Qaacidooyinka salaada iyo hogaaminta Q.3aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Hanaanka Jaran’jarada Maamul ee Masaajidka.

Masaajidka khadiibka ugu sareeya, marna noqda khadiib iyo immaam labbadaba, kolna immaam gaara, waxa kusii xiga mu’adiniinta ka koobaad iyo ka labaaad, dadka masaajidka ka shaqeeya, ee hawlaha kala duwan haya ayaa kasii hooseeya.

Sidaa si lamida, waa qaab, dawladeed, nooca hogaaminta

qaab madaxwayne oo khadiib ka ah. iyo qaab madaxwayne iyo ra’iisal wasaare oo khadiibkii iyo immaamkii kala gaarka ka ah, wasiiradii oo mu’adiniinta ah iyo laamihii oo inta kale ah, qaabab kalena waa laga dheegi karaa. qofkana shaqadiisa uma gacan dhaafi karo. Masaajidada kala duwan iyo imaamyadu waxay tusaale u yihiin hab maamulka xaafadkastaa yeelan karto.

Qaabka immaamka laagu daydo.

Immaanka ama hogaamiyuhu wareegtooyin buu soo saarayaa, iyo ficilo dadku la jaan qaadayaan, markiiba si afgarasho leh, dadkuna u badalayaan ficilo, hal marna, oo jaamaaciya u fulinayaan, awaamiirtaa oo tababaran, bulshadana sidaa si lamida laga rabbaa in hogaamiyaha, ay ula jaanqaadaan, jiho kasta oo aan khilaafayn sharciga Rabbi.

Haddii qof qaado, ficil ka baxsan xayndaabka salaada, way ka buraysaa, haddii kas u sameeyay, waxaa ka dhalan karta, ciqaab aakhiro, sidaasi si u dhiganta haddii qofku khalad ka dhaco, waa loo cudur daarayaa, haddii ku talagal u sameeyana, waxa uu mudanayaa ciqaab facilkiisa udhiganta, sharcigana la la tiigsanayo.

Sharicigu wuu ka madax banaan yahay, hogaamiyah. Islaamkuna ma yaqaan waxa loo yaqaan xasaanad, qofkastaa xasaanad buu leeyahay, in aan sharaftiisa iyo maalkiisa lagu xadgudbin, balse markay sharciga noqoto, qofkasta waa la dacwayn kara madax iyo mijo.

Qofkastaa waa in uu dhawraa sida heshiiska umadu dhigaayo, salaada ka hor waajibaadka in aad taqaano, una hogaansamaa dhamaan shuruucda dalka u taala ee lagu heshiiyay, uu dhawraana, haddii uu gaadhay da’dii sharcigu qabanayay.

Sixida imaamka iyo Cida leh.

Salaada sideedaba, waxa tukin jiray, qarniyadii isalaamku qumanaa, madaxda islaamka, gaar ahaan madaxwaynaha, ayaa mixraabka salaad kasta gali jiray, waayo, waa shaqada ugu muhiimsan ee kawkan taala, gudashadeedu.

Sidaan xaga hore ku soo sheegnay markay timaado sixida imaamku, waxa sida giraanta ku xeeran, inta ummada ugu cilmiga iyo caqliga badan, haddii uu sahwi ku yimaado, iyagaa saxaya, mana aha in masaajidkoo dhami wada qayliyo si loo saxo. Barigii horena masjaaidada wax jiray tiirar cilmiga lagu barto oo midba sheekh fadhiyo, maaha hadda sida looga haajiray. Kuwaasaa la qadimi jiray.

Imaamka haddii wax ka khaldamaan, waxa si xikmad leh, oo aan gabasho lahayn iyo guulwadayn, u saxaya dadkaa guurtida, ee waxna xidha waxna fura, iyagaa shaqadooda sharicigu siiyay ka fushanaya, sidii maslaxada ummadu ku jirtana ku talinaya. Waxa uu u egyahay nidaamkeenii Guurtida.

Dadku way haddli karaan, balse waa maalinta doorashada, codkooduna yahay mid dheer, waxa kale oo codka dadka lagu uru’riyay golayaasha, oo ka wakiila bulshada, iyagaana u hadlaya. Mana ah in dadka qaar feedha jeex siyaasadeed la yimaadaan, haddii hunguri hayana waa in garoomada tartanka tagaan.

Haddii Immaamku sixida diido.

Diidmadaasi waxa loo kala qaadayaa, laba mid salaada iyo hogaaminta wax badan yeelayn, oo la toosin karo, iyo mid dhaawac wayn gaadhsiin karta bulshada, ama salaadii burin karta. Ta hore waxa xeerbeegtida dalku ku dhamaynayaan nasteexayn, iyo tusaalayn toosin tolmoon waddata. Talabaad waxa lasiinayaa wakhti haddii u saxmi waayo, waa hawl u taala xeerbeegtida iyo shuruucda dalka. Xaqbayna u leeyihiin in ay talaabo kasta oo toosina, hadii uu uu madax adaygo, duruufta jirtaa keento, waa la casili karaa.

Arrintani waa arrin xasaasiya, waxayna u baahan tahay ximkad, khibrad gundheer, oo ka fog caadifad, iyo hebel jeclaysi, iyo necbaysi, waana in daganaan iyo dulqaad lagu waddaa, iyadoo wax badan la xeerinaayo.

Waana meesha bulshada Islaamka ee hadda nooli ku hafato, xalinteeda, kuna jahawareerto, caddawgeedu ugu soo dhaco. badala kani wuu idin dhibee, kadibna yaydu qofba meel ka helaan, habeen dawlad la’aana waxa dhaanta 70 sanoo dawlad xummi taliso, inkastoo dadka aqoonyahanki ku doodaan dawlad xumi waa waddada loo maro dawlad la’aan. Hantida ugu way nee qof haystaa ama ummadi, waa dawladnimada, waxa aadamuhu ikhtiraacayna iyadaa ugu saraysa.

Arrimo kale oo la xidhiidha Salaada.

• Waa dambi wayn, in aad tukiso umad, aan raali kaa hayn, sidaa si lamid umada curduduub iyo kaligii talin ma banaana in lagu haysto.

• Salaadu waa shayga kaliya ee Suubanihii Scw. samada sare, lagu soo waa jibiyay, waajibaadka kale waxa lagu waajibiyay isagoo dhulka jooga,. Sidaa daraadeed. Salaadu waa hab maamul u dhaw oo dhamaystiran, waa in hogaaminta la dhawraa, waxa ku xidhan dhamaan nolosha bulshada xataa salaadu waxay ku xidhan tahay amaanka iyo nidaamka maamul.

• Wadda’noolaanshaha bulshada iyo is dhexgalka ugu qiime badan, ee dunidan jiraa waa salaada waxa dhinaca isa saarayaa, fiqiirkii, taajirkii, madaxdii, iyo shaqaalihii hoose.

• Salaadu waa qaabka ugu fiican albaabka ee faya’dhawrka ee wakhtiga la’la noolaado, iyo ka faaiidaysiga wakhtiga, Salaadu waa qaabka ugu sareeya ee caafimaadka iyo ka hortaga cudurada, waxaana asal u ah nadaafada joogtada ah baa ugu horaysa,

• Salaadu waa dawada walbahaar iyo waxa la xidhiidhoo dhan, dadka sida wanaagsan u joogteeya, khushuuda iyo arkaanteeda, ma arkaan dhibaatooyinka nafsiga, waana kii Suubanihii Swm yidhi, Bilaalaw noogu raaxee. Dhinaca kale waa gabaad iyada iyo sabirku, Rabbi Swt, wuxuu ina yidhi kaalmaysta Sabirka iyo Salaada.

• Salaadu waa aalad, midayn, sinaan, tilmaan isku duubni bulsho, astaana wax wada qabsi, is dhexgal, is xaal ogaan, cida taageera u baahan ama toosin umadeed.