Seddex qodob oo xadhiga Coldoon ku dhamaan karo (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

Muxuu ku dhamaan doonaa xadhiga samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon?, shaqsiyan waxaan u arkaa saddexdan qodob.

1- Sumcad u soo korodha maxbuuska.

2- Sumcad daro uu qaranka iyo xukuumaddaba u soo jiido.

3- iyo nacaybkii iyo kala qaybsanaantii bulshada oo uu halkeedii ku celiyo.

Ugu horeyn nin walboo is leh wuu ku cabiidsamayaa, waa daciifnimo in cadaadis iyo cabudhin lagula kaco qof muwaadin ah in ay keenayso in uu keenada soo dhigto oo lagu hogaamiyo, caksigeedase waxa Cabdimaalik uu ka qaadi doonaa dhiiranaan iyo inuu u arko in uu u soo jiiday xadhigu magac iyo sumcad aakhirka u keeni doonta inuu magaciisu buuxiyo baalasha buugta ,qormooyinka iyo warbixinaha laga diyaariyo dadka u halgama xorriyadaha, cadayna u noqda xukuumaddaha neceb hadalka qofka iyo dhaqdhaqaaqa xorriyadaha bini ‘aadamka inay Somaliland ka jirto.

2.- Waxa Xukuumaddii lahayd ganacsadaha dulman baa ictiraadkeenii ย waxyeelaaya uu xadhiga Coldoon ku keeni doonaa hoos u dhac iyo in bulshada caalamka ay u aragto in uu Somaliland hogaankeedii la wareegay Askari ku tunta xorriyadaha aasaasiga ah oo u xiisa qaba xadhiga iyo cabudhinta bulshadiisa, Somalilandna waxa uu ku ridi doonaa rajadeedii god dheer.

3- Waxa kaloo xadhigani uu soo nooleyn doonaa kala qaybsanaanta bulshadii ay xukuumaddani horey ugu kala irdhaysay doorashooyinkii ee ay u kala abtirisay, waxana ay xaqiijinaysaa oo ay run ka dhigaysaa afkaartii uu qof xumiba bulshada kala dhex dhigaayay ee ahayd in reero gaar ah loo jeedo oo la doonayo in lagu cabiidiyo, sida ilaa xalay goobaha lagu haasaawo ee baraha bulshada ka socotay oo dadka qaar ay abaabulayeen in la abaabulo dhaqaale lagu bilaabo mudaharaado ka dhan ah xukuumadda cadowga u ah dadka qaar, sida doodahaa ka muuqatayna la doonayo in sida maanta Muqdishadii aynu kala tagnay ka bilaabatay looga bilaabo magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa.

Haddaba maadaama aan xusay waxay ila tahay inay ka dhalan karto, xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, ย waxaan raacinayaa talo soo jeedin ku wajahan Madaxweyne Muuse waxaanana lee yahay, adeega iyo go’aan qaadashadu maaha in la xiniinyo taabto muwaadinka oo la soo celiyo wixii ay hore inooga dhinteen kumanaanka wiil ee lagu waayay wixii hanti ummaddani soo dhaqanaysay, ย balse go’aan qaadashada bulshadani kaa sugaysay waa inaad qarankan u jeexdaa siyaasado cadcad oo lagu badbaadinaayo mustaqbalkooda oo ku wajahan siyaasadaha kor loogu qaadaayo nolosha bulshada dhinac walba laguna gaadhsiinaayo wixii ay raggii kaa barbar iyo hor iyo gadaal dagaalamaayay ay u dhinteen.

Waxaan filayaa in xukuumaddu ka fogaato wixii qarankan nabadgelyadiisa iyo sumcadiisa ictiraaf doon waxyeelaaya.