Nin baa u yimid Cumar bin Khadaab RC, Ninkaa wuxuu watay Wiil Yar, Cumar ayaa yidhi waxaan arkay maanta wax yaab leh, waligey ma arag nin cunigiisa saan ugu eg yahay, markaasuu ninkii yidhi:
“Cumaroow ma ogtahay wiilkaan in ay hooyadiis ay dhashay iyadoo meyd ah.”
Markaasuu Cumar RC intuu fadhiga badelay ku yidhi:
“Iiga sheekee sidee u dhashay iyadoo meyd ah.”
Ninkii wuxuu yidhi:
“Wiilkaan isagoo caloosha Hooyadii ku jiro ayaa safar i soo galay.”
Markaasay Hooyadii tidhi:
“Halkee nooga tageysaa anoo xaamil ah oo dhali rabo?.”
Haddaba, markaan albaabka guriga ka baxayey ayaan caloosheeda gacanteyda saaray oo aan ku idhi:
“Illaahow adigaan kugu ammaanaystay wiilkeyga. intaas ka dib ayaan safarkii u baxay.”
Haddaba, markaan Safarkii ka soo laabtay, ayaan imid gurigii oo Xidhan, kadib deriska ayaa ii sheegeen in ay xaaskeyga dhimatay, kadibna waxey ii keeneen casho, anoo cashadii cunaaya ayaa waxaan arkay qiiq meel ka baxaayo, kolkaas ayaan dadkii weydiiyey, waxaana ay ii sheegeen, in uu qiiqaasi yahay qabriga xaaskeyga, iyagoo weliba ii sheegay maalintii la aasay ilaa iminka in uu qiiqaasi ka socdo Qabrigeeda.
Wallaahi in aan dadka oo dhan uga aqoon badan ahay, in ay ahayd Qof taqiyad, saalixad, soon badan oo wixii xun reebta, wixii sanna dadka farta ayey aheyd, kolkaas ayaan dadkii ku idhi, Soo baxa i raaca aan soo arkee, waan soo baxnay markaan qabrigii imanay ayaan ku bilaabay in aan qodno, markaan qodnay mise waxaan aragnay xaaskii oo meyd ah oo fadhida iyo wiilkii oo ag fadhiya, kadib ayaana maqlay cod i leh:
“Kii ammaanada Illaahay u dhiibtayow qaado ammaanada.”
Culimadu waxay yidhaahdeen hadduu dhihi lahaa Illaahow wiilkeyga iyo Hooyadiis ayaan kugu ammaaneystay, ayadoo nool buu ugu iman lahaa laakiin qadarka Alle ayuu ahaa in uusan sidaa dhihin oo waqtigeeda ayaa intaa ku ekaa.
Qalinkii Cabdi Caawiye