Muxuu Salka Ku Hayey Khilaafkii U Dhexeeyey Aadan-Cadde iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Madaxweyne Aadan Cabdille Cismaan (Aadan-Cadde) wuxuu Raysal wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke kowdii bishii Juulay ee sannadkii 1960-kii ka dib markii ay midoobeen dawladihii Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Raysal wasaare Cabdirashiid wuxuu booqasho ku tegay dalka Maraykanka, si uu kaalimo u weydiisto. Wuxuu dalka Maraykanka kula kulmay madaxweyne John F. Kennedy. Wuxuu weydiisto inuu ciidamada u dhiso, wuxuu se kula kulmay jawaabo aanu ku qancin oo fara-madhnaan u eeg. Ka dib wuxuu u duulay dalka Ingiriiska, waxaanu la kulmay Raysal wasaare Harold, isna sidii kii hore ayuu wax micno leh aanu kala kulmin. Raysal wasaare Sharmaarke sidii la filayey kumuu soo noqon dalkii Soomaaliya, ee wuxuu ka degay Moscow, waxaana qaabiley Raysal wasaarihii Soofiyadka ee wakhtigaasi Krushev. Sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay madax sare oo ka tirsan xisbiga Shuuciga.

Wuxuu hordhigay dalabkiisii ahaa in ciidamada Soomaaliya la dhiso oo la qalabeeyo. Dawladda Soofiyadku iyada oo kaashanaysa sirdoonkooda waxa ay ka war hayeen in Raysal wasaare Sharmaarke uu fara-madhan kala soo kulmay dalalkii reer galbeedka ee uu soo maray. Raysal wasaaraha Soofiyadka waxa la fadhiya wasiirkii arrimaha dibadda, wasiirkii Gaashaandhigga iyo taliyihii guud ee Soofiyadka. Codsigii uu sheegay Raysal wasaare Sharmaarke ayuu markiiba ka jawaabay Raysal wasaarihii Soofiyadku, waxaanu ku yidhi waraaqdaasi ku qor wixii aad u baahan tahay wax kasta ha noqdaane. Maalintii saddexaad waxa ay labadii dawladood ee Soomaaliya iyo Soofiyadku kala saxeexdeen heshiis dhigayey inay dawladda Soofiyadku qalabeyn doonto ciidanka Soomaaliya nooc kasta ha ahaadee.

Wakhtigaasi dalalka reer Galbeedka iyo Soofiyadku waxa ay soo kala jiidanayeen dalalka kale ee qaaradaha adduunka, si qolo kastaa ugu qanciso afkaarta ay aamisan yihiin. Madaxweyne Aadan-Cadde wuxuu ahaa siyaasi aamisan xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer Galbeedka. Raysal wasaare Sharmaarke wuxuu werwer ka qabay waxa ay kala kulmi doonaan madaxweyne Aadan-Cadde oo markaa looga baahan yahay inuu si kama-dambays ah u saxeexo heshiiska ay soo galeen. Nasiib wanaag weftigii Raysal Wasaare Sharmaarke waxa ay Muqdisho ka soo noqdeen iyada oo Aadan-Cadde uu Jarmalka ku maqan yahay. Sida uu Distoorku dhigayo marka uu madaxweynuhu maqan yahay waxa madaxweynaha ku meel-gaadhka ah noqonaya guddoomiyaha Barlamaanka oo wakhtigaasi ahaa Ina Diir-Qadhaadh.

Heshiiskii ayaa la hordhigay isna deg deg ayuu qallinka ugu duugay, sidaasina wuu ku dhaqan galay. Heshiiskaasi ayaa keenay in xidhiidhkii Madaxweyne Aadan-Cadde iyo Raysal wasaare Sharmaarke xumaado oo ay kala boodaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale “ Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2