12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Q.2aad (WQ: Mubarak Hadi)

3. Sababta saddexaad ee keenta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in saaxiibbadaadu u badan yihiin kuwo aan waxba akhrin. Arrintan waxa laga yaabaa in ay tahay arrin aad in badan maqlaysay, oo ay dad badani iska yidhaahdaan, laakiin xaqiiqonimadeedu waa mid gun-dheer. Aadanuhu waa noole isa saameeya, si aan weliba la malayn karayn. Qofku way adag tahay in uu noqdo wax aanay dadka ku hareeraysani ahayn, laakiin waxay u badan tahay in uu noqdo waxa ay yihiin dadka ku hareeraysan. Odhaah caan ah baaba tidhaahda: Waxaad tahay celceliska waxa ay yihiin shanta qof ee aad wakhtiga ugu faraha badan la qaadato. Taa macnaheedu waxa weeye, shanta qof ee aad wakhtiga u ugu faraha badan aad la qaadato, saddex ama afar ka mida haddanay waxba akhrin, waxay u badan tahay adiguna in aadan akhriyaa noqon.

Xal: Haddaad rabto in aad qof akhriyaa ah inaad noqoto, abuuro oo noloshaada ku soo biiri dad wax akhriya. Ka qaybgal naadiyada akhriska iwm.

4. Arrinta afaraad ee iyadana keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in aanu akhrisku weli caado kuu noqon. Akhrisku waa caado, ma aha wax mararka qaar la sameeyo, ama aad ka fekerto in aad samayso. Haddaad doonayso in aad akhriyaa noqoto, waa inaadan ka fekerin in aad wax akhrido maanta ama berri, laakiin aad is aragto adigoo buugga laacaya ama gacanta ku haya, ama aad is aragto adigoo akhriyaya.

Xal: Saynisyahannadu waxay yidhaahdaan, caadadu waxay ku samaysantaa muddo 60 cisho ah. Haddaba isku day in aad wax akhriska joogtayso muddo 60 cisho ah oo aanad maalinna kala goyn.

La soco qaybta 3-aad.

Sii wadaag (Share) 🙂

Qore: Mubarak Hadi.