii
Markii ay geeriyootay ayuu gudoomiyihii tuulada ee maxkamadu dadkii ku yidhi bari isku yimaada waxaan yeedhinayaa qofkii ay dhaxalkii uga tagtay .
dadkii waxay isugu yimaadeen barxadii tuulada ugu weyneyd wuxuuna gudoomiyihii ku yidhi Dadkii islaantii waxay ku dardarantay inay dadkeeda jeceshay oo ay hantidan ka shaqaysatay bulshada sidaa darteed bulshada oo dhan ayaa I dhaxalysa ayey tidhi.
Dadkii farxad iyo riyaaq ayey is hayn waayeen Markiiba waxa la bilaabay tirakoobkii qofkastana waxa kusoo hagaagay 10,000 $ laba todobaad ayaa lacagtiu loo qaybinaayey dadkii qofkastana wuxuu u cararay xagii suuqa.
Kii baabuur doonayey, Kii arosanaayey ee qalab aroos doonayey, Kii aqal qabyo ka ahaa nin walbaaba suuqa ayuu lacagtii la galay deedna waxa dhacday la yaab wax walbaaba way dhamaadeen oo la iibsaday macradkii gawaadhida waxa kusoo hadhay tiro yar oo gawaadhiya dadkii ayaa isku qabsaday iga iibi iyo anigaa libinlaab kaa siisanaaya ee iga iibi gaadhigii qiimihiisu ahaa 2000$ wuxuu gaadhay 5000$ deedna dadkii sidi meel walba loo qaaliyeynaayey lacagtii xabada roodhiyi waxay gaadhay 2 dollars deedna tuuladii waxa ay gaadhay in shay qudha la goyn waayo.
Dadkii iyagoo aad u cadhaysan ayey yidhaahdeen alla!! yaa kasoo saara qabrigii aanu nolosha ku gubnee…….
Deedna islaantii waxay u bixiyeen MISS INFLATION.
Haddaba sheekada wadankeenu waxay maraysaa miss inflation story.
Hadaba yaa maanta ah miss inflation
qalinkii Cabdi Caawiye
Tell +256324115877