Caanuhu daawo ma u yihiin gaaska (WQ: Dr Mohamed Amen)

Gaasku waa boog ku sameysanta xuubka hoose ee caloosha,tuubada cuntadu ay marto iyo qaybta sare ee mandhicirka.

Waxyaalaha keeni kara boogtaas in ay ku sameysmato caloosha waxaa kamid ahaa HCL-Acid oo ah acidkii loogu talo galey in cuntada lagu dheefshiido oo caloosha ku bata dabadeed xoqa xuubka hoose ee caloosha ama kusoo butaacda tuubada cuntadu ay soo marto  sidaasna ay boog ku noqoto meesha.

Waxaana si aad ah usii danqiya boogtaas marka caloosha lagu soo siidaayo HCL-Acid si cuntada meesha soo gashey loo shiido Sidaasna boogtii ay ku gaarto acidkii adigana aad dareento in nabar aad u kulul uu ku hayo, Hadaba su’aasha waxa ay tahay Caanuhu daawo ma u yihiin Gaaska?

Caanaha marka aad cabto Gaaska oo kugu kacsan waxaad dareemaysaa raysasho Lkn raysashadaasi ma ahan mid sii socon doonta waa mid ku meel gaar ah, Xoogaa yar kadibna nabarkii mid ka culeys badan ayaa meeshii kasii soconaya, Sababta aysan Caanuhu u noqon kareen mid sii raagta raysashadooda oo ay u noqonayaan kuwa xanuunkii sii saa’idiya xoogaa ka dib waa Cuntooyinka aynu qaadano ayaa waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kale ah kuwa ah Acid iyo kuwo kasoo horjeeda acidka oo loo yaqaan  Alkaline.

Calooshu waa bay’o ay ku badantahay Acidka hadii ay Acidku ku yaraantana waxa ay dalbataa in Acid dheeraad ah loo soo diro maadaama uu Acidkii ku yaraadey,Caanuhu iyaguna waxa ay yihiin Alkaline oo kasoo horjeeda Acidka.

Hadaba marka nabarku uu ku qabanayo waxaa weeye calooshaada ayaa Acidkii ku batey sidaas ayaa Acidka uu ugubayaa boogta gaaska markaas ayaadna xanuunka dareemaysaa.

Kadib adigoo marxaladaas caloosha uu ku batey acidka ku sugan ayaa waxa aad cabtey Caano dabadeed caanaha oo ka koobnaa Alkaline ayaa calooshaada tagey, Alkalinekii caanaha ku jirey ayaa isla markiiba la falgaley Acidkii caloosha ku jirey dabadeedna wuu barxayaa oo calooshana waxa ay noqonaysaa markaas bay’o Alkaline ah, Markaas ayaad dareemaysaa raysasho iyo qabow maadaama Acidkii caloosha kaa yaraadey.

Dabadeed maxaa xigi doona?

Xoogaa yar kadib marka aad caanaha cabtay oo Aad raysatay calooshiina ay noqotey bay’o Alkaline ah ayaa  calooshii waxa ay dirsanaysaa gurmad si loogu soo sii daayo Acid aad u fara badan ee calooshii Caanuhu ay ka qabsadeen ee alkaline ka laga dhigey si ay dib ulasoo wareegto oo ay bay’o Acid ah ugu soo celiso, Waxaana loo soo dirayaa Acid badan caloosha, meeshaasna waxaa ka baxaya caanihii alkaline ka ahaa Boogtii  gaaska waxaa gaareysaa Acid aad u fara badan dabadeed way sii qodmaysaa boogtu xanuunkuna waa kugu sii dheeraanayaa waqti yar kadib markaad caanaha cabtey.

Marka waxa aynu caawa si fudud u dhihi karmaa Caanuhu gaaska daawo uma ahane ee waxa ay kugu dirayaan gaaska.

Waxaa filayaa in aad i fahanteen caawa kadibna aad ogaan doontaan in caanuhu aysan daawo u ahayn gaaska oo ay u yihiin raysasho kooban oo kumeel gaar ah dabadeed kaaga sii dari doona waxyar kadib.

 

Mahadsanidiin 

Dr Mohamed Amen