Sababtii Ay Timid Tixdii “ Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha” W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sannadkii 1958-kii waxa Soomaalilaan imanayey Gaal la odhan jiray Duke oo ka mid ahaa qoyska Boqortooyada Ingiriiska oo ay la socotay xaaskiisu. Wuxuu socdaalkiisaa ku marayey saddex dal oo kala ahaa Soomaalilaan, Yaman oo hoos yimid jirtay maamuulkii Ingiriiska iyo dalka Itoobiya. Itoobiya ayuu ku horreeyey ka dibna Soomaalilaan ayuu yimid. Wuxuu ka soo degay gegeda diyaaradaha ee haatan Cigaal loo bixiyey, iyada oo wakhtigaasi uu meel sare marayo halgankii gobonimo doonku. Socdaalkoodu wuxuu ku soo beegmay isaga oo xadhiga ka jari doono mashruuc dhismaha madaarka Hargaysa. Soo dhaweyn ballaadhan ayaa lagu qaabiley Duke iyo xaaskiisii, waxaana soo dhaweynta ka qayb qaatay carruur, ardayda dugsiyada kala duwan ee Hargaysa oo qaadayey heeso, calanka Ingiriiskana lulayey. Sidoo kale waxa soo dhaweynta ka qayb qaatay Isimo, askartii ciidamada kala duwan ee isugu jirtay Soomaali iyo Ingiriis.

Duke markii uu salaantii ka qaatay ciidankii ayuu dadweynihii u mahadceliyey, waxaanu gaadhsiiyey farriin salaan ah oo u bulshada uga siday Boqoraddii Ingiriiska ee  Elizabeth-dii labaad, oo uu adeer u ahaa. Duke iyo xaaskiisii waxa la guddoonsiiyey hadyado kala duwan xoolo nool sida Geel iyo Adhi, Faras iyo Hadhimacad. Hasayeeshee Geelii iyo Adhigii iyo kiishash Bariis ayuu Duke dib ugu celiyey dadkii danyarta ahaa. Faraskii iyo labadii Hadhimacad wuu qaatay oo waxa ay ahaayeen kuwa yaryar oo kiish ayaa loogu riday oo Landhan ayuu la tegay, waxaanu ku wareejiyey beer xawayaan oo halkaasi ku taallay. Intii munaasibadda lagu jiray Duke wuxuu bilad sharafyo kala duwan guddoonsiiyey ciidankii soo dhaweeyey oo ku kala mutaystay shaqooyinkii ay qabanayeen.

Abwaan Barkhad Cas oo iska jiifa makhsin gurigiisa ayuu walaalkii Aadan-Yare oo sarkaal boolis ahi u tegay. Aadan-Yare wuxuu doonayaa haddii walaalkii Barkhad Cas uu munsaabada Duke lagu soo dhaweynayo uu wacdarro ka dhigo ay fursad u tahay inuu ku dallaco. Aadan-Yare wuxuu shaqaalihii soo dhaweynta u sii sheegay inuu rejo weyn ku qabo walaalkii loo yeedho oo lagu qadariyo suugaanta uu jeedinaayo. Aadan-Yare markuu soo galay gurigii walaalkii ayuu hadal yara kulul u qadimay “Waa sidee walaal goortan aad jiiftaa? Miyaanad ogeyn in wefti reer Boqor ka socdaa soo degay oo Duke si weyn looga hortagayo, lana qaabilayo? Sowtan magaaladii oo dhani dawlada iyo shicib wada dhaqaaqday……..” intaasi markay afkiisa ka soo baxday ayuu Abwaan Barkhad Cas cadhooday hankiisa iyo hanka walaalkii Aadan-Yare sida ay u kala duwan yihiin, ayuu allifay tixdii caanka noqotay ee “ Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha” oo jawaab kulul u ahayd Aadan-Yare iyo kuwii la socday. Wuxuu weydiiyey su’aallo darandoori ah: waar ma ninka awowgeen soo gumaystay, ee aabaheen jahliga ku baabi’iyey, ee kala dagaalmay aqoontii indhaha u dilaacin lahayd ee indho-tira ayaad ii sheegaysaa oo jaceyl adiga kuu haya? Waar ma ninkii aniga ii iibsaday ee dalkeenni qaar Xayle Salaasihii Itoobiya gacanta u geliyey, waar ma ninkii oon garanayo oo aanan waxba yeeli karayn ayaad Aadanow ka hortag oo gacaltooyo iyo gacmo furan ku qaabil I leedahay? Haddaba ninkaa Ingiriis uurka ayaan ka nacay oo I gubanaayee mana arki karayee aan aqalka dhexdiisa oohintayda ku qarsadee iga baxa oo irridaii xidh. Aadan-Yare intuu aad u naxay buu foorar ku go’ay manuu xidhin albaabkii. Tixdii AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA”. Awoowgey ninkii addoonsaday, ninkii aabahay indhaha tiray, ninkii anigana I iibsaday, haddana ogohoon ka aarsan karayn, haddaan Aadanow unuunka jarayn, ninkaa aragiisa uurkan ka necbee aan ooyee albaabka ii xidha.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Muj. Abwaan Cali Banfas ‘AHUN’ iyo Tifaftirkii Isra Cali Banfas…….Gobanimo iyo Galool Taariikh nololeedkii Abwaan Barkhad Cas.