Qofku ma gaboobaa?

Waxaa is waydiin leh tolow qofku sidiisaba ma gaboobaa? Ka hor inta aanad su’aashan ka jawaabin bal horta ila eeg aragtidayda.

Marka hore waxa muhiim ah in aynu fahamno qofku waa kuma. Ma jidhkaa? Ma ruuxdaa? Mise waa isaga oo isku dhan?

Tusaale waxan u soo qaadan karnaa sida ay u kala duwan yihiin wadaha iyo gaadhigu. Mid waa qofkii waday ka kalena waa gaadhigii, sidaas ayaanay labadoodu u kala maarmin. Waliba qofku wuu ka maarmi karaa laakiin gaadhigu qofka la’aantii wax jira maaha.

Nin borofeesar ah (oo gaal ah) ayaa wuxu yidhi “qofka bani’aadamka ah haddii isaga oo nool la miisaamo oo uu noqdo 70 kiiloo haddana la miisaamo isagii oo naftu ka baxday wuxu noqonayaa isla 70-kii kiiloo. Jidhkiisii wuu ina ag oolayaa isaga oo aan wax qiimo ah lahayn. Waliba haddii aynu iska fogayn wayno dhib ayuu inoo gaysanayaa.”

Profeesarku wuxu intaa ku daray “qofkii dhabta ahaa wuxu ahaa wixii jidhka ka baxay ‘nafta’, sidaas daraadeed qofku waa in uu taas korinteeda ku dedaalaa.”

Haddaba shakhsiyadda dhabta ahi waa ruuxda. Jidhku waa gaadhigii aad isticmaalaysay xume iyo wanaag ka ay noqotaba. Ruuxduse waa mid ku waaraysa jannada ama naarta. Waxan gaboobayaa ee isbeddelayaa waa jidhkii oo kali ah.

Nasiib wanaag Illaahay innaga wuxu ina siiyay wixii korinayay ruuxda oo ah diinta oo aad barato kuna dhaqanto isla markaana aad gaadhsiiso dadka kale gaal iyo muslimba. Waliba waxa mudnaanta leh gaalada sababta oo ah innaga ayaa ka masuul ah sidii aynu naarta uga badbaadin lahayn.

Nuur Xaaji Xiirey
nur.hersi21@gmail.com