Saxaafada caalamka iyo lafo gurkooda heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay qallinka ku wada duugeen Madaxweyne Biixi iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed….. Qore:- Yuusuf Maxamed Ismaaciil 

Hargaysa :- Warbaahinta caalamka ayaa falanqayn ku sameeyey heshiiskii taariikhiga ahaa ee Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya isla markaana qallinka ku duugay heshiis is faham kaasi oo ku wajahnaa in Itoobiya ay 20 km oo Kadin baddeed kiro ah ka hesho xeebta dheer ee Somaliland, iyadoo taa beddelkeedana uu isfahmankani dariiqa u xaadhayo in Itoobiya ay noqoto dalka koowaad ee shaaciya aqoonsiga caalamiga ah ee ay JSL dunida ka doonaysay muddada dheer.Warsidaha The Economist ayaa sheegay in labada hogaamiye ee Somaliland iyo Itoobiya ay 1-dii bishan January 2024 ay ku dhawaaqeen War lama filaan ku noqday dunnida.

Warsidahani waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

“Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayay ku shaaciyeen in Somaliland ay go’aansatay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay ka kireynayso deked badeed iyo 20 km oo xeebta badda cas ah ee Somaliland. Taas badalkeeda Somaliland waa in ay saamiyo ka hesho Ethiopian Airlines, oo ah duulimaadka ugu weyn Afrika, iyo sidoo kale in dawladda Itoobiya aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah siiso Somaliland.

Warsidaha The Economist oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in tani ay Itoobiya ka dhigi doonto waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada dalkii uu hore u soo gumaystay Ingiriisku ee Somaliland taas oo ku dhawaaqday inay madax bannaanideeda kala soo noqotay Somalia sodon sanno ka hor. Raysal wasaaraha dawladda Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa heshiiskan taariikhiga ah ku tilmaamay guul dublamaasiyadeed oo buuxinaysa baadigoobkii tobanaan sano ee Itoobiya ay ku raadinaysay inay si toos ah kaalin ugu yeeshaan dhaq dhaqaaqyada badda cas, Taasina ay horseedi doonto in ku dhawaad 120 Milyan oo Itoobiya u dhashay ay ka bixi doonaan waxa uu ugu yeedhay xabsi juqraafi

Warsidaha The Economist ayaa sheegay In dalka Itoobiya uu mar lahaa laba dekedood iyo sidoo kale ciidan badeed, inkastoo ay lumiyeen fursadaas kadib markii uu ka go’ay gobolka ka xiga waqooyigu sannadkii 1993-kii isla markaana Eritrea ay noqotay dal ka madax bannaan Itoobiya.

Itoobiya waxay ku tiirsan tahay dekedda Jabuuti oo inta badan ah marinka ay u soo maraan ganacsigeeda dibadu, sidoo kale waxay Itoobiya sannadkii 2018-kii ay heshiis la gashay Somaliland iyo shirkada DP World ee dalka Imaaraadka oo la wareegtay maamulka dekedda Berbera, waxayna Itoobiya saami dhan 19% ka heleen dekedda Berbera ee dhawaan la ballaadhiyey, taas oo 160 km u jirta caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Warsidaha The Economist ayaa intaas ku daray in hogaamiyeyaasha Muqdisho ay aad uga cadhoodeen heshiiskii dhex maray 2018-kii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa in shirkada DP World ay maamusho dekedda Berbera, hasa yeeshee ay maanta muuqato inuu heshiiskaasi sidii loogu talagalay u shaqaynayo.

Saddex maalmood uun ka hor Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dawladda federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku kulmay dalka Jabuuti iyagoo qallinka ku duugay heshiis lagu sii ambo qaadayo sii socoshada wada hadalada labada dal u dhexeeyay kaas oo uu martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Qore:- Yuusuf Maxamed Ismaaciil

xigasho:Telefishanka Qaranka Somaliland

Bandhige@gmail.com