Hargeysa iyadaa is dulmaysa! (WQ: Xasan Ciise Raage)

 

Dooxa Hargeysa ee  weyni ma ah astaan dhuleed oo magaalada woqooyi iyo koonfur u kala badhee waa caalamad cad oo u taagan sinaan la’aanta ka jirta labada daamood…………..

Magaalada Hargeysa sida aan wada og nahay waa caasimada S/land waana magaalo aad u balaadhanaysa oo dhawr iyo tobankii sano ee aan soo dhaafnay lagu sheegey magaalooyinka ugu koritaan iyo koboc badan sida ay sheegayaan warbixinada hay’ada UN- HABITAT.

Waxaanay ka koraysaa dhinaycada dhaqaalaha,bulshada adeegyada kala duwan ee laga helo magaalo madax oo kale, waxaanay ku taalaa muuqaal ahaan iyo dhul ahaanba meel aad u qurux badan oo buuro iyo dhulka kala hooseeya oo dooxya leh ah oo meelaha qaar aad ka arki karto quruxda iyo bilicda magaalada meelo fog oo aad u kala durugsan.

Horumarkaa balaadhan ee magaalada ka jira ee kala duwan waxaa barbar socda dib u dhacyo waaweyn oo ka muuqda magaalada meelo ka mid ah, waxaan ka mid ah biyaha oo aad  ugu yar magaalada oo ilaa mar hore ay dadweynuhu ka cawdaan taas oo aan ilaa hada wax fiican oo laga qabtey aanay jirin, qashin meelo badan tuulan.

Magaalada waxaa si ku dhaw laba isle’eg u kala qaybia doox weyn oo galbeed ka yimaada oo u socda Bari kaas  oo magaaladii ka kala dhigay laba daamood oo kal ah woqooyi iyo koonfur, dooxani malaha dhul ahaan uun astaan uma ahee waxa uu sidoo kale u yahay calaamad muuqata u yahay sinaan la’aanta ka jirta magaalada ee dhinaca horumarka.

Daanta woqooyi ee magaalada marka aad joogto waxaad arkaysaa magaalo horey u martey oo adeegyo kala duwan leh, dhamaan xafiisyada dawlada iyo xarumaha wasaaraduhu  ama sida ay u badan yihiin waxa ay ku yaalaan  dhankan  woqooyi ee magaalada, sidoo kale xafiisyada hay’ahada caalamiga ah, Huteelada waaweyn, suuqyada casriga ah ee ganacsiga, guryaha quruxda badan ee hantiilayaashu dhisteen iyo xaarumaha jaamacadaha marka laga reebo jaamacada Hargeysa waxa ay ku yaalaan dhamaaba daantan.

Laamiyada la dayac tiray kuwa cusub ee la sameeyey gaadiidka faraha badan waxa aad ku arkaysaa dhanka woqooyi ee Hargeysa.

Marka aad u talowdo dhanka koonfureed waxaad tageysaa oo aad is odhanaysaa waxaad ka baxday Hargeysa waxaanad tagtey Tuulo ama magaalo ay waa hore ugu danbaysay wax horumar iyo dayac tir lagu sameeyey, waxaa jajaban oo burburay wadooyinkii laamiga ahaa oo ay ugu muhiimsan tahay wada Garoonka dayuuradaha ee Cigaal tagta taas oo ay ahayd in ay noqoto tan ugu qurux badan waa meesha ugu liitada,guryaha waxaa ka muuqda qaarkood burburkii dagaaladii oo aad soo xusuusanayso waayo hore meeshan waxa ka dhacay.

Waxa ay ahayd  tahayna in dawlada hoose adeegyada horumarka si isku dhaw u wada gaadhsiiyo magaalada dawlada dhexena arinkaas culayska saarto, dadka deegaankaasi ku dhaqana xaqooda raadsadaan oo hadii dawladi wax u qaban waydo ay iyagu bilaabaan sidii ay horumar xaafadahoogu ugu sameyn lahaayeen.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee xaafadaha koonfurta Hargeysa ka soo jeeda iyo kuwa Baarlamaanka ku jiraaba maanay marna iswaydiin sida xaafadahoogu uga liitaan magaalada qaybteeda woqooyi mise  jaadka haday helaan waxba kama maqna?

Magaalooyinka kale ee reer S/land waxaa laga yaabaa in ay Hargeysa wax ka sugayaan oo ay rabaan  in ay wax u qabto taasi way muuqtaa mar hadii iyaduba ay cadaalad isku sameyn wayday oo labadadeeda daamood kala yihiin kaaf iyo kala dheeri maxay kuwo ka fogi ka sugayaan?

hrg hrgs

Xasan Ciise