Mucaarid iyo muxaafid (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Mucaarid iyo muxaafid ayuunbay nagu dawakhiyeen, waxay ku odhanayaan gudoomiyihii mucaaridka ayaa yimid oo si wayn loo soo dhaweeyay, meelahaas ayay ka hadlayaan markaas ayay ku odhanayaan hadii aanu xisbi hebel nahay waxaas ayaanu qabanay, mucaaridkii iyo muxaafidkii ayaa heshiiyay oo doorashadii ku heshiiyay, iwm.

Horta waxaa is waydiin leh ma mucaarid iyo muxaafid ayaa jira, mise hal xisbi ayaa ina maamula oo isu keen feerariyay, bal had suaashaa is waydiiya.

Anigu waxaan qabaa in hal xisbi ina xukumo oo midba magac loo bixiyay iyo ahdaaf uu fuliyo, waxaana kuu cad in ay hal xisbi yihiin, hal fikir ayay ku salaysan yihiin oo ay ku shaqaystaan oo qabiil ah.

Aqoon yahan, siyaasi iyo wax garad ayay isku sheegayaan hadana qabiil ayay awrkooda ku kacsadaan.

Waar waxaa la odhan karaa mucaarid iyo muxaafid marka ay afkaar ku kala duwan yihiin.

Ha wareerina waxaa ina xukuma hal xisbi oo qabiil ku shaqaysta, caalamka oo dhan ayaa caynkaa lagu maamulaa, kaa xadaarad iyo aqoon badan, niman magaca yuhuuda ku shaqaysta oo aan yuhuud ahayn ayaa caalamka u tashaday oo asalkoodu yahay Khazarian (The Hidden History of the Khazarian Empire! (Featuring Sheikh Imran Hosein & Tsar Putin) bal videogaa  daawada yutubeka baadhisna sii sameeya, waxa kale oo aan aaminsanahay kuwan laynagu dhexbeeray ee wadaad iyo waranleh daaha dabadiisa ka maamula inay halkaa ka soo jeedaan.

Hadaba adiguna waabad ka sii liidataa caalamk intiisa kale, hadii aynu soomali nahayna qabiil hore ayaynu u eedna, waana iinta soomali, hadii aad aragto cid ku shaqaysanaysana waa cadwgeena koowaad ama mucaarid ha isku sheego ama muxaafid eh, maalinta aynu aragno xisbi ka xor ah qabiil maalintaas ayaa xornimo inoogu horaysa, wali maynaan xoroobin, fikirkii gumaystah ee ahaaa qaybi oo xukun ayaa yaal oo kuwaa khazarada ihi inagu maamulaan.

Qabiilku waa shay wanaagsan hadii sida illaahay ugu talo galay loo adeegsado, iyo dadkii hore ee wanaagsanaa ee aynu ka soo tafiiranay, waxay dhaqan u lahaayeen wiilkooda xun way qaban jireen, hadii laga gardaran yahayna way u hiilin jireen. Imika waxaa jira qabiil guracan oo hunguri ku shaqeeya oo kuwaa khazarada ihi inoo sameeyeen cidaa hunguriga wax u marisa ayuun buu u adeegaa.

Markaa hadal iyo guntii kuwan isku sheegayaa mucaarid iyo muxaafid waa kuwa ku shaqaysta qabiilka hunguriga ku shaqeeya, maalinta qabiilka hunguriga ka baxno ee damiirku ina shaqeeyo ayaynu xorownay, imika wali xor ma nihin ha luguina.

Hal xisbi qabiil hunguri ayaa inoo taliya oo khazaradu inoo samaysay.

Nur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com