Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q3aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Qaybta saddexaad ee Taxanaha Sheeko Waayeed. 

Galab Jimca ah oo lagu jiro waqti nabadeed iyo barwaaqo ayuu Faarax  kusoo beegmay  Madashii Gurmad, waxaa uu arkay dad badan oo ku xoonsasn “taloow meeshu ma Dhakhtarbaa?” waa su’aashii kusoo godlatay  maanka Faarax, isagoo  isha la raacay qoraalka ku qoran  jardiinka horre “kusoo dhowoow Madashii Gurmad” ayaa si qurxoon ugu xardhan, Faarax intuu indhaha isku qabtay si farxadi ku jirto ayuu daf yiri goobtii, gudaha marka galay ayuu isha mariyay dadka meesha fadhiya, kedis ahaan waxa uu ku arkay ninkii  Warfaa oo ku fadhiyaa kursi dheer waxaa horyaala miis cad, Warfaa waxa uu  sheekaynayaa tobanaan dhalinyaro ah, ogoow Warfaa waa codkar waana soo jiidasho badanyahay, “Gacal kala raagiyo geelba waa isu-soo ololaayee”, Faarax farxad raagtay oo muddo ku waaberiisatay beerkiisa iyo wadnaha qaaybihiisa ayuu mar ku wada raray saxiibkii Warfaa , dhanka Warfaa si niyad leh uma jeclaayn in markii ugu horeeysay muddo ka bacdi halkan ku kulmaan saxiibkiisii hore ee Faarax oo aan weli si wanaagsan ula qabsanin magaalada iyo xaalkeeda, Faarax waxa uu xidhan yahay shaadh aad uga dheer iyo midab ciideeysan oo dhulka u eg, sababta uu u iibsaday ay tahay fikirkii yaalay miyiga ee ahaa waa inaad shaadhka u kortaa shanta sanno ee socota iyo waa inuu us-kaga/wasakhda qarsan karaa.

Salaamtaas xiisaha badan dhanka Faarax iyo qiima la’aanta dhanka Warfaa, Koodir waxa uu qaatay Warfaa kuma garan, arinku sidaas maaha!, xoogaa asturaad ah iyo baqdin jirta dhanka Warfaa ayaa niyadda iska yiri  “soow ninku ka sheekeeyee  bari-samaad oo idiin furaa sheekooyinkii miyiga idinkoo madashan fadhiya”, lakiin Koodir laftigiisa ayaan diyaar u ahayn in maalmahaa adkaa laga shekaayoo! Hadda xoogaa ayuu reer magaal iska dhigaya, oo gabdhaha ku yiraahdaa war ma miyi baad ka timi? Wuxuu  ugu jawaabaa maya walaal magaaladan ayaan ku dhashay. Salaamtaas caaynanka badan iyo Faarax iyo Warfaa dhexmartay kabacdi, Faarax waxa uu  dheehday wixii meesha ka socday ama doodihii dhex yaalka ahaa ee u dhexeeyay Warfaa iyo asxaabtiisa, lakiin Faarax waxa u dareemay sheekooyinka suuqyada iyo tan maanta uu  ka dheehday madasha Gurmad inaanay jirin kala duwaanaanshiyo dhanka afkaarta iyo horumarka  .

Warfaa wxaa uu ahaa nin muddo u badnaa dhanka magaalooyinka lakiin waqti hore ku noolaan jiray dhulka miyiga, waxaa uu caan ku ahaa markii dambe dood yaqaan iyo nin gartiisa si wanaagsan u akhrisan kara. Markii Faarax dareemay inuu Warfaa weli dabeecadihii hore ku sii jiraan ayuu isku dayay inuu ka tago goobtii Gurmad, lakiin Warfaa markuu dareemay fogaanshiyaha iyo wanaag la’aanta uu kala kulmay madasha   ayaa kasoo dabo kacay, waxaayna bilaabeen sheekooynkii xiisaha iyo waqti hore wixii soo marri jiray, halkii aay ka wada baqooleen xaggaa iyo dhanka suuqa waxayna  gaar uga sheekeeysteen yaraantoodii iyo beryihii darnaa ee aay geela u raaci jireen nin la oran Cilmi oo lahaa geel badan dadkana lacag ku siin jiray.

Cilmi waxaa uu ahaa nin inta badanna magaalooyinka kasoo xamaasha lakiin Geel ayuu ku dhaqan jiray miyiga, Geelaaas sanadba cid ayuu ka caydhin jiray qaarkalena waa uu shaqaalaysiin jiray, Warfaa iyo Faarax waxay ku wada beegmeen isku sannad, halkaas ayay Geela u ilaalin jireen Cilmi, inkastoo Faarax iyo Warfaa dhowr jeer is-dileen, oo halkaas uu ka tegay Faarax geelii Cilmi, sababta oo ah arinka Warfaa drtiis oo aad cilmi ugu dhowaa. Maalintaas sidaas ayaa Warfaa iyo Faarax ugu dhamaatay, uguna soo gunaanadeen sheekooyinkii miyiga, waxaayna ka balameen inaan mardambe laga sheekayn wixii miyiga waayo iyo duruuf soo maray lana bilaabo sheekooyinka magaalada iyo waayahan cusub.

Warfaa iyo Faarax dib umaay kulmin, waayo Faarax isla maalintii kulan koodii hore ayuu go’aansaday inaanu ahayn Warfaa qof lagu dayan karo ee uu yahay qof laga bad-baado, dhanka kale  Faarax waxa uu lahaa han iyo himilo uu ku doonaayay inuu wax ku taro nolol ahaa  dadkiisa degan miyiga una baahan yahay inuu waqti geliyo waxbarasho iyo tabcashada kale ee magaalo taasoo aanu  Faarax aqoon hore u lahaayn.  Waxaa caado u ahayd Faarax inuu tixdan ka toraabo marka aay kusoo dhacdo xusuusta Warfaa:

Ruuxaan aqoon iyo

Axdi naga dhaxayn bay

Dadku igu sidkeenoo.

Waqti dheer iyo waayo leh duruufteeda Gurmad, waxaa soo wajahay dhibaatooyin aay ka mid tahay tabac la;aan, tiigsaho la’aan iyo duruufo kale oo saameeyay, waxay noqatay meel lagu kala haaday dad ahaan iyo dal ahaanba, waxaase reer Sammo-wanaag ka xasuustaan saameeyntii tabnaayd ee  aafadeedii Gurmad dadka qaarkood kaga tagtay, inkastoo gobonimada Sammo-wanaag  sii koraayso oo marti soorkii iyo xeerintii weli tahay lama taabtaan, waxaa sidoo kale bogsaday boogo baanasho u baahnaa  oo aay qoddi jirtay madasha Gurmad. Dadka Gurmad ka badbaaday sameeynteedii tabnaayd waxa koow ka ahaa Faarax Koodir, oo aan lahaayn dabeecadihii saxiibkiis Warfaa oo kale iyo dhaqankii Gurmad.

Faarax Koodir, waxaa  maanta oo kale loo yaqaan saxiib dhow oo noloshisa is-bedel ku sameeyay. Mid ayuu Warfaa ugu mahadnaqaaa inuu lahaa fikirkii uu ku yimi magaalada, mida kalena waa ku bogaadiyaa in kulankoodii sababay guulkale, waayo waxaay wiiqday xididadii boholyoowga ee Faarx u qabay madasha Gurmad,  labaduba waxaay ahaayeen biriijkii keenay guushiisa maanta Faarax hantiyay. Faarax iyo Warfaa weli sidii ayaan sheekooyin badan iyo dan nololeed  u dhexmarin waxayse mar-mar ku kulmaan goobo gaar ah oo lagu buneeyo laguna qaxweeyo aroortii iyo galabtii, Faarax magaciisii hore ee Koodir waa laga bedelay waxaana lagu tilmaamaa Faarrax Daacad oo dad badan aay saxiib yihiin ayaa aad ugu bogay dhaqanka Faarax. Faarax waxaa caado u ahaayd inuu xuso bydadkan soo socda:

dhibteedu dib iigu tiil

waxay docfaruurayeen

dedaal abid soo taxnaa

iyo tii kale oo ahayd

Maxaa wiilal gaammurey

intaad ugu guduuddeen

ha galgalan tiraahdeen (Abwaan Hadraawi)

 

Dhammaad……..

 

Xasan Cabdi Shire

Email: shire202@gmail.com