Nin Soomaali ah ayaa waxa uu mindi ku dilay haweenay u dhalay waddanka Maraykanka oo ku sugnayd London. Nin ayaa la rumeysan yahay in uu maskaxda ka xanuunsano.
Weerarka ayaa la rumeysan yahay in uusan wax xidhiidh ah la lahayn fal argagixiso, sida booliiska uu sheegay. Sidoo kale waxa weerarkan ku dhaawacmay 6 qof.
Kaaliyaha madaxa booliska London Mark Rowley oo ka hadlay dhacdadan ayaa waxa uu yidhi:
“Haweeneyda la dilay waxay ahayd Maraykan, dadka la dhaawacayna waxay u kala dhasheen dalalka Australia, Maraykanka, Israel iyo Britain.”
Rowley ayaa sheegay in qof Soomaali-Norwegian ah oo weerarka fuliyey la xidhay, hase yeeshee aysan jirin caddeymo muujinaya in ninkaas uu xagjir ahaa ama weerarka uu dhiir-geliyey argagixisanimo.
Isagoo ka hadlayey waxa uu yidhi:
“Dhammaan baadhitaanada ayaa muujinaya in arrintan ay tahay musiibo la xidhiidha xanuun dhinaca maskaxda ah.”