Axkaamta xajka iyo cumrada casharka 4aad (WQ: Dr. Abdulqani Beder)

Akhristow/Akhrisatoy, haddii aad saddexdii dersi ee hore akhriday aan kuugu xigsiiyo qaybtan oo ay munaasib ahayd inay ugu horreyso, ha yeeshee arrimo farsamo awgood halkan u dhacday, intaanan ku soo xidhin qormooyinkan “Aadaabta Siyaarada Masjidak Nebiga SCW”

Axkaamta Safarka.

Inta badan marka la soo gudanayo ruknigan wayn ee xajka waxa loo galaa safar muddo qaata, marka laga reebo dadka reer Makka oo iyagu degan manaasiktii xajku meeshii ay ka dhacaysay.

Safarkaasi in kasta oo uu la mid yahay safarrada kale ee dadku galaan, haddana wuxuu dheeraad la yahay inuu yahay safar cibaado oo ajar badan laga helo, sidaa awgeed ayey habboon tahay in qofka xaajiga ahi uu barto aadaabta iyo axkaamta la xidhiidha safarka, sida ay muhiimka u tahay inuu barto axkaamta sharci ee la xidhiidha cibaadooyinka kala duwan ee uu safarkiisan ku gudan doono, sida Xajka, cumrada iyo booqashada masjidka Nebiga SCW.

Walaalayaal safarku waxa uu leeyahay aadaab u gaar ah oo sharcigu u dhigay, kaasoo u baahan qofkasta oo safar gelayaa inuu barto.

Safarku waa wax yaalaha ilaahay dadka u baneeyey guud ahaan, waayo, waa arrin nolosha Ibnu Aadamku aanu ka maarmi karin marnaba.

Safar na waxa ugu wanaagsan ka lagu gaadhayo wax Ilaahay kugu waajibiyey, haddaba safarka loo safro soo gudashada xajka iyo cumradu waa mid aad u fadli badan, waxana lagama maarmaan ah in qofka cibaadadaa u safrayaa uu la yimaaddo arrimahan:

1- Waa inuu niyadda safarkiisa wanaajiyaa, raali ahaanshaha Allaah keligiina uga jeedaa, oo uu iska ilaaliyaa in Shaydaanku qalbigiisa ku tuuro istusnimo iyo wax la mid ah.

2- Waa inuu ka toobbadkeenaa dhammaan wixii dunuub ahaa ee uu galay.

3- Waa inuu iska reebaa dhammaan wixii xuquuq Banii Aadam leeyahay ee uu hayo ama lagu leeyahay.

4- Waa inuu u saad qaataa safar kiisa si uu isugu fillaado oo aanu cid kale, wax u waydiisan.

5- Waa inuu raacaa rufqo wanaagsan oo ku kaalmaysa ilaahay daacaddiisa.

6- Waa in uu akhristaa ducadii safarka markuu safrayo, waxana wanaagsan inuu sii sagootiyo ehalkiisa iyo qaraabadiisa.