Nuxurka heshiiska doorashooyinka: maxay uga dhigantahay xukuumadda iyo Mucaaridka? (WQ: Xasan Cabdiqaadir Yuusuf “Garnayl”)

Nuxurka hishiisku maanta wuxuu u ahaa in: Doorashada soo aaddan ay gudi farsamo qabato, sannad ka bacdina gudida hadda joogtaa talada la wareegto.

Waxa ay uga dhigtantahay mucaaridka & Muuse ayaan mid ba gooni u dul istaagi.

1. Muuse

– Furistii ururada wuu ku guuldaraystay.

– Xal sharci ah (waa sidduu jecelyahee) waa laga diiday, oo mid siyaasadeed oo qayrul sharciya ayaa lagu dhameeyay!

– Gudiga cusubi doorasho ha qabto na, waa laga diiday, oo gudi farsamo ayaa qabanaysa.

– In sannad ka bacdi la fasaxo shaqada gudida cusub na, wuu ku guullaystay.

2. Mucaaridka

– In aan ururada la furin, way ku guullaysteen.

– In xal siyaasadeed wax lagu dhameeyo, wey ku guullaysteen.

– In doorasho sannadkan gudahiisa la qabto, wey guullaysteen.

– In aan gudiga cusubi doorasho qaban, wey ku guullaysteen.

– In gudiga cusubi meesha laga saaro gebi ahaanba, wey ku guuldaraysteen.

 

FG: sannad ka bacdi markuu yimaado Golaha Wakiilada cusub oo ay gacanta ku hayaan mucaaridka, isla markaana mudo xilleedkii Muuse soo idlaanayo, xisbiyadu waxay jaanis fiican u haystaan inay diiddaan gudiga cusub ee markaas uun  shaqadii koowaad bilaabaya, iyagoo eedo cusub soo hal abuuraya marmarsiiyo ahaan.  Sababta oo ah, mucaaridku waxay gacanta ku hayaan Golahii Wakiilada; madaxweyne iyo gudida ba waxay ku samaysan karaan xilka qaadis.

Siddoo kale waxay hor istaagi karaan wax walba oo dhibaato ku ah mucaaridka.

 

FG: marka laga shidaal qaadanaayo Muuse oo haysta xukumaddii, labadii Gole ee Baarlamaanka, Garsoorkii iyo marmar qaarkood xisbi mucaaridkii saddexaad, haddana mudo laba sanno ah oo uu dagaal inan-gumeed oo jirirnimo ah ku jiray Waddani lama dhaqaajin. Hantida kaliya ee Waddani hayay waxay ahyd, garab istaagga taageerayaashiisa iyo Cirro oo Muuse kaga guullaystay kalsoonida beesha caalamka.

Waddani haddii uu sidda Biixi u dhaqmi lahaa guullo waaweyn ayuu gaadhi lahaa, laakiin Dhibaatada haystaa waxaa weeye erayga bakhtiga ah ee ‘Tudhaale Qaran’!