Waxa aan ahaa 18 jir, markii aan guursaday. Waxa aan kasoo jeedaa qoys ku adag dhaqanka oo loo yaqaan Qoyska Balooj. Qoyskaas oo inanta wanaageeda lagu qiimeeyo in aanay MAYA ku odhan waalidkeed. Aabbahay waxa uu rabay in lay guursado. Waxa keliya een idhi wuxuu ahaa “ haddii sidani ku farxad gelinayso waan yeelayaa” dhab ahaan muu ahayn guur farxad leh. 2 sano uun ka dib guurkaygii oo hadda ku beegan 9 sano ka hor, waxa aan galay shil gaadhi. Sida ay u muuqatay ninkayga ayaa hurdo qabatay, ka dibna gaadhigu wuxuu ku dhac hog waddada ku ag yaallay.
Isagu waa uu is bad-baadiyay oo gaadhiga ayuu ka booday, aniguna gaadhiga dhexdiisa ayaan ku sugnaa, waxaana isoo gaadhay dhaawacyo badan. Hadda aad baan u fiicanahay, gacmaha, dhabarka, garabka iyo saablayda oo dhan waan ka jabay. Intaas waxa ii dheer in sambabka iyo beerkaba uu dhaawac wayni iga soo gaadhay. Maan neefsan karayn, waxa aan xakamayn waayay kaadida, waana sababta aan muddo badan u xidhnaa qalabka kaydka kaadida. Laakiin dhaawacaas waan kan baddalay aniga iyo guud ahaan noloshayda.
Lafaha dhabarta iyo xangulluha way i bur-bureen, waxa aanan noqday qof baaralays ah inta noloshayda ka dhiman. Shilkani wuxuu ka dhacay deegaan ka durugsan gar-gaarka deg-degga ah, dakhtar iyo anbalaas toona, waxa aanan ku sugnaa meel cidlo caasiro ah. Dad badan ayaa yimi si ay u ogaadaan waxa meesha ka dhacay. Waxa ay ii fidinayeen gargaarka deg-degga ah, laabtayda ayay riixayeen si aan hawo u qaato. Dibadda ayay iisoo saareen. Marka ay bannaanka i keeneen waxa aan helay dareenka xangullahayga. Waxa lay dhigay dakhtarka, halkaas oo aan ku sugnaa muddo 2 bilood iyo dheeraad ah.
Waxa laygu sameeyay qalliinno badan, dakhaatiirnu waxay jidhkayga dhex geliyeen maaddooyin badan sida kuwa loo yaqaan taytaaniyam. Biro badan ayaa la dhex geliyay dhabarkayga iyo gacmahayga, taasina waa sababta dadka reer Baakistaan ay iigu wacaan Marwada Birta ah. 2 da bilood ee aan dakharka ku jiray waxa ay ka dhignayd dhimasho iyo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Maalin ayuu dakhar ii yimi, wuxuuna igu yidhi “ Waxa aan maqlay inaad noqoto farxashan sameeye, laakiin waxaad ku dambaysay marwada guriga, waxa aanaan kuu haya war aad ka xumaato” “ma awoodi doontid inaad dib wax u sawirto, maxaa yeelay cumaacunta gacantaada bir ayaa ku jirta, dib dambe qalin uma qaadan doontid, waan iska aamusay oo waxba maan odhan.
Maalintii xigtay ayuu dakhatarkii ii yimi waxaanu igu yidhi “ Xangullahaagu waxa uu u dhaawacday si xun, saas awgeed ma awoodi doontid inaad istaagto oo aad socoto” ka dib waa aan neefsaay waxa aan ku idhi waa caadi diktoore” maalintii kale ee xigtay diktoorka ayaa ii yimi wuxuu igu yidhi “ dhaawaca kaasoo gaadhay xangullaha iyo qallinka lagu sameeyay dhabarkaaga ma awoodi doontid inaad uur qaaaddo oo aad ubad dasho” maalin kaas si xun baan u qarracmay oo aan u mooraal jabay. Weli waan xasuustay, hooyaday waxa aan waydiiyay maxa sidani iigu dhacday. Halkaas waa maalinta aan bilaabay inaan wax iska waydiiyo jiritaankayga, waxa kale oo aan is waydiiyay sabata aan u noolahay.
Waa maxay u jeedada in la noolaado ? ma socon karo ! hooyo ma noqon karo ! tani waa wax aynu iska dhaadhicinnay oo ah inaad gabadh ahaato waxa ka ka dhigan tahay in aanaad dhammaystirnayn ilaa aynu ubad dhalno ! waxa qudha ee ii bannaan inaan iska dhaadhiciyo ayaa in inaan ahay gabadh aan dhammaysrinayn inta noloshayda ka hadhay. Hooyaday waxa ay igu tidhi “ Xaaladdan waa aad ka baxaysaa, Ebbe waxa kuu hayaa bushaarooyin wanaagsan” maalin baan walaaladay ku idhi “ waan ogahay inaan leeyahay gacan macmal ah, laakiin waxa ka daalay in aan eego gidaarad cad ee cisbitaalka iyo sidoo kale maradan cad ee lay xidhay, waa aan ka daalay in muddo badan aan arkayo uun hal midab, waxa aan doonayaa in meesha laga dhigo goob leh midabbo badan ! waxa aan rabaa inaan wax midabeeyo oo aan arko midabbo kala duwan.
Wixii ugu horreeyay ee aan nashqadeeyaa wuxuu ahaa Sariirtayda Geerida, taasna waxa ahayd markii iigu horraysay ee aan wax midabeeyo. Jidhkayga waxa galay Infagshan badan iyo ellerji badan, saas awgeed dakhaatiirtu waxa doonayeen inaan sariirta uun ku jiifo oo aanan nuuxsan. Maaha lix bilood, maaha hal sanno, waa 2 sano oo dhan baan ahaa bukaan jiif. Waxa qudha ee aan jeclaa ee aan naawilay ayaa ahaa inaan helo qal qol oo daaqadda laga arki karo hawada, codka shinbiraha laga maqli jaro, hawo badanna iiga soo gasho, waxa aan naawilay inaan banaankaas uso baxo anigoo la jooga qoyskayga, markaas baan ogaaday in keliya cidda nasiibka u leh inay dabeecadda la gasho ay taha cidda caafimaadka qabta., nasiib xumo cidna ma dareemayso nimcadaa.
Waa aynu ognahay sida wax kastaa kusoo bilaabmaan, maalinkaas waxa aan go’aansaday inaan la dagaallomo cabsidayda, dhammaanteen waxa aynu leennahay cabsi iyo baqasho. Cabdisada wax aan la garanayn iyo wax la garanayaba, cabsida waayidda dadka, cabsida caafimaad darrada iyo xanuunada, iyo xoolo la’aanta. Waxa aynu rabnaa in aynu yeelanno xirfad, waxa aynnu rabnaa in aynu noqonno dad caan ah, waxa aynu rabnaa in aynu yeelanno lacag, mar kasta waxa aynnu nahay kuwo baqaya oo cabsanaya. Mid-mid ayaan u qoray dhamman cabsidii i haysay, waxa aanan go’aansaday inaan kasoo kabto xaaladdan mar qudha.
Waad garanaysaa waxa ay ahayd cabsidayda iigu waynayd Haa sax waa Furriinka. Laakiin maalinkaas ogaaday in ay tani tahay cabsi uun, waxaan naftayda ugu abaal guday inay tahay mid xor ah, waxa aanan naftayda ka dhaadhiciyay inaan ahay qof karti iyo awood leh. Maalinkaan maqlay warka ah inuu guursanayo, waxa aan u diray qoraal waxa aan ku idhi “ Aaad baan kuugu faraxsanay, waxa aanan ku rajeynayaa nasiib wananagsan” wuu ogyahay inaan isla maantba aan u ducaynayo.
Cabsidayda labaad waxa ay ahayd in aanan noqon doonin HOOYO, dabcan waa wax laga murugoodo, haddana Waxa aan xaqiiqsaday in ay adduunkan jiraan caruur badan oo u baahan in oo hooyo loo noqdo, muhiim maaha in aad caloosha ku qaaddo, keliya korso caruurta hooyonimada u baahan, taasina waa waxa aan sameeyay. Marka aad aqbasho is ahaanshiyaahaga, duniduna way ku aqbalaysaa. Innaga ayuunbay innaga bilaabmaysaa..
W/T: Mukhtaar Axmed.