Waxbarashadu waxa ay keentaa cimri dherer (WQ: Kamaal Axmed Cali

WAXBARASHADU WAXA AY KEENTAA CIMRI DHERER

==============

Kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha Yale iyo Alamaba ee Birmingham ayaa daraasad cusub oo ay iska kaashadeen waxa ay ku ogaadeen in waxbarashada jaamacaddu ay qofka dhaxalsiiso cimri dherer. Iyada oo daraasado horena sheegeen horumar kasta oo uu qofku ka sameeyo waxbarashadu in uu cimriga qofka dheereeyo.

Cilmibaadhistan oo muddo 30 sano ah tijaabadeeda lagu samaynayey 5 kun oo qof oo ku nool afar magaalo oo Maraykan ah ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in waxbarashadu ay tahay cimri dherer, sii kordhaya mar kasta oo heerka aqooneed ee qofku ay korodho, tusaale ahaan shahaadada koowaad ee jaamacadda, shahaadada labaad, iyo shahaadada PhD.