20 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay bariga Turkiga

20 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta boolis oo ku taalla gobolka Van oo ku yaalla xadka Turkiga la wadaago Eeraan.

Wararka qaraxan ayaa waxa soo tebiyey warbaahinta Turkiga.

Muuqaalo laga baahiyay telefishannada ayaa tusayay dhawr ka tirsan gawaadhida booliska iyo kuwa gurmadka oo ku sugan goobta.

Lama garanayo cidda ka dambaysay weerarkaas.

Dawladda Turkiga wali kama aysan hadlin qaraxaasi.

Mintidiin ka tirsan Kurdiyiinta ayaa aalaa weerarro u gaysto saldhigyada ciidammada ammaanka ee dalka Turkiga.

bandhige@hotmail.com