Waxaa kala horumaray saxaafasdii iyo kaabeyaashii nolosheena sida dhaqaalaha iyo siyaasadda. Waxaa arinkaas keenay bulsho ahaan kala fikir iyo nidaam aan loo aabo yeelin oo qofkii cadhoodaa ama cid isqabtaan adeegsado tebiyeyaal badan. Waxa meesha ka baxday xaddidkii, xeerbeegtii iyo birimagaydadii qaayb ka ahaan jirtay haawlaha dadka iyo dalkastaba, waxayna dhaxalsiisay ina ay baqaan oo ka gaabsadaan dantii guud. Waxaa sababtaas keentay saxaafadda iyo tebiyeyaashii ii baahinayaย sawiro aan dunidu ku bogsanayn iyo tebinta wararka dhiillada leh ee cid kasta loo turjumaayo afkastana lagu turjumaayo marka aay daawanayaan dadka ajaanibka ahi.
Adiga oo ah qof nool mark aad daawato sawiro aad ka naxayso ama hadallo aan ku wanaagsanayn in dadka lala wadaago kuna qurux badnaa asturaadda iyo dhowristeeda waad ka xishoon in aad dhugato ama dhegaysato.
Waddamo badanย markii ay kobcayeen iyo hadda oo ay dhaqaale ahaan xooggan yihiin aad bay isaga dhowraan saxaafadda aan xaduudda lahayn, waayo indhihii dunida uma baahan ina ay kusoo jeedsadaanย waddamo soo koraya.
Saxaafadda gudaha waa in lagu hagaa tubta haboon oo la baraa waddaniyadda, tan caalamkana waa in isha lagu hayaa soo galitaankooda iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee ay wadaan, lagana hubiyaa waxa ay gelbinayaan. Sidaasi maaha cabudhin saxaafadeed ee waa hagid iyo hormayn saxaafadeed iyo mid tabineedba?
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qorayย Xasan Cabdi Shire:
Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!
Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah
Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay
Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha
Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha