Meeyay ninkii Geelle ahaa? (WQ: Cumar Daahir)

Nin oday ah ayaa muddo kamaqnaa deegaankii uu ku noolaan jiray aadna looga yaqaanay dhulkaas iyo geyiga ku dhow, deegaankii oo haatan magaalo weyn noqotay ayuu Xaajigu u usoo sodcaalay isaga oo filashada iyo maankiisa waxa ku jira ay tahay oo kali ah wixii uu ku yaqaanay waagii hore. Markii uu soo gaadhay goobtaas waxa ay kulmeen mid kamid ahaa shaqaalihii dawladdu xillalka usoo magcawday ee gobolka u fadhiyay.

Sida caadada ah dadku waa isbariidshaan waana lays wareystaa nabaddu ha ugu horeyso oo toyashaduna ha ugu dambeeysee, intaasba markii la gaba-gabeeyay ayuu waydiiyay xilkiisa iyo waxa uu halkan u joogo? Sarkaalkii Markii uu u sheegayba xilka uu ku qaydanyahy waa uu saluugay malaha kama filanayn heerkan iyo xilka labadaba. Odaygii socotada ahaa ayaa weydiiyay, ninkii Geelle ee kaa weynaa mee, xaguu ku dambeeyay?’’ Sarkaalkii ayaa ugu jawaabay “Gugii hore waataanu aasnay Alle-ha-unaxariisto e”. Markale ayuu hadana weydiiyay: ‘’Calise xagee jiraa?’’ waa mid kale oo uu ku tuhmayay in uu xeel-dheeri, iyo aqoon labadaba kaga weeynyahay reerkana laga soo beegsan jiray, wuxuu ugu war-celiyay: ‘’ Miyi iyo xoolo ayuu dhaqday oo magaalaada waa ka guuray.” Cabbaar markuu aamus kumaqnaa waxa uu ku warceliay ‘’Ilaahay baa wax uga danle’’ isaga ayaa fahmaaya ujeedka odhaahdaase.

Sheekadan waxaa i xusuusiyay mar aan dhex-mushaaxayay xusuus qorka Lee Kuan Yew oo ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu wakhtiga dheeraa Singaabuur (Singapore) kana soo samata bixiyay xilligii adkaa ee kala go’a, gaadhsiiyayna dalkiisa inuu ka mid noqdo kuwa lagu tiriyo waddamada dunida ugu horeeya.

Waxa sii gaar aha xogahani ugu qoranyihiin buugiisa caanka ah ee loo yaqaan “From Third World To First’’ magacani waa buuggii uu ka qoray wax-qabadkiisii iyo halgankii uu u soo maray sidii uu ku gaadhi lahaa riyooyinkii horumarineed ee uu ku taamayay, waana tan maanta reer Singapore ku naalloonayaan. Kadhabaynta riyadaasi waxa ay lama gaadhaan aad u-daba-dheer kunoqotay dalal badan oo Dunida Saddexaad(DS) ah waxa ayna u adeegsadaan, Singapore, hal-beeg ay ku han weynyihiin in ay mar uun gaadhaan.

Waxa uu buugiisa kusoo gabo-gabeeyey ‘’Waa in aan waxbaranaa kana mid noqonaa dunida kusalaysan aqoonta. In aanu guulaysanay soddonkii sanno ee u dambaysay ma qeexi karto in aan si lamid ah u guulaysan karno mustaqbalka. Sikastaba ha ahaatee, door weyn ayaanu kaqaadanaynaa in aanu ku adkaysano aasaaskii horumarkayaga: Bulsho isku xidhan oo lagu gaadhay qaybsashada wax-tar-san-kii (benefits) horumarka, fursado dhammaan loo simanyahy, iyo laddoonashada hoggaamiyaha hanan kara xilalka dawladda’’.

Mar marka qaar ee aad keligaa gorfayso arrimaha cakiran ee saboolnimadu hor boodo una muuqda in Afrika ay uweydey maare waara ayaad is-arkaysaa adiga oo taagan ‘’Illaahay baa wax uga danle’’.