Wasiiru Dowlaha Ambassador Mesganu Oo Kulan La Qaatay Safiirada Dalalka UK, France, Russia U Fadhiya Dalka Itoobiya

H.E. Wasiiru Dowlaha Ambassador Mesganu Arga ayaa Xafiiskiisa kulamo gaar gaar ah kula qaatay Safiirada dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka u fadhiya dalka Itoobiya.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, H.E. Darren Welch, wuxuu soo dhaweeyay horumarka cusub ee gobolka wuxuuna dhiirigeliyay wadahadal nabadeed oo dhex mara dowladaha ay khuseyso. Wuxuu carabka ku adkeeyay doorka Itoobiya ee amniga gobolka iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Kulamadan ayaa ujeedadoodu ahayd sidii loo wanaajin lahaa xidhiidka diblumaasiyadeed, is dhaafsiga fikradaha amniga gobolka, iyo in la sahmiyo dariiqooyinka iskaashiga ee dhinacyada danaha labada dhinac.