Aadamuhu marka laga soo bilaabo anbiyadii (Nebiyadii) C.S.W. iyo Rusushii dhamaaantood waxay ahaayeen kuwo marka laga tago dacwada aan dadka baryinee shaqaysta tusaale ahaan nebigeeenii Da,uud C. S . wuxuu ahaa mid Mid shaqaysta kala soo baxa nolol maaalmeedkiisa waxaana u daliil ah mxadiiskii nebigeena s.c.w.oo uu ku dhiiri gelinayay shaqaysiga Iyo tabcashada
عَنِ الْمِقْدَامِ رَضِي اللَّهم عَنْهم عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ
مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَامًا قَطُّ خَيْرًا مِنْ أَنْ يَأْكُلَ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ وَإِنَّ نَبِيَّ اللَّهِ دَاوُدَ عَلَيْهِ السَّلَام كَانَ يَأْكُلُ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ )
(صحيح البخاري)
Xaadiiskaasina wuxuu ka hadlyaa inuu nebigu S.C.W uu yidhi yidhi (midkiin cuntoo ma cuno ilaa inuu cuno camalka gacantiisa ,nebigii illahaye e daa,ud wuxuu ahaa mid cuna camalka uu gacantiisa ku kasbado). Iyadoo inuu qofku shaqaystaa ay tahay mid Sune Nebi ah ayaa maanta waxaaa soomaali ay ka horaysiiyeen shaqaysigii qabyaalada oo ah wax la dhaleeceeyay oo ah qadhmuun ah, waayo waxay kalafogaysay dad badan oo asxaab ahaa ,dad badan oo kala midab ahaa, iyo dad badan oo meel kuwada nool .waqtigan umada soomaaliyed waxaa burburiyay oo ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa waxaana hooyo u ah qabiilaysiga iyo sed bursiimada noqotay wax lagu faano.nebigeenii muxamed s.c.w wuu dhahay ka tag waa bakhtiyee qabyaaladuduyee
(دعوها فإنها منتنة)
Marka cabirka lasarayo qabyaalada iyo qudhunkeeda waxaa fiicaan in macne loo yeelo sida Eray walba macno loo siiyay maanta bal aan is waydiino sua,aashan:
Qabyaaladdu maxay tahay? Waa loollan danaysi oo ka dhexeeya qabaa’ilka. Marba haddii ay dadku isku dan ahayn oo ay kooxo kala noqdaan xasaradi kama dhammaato. Waxaan aad ula yaabaa dad culumo iyo caamaba leh oo dhaha qabiilku waa xaq oo Alle ayaa naga dhigay ee qabyaaladda ayaa xun. Waxaad mooddaa dadka sidaas lihi in aanay aqoon u lahayn cilmi mandiqa waayo qabiilka ayaa keenay qabyaaladda. Ma aha qabyaaladdu dhibaato qabiil la’aan jiri karta qabiilna ma dhici karto qabyaalad la’aan. Sidaas darteed haddii ay qabyaaladdu xun tahay waxa keenay ayaa xun oo ah qabiilka.
Xaqiida waqtigan ka jirta geyiga somalida ee saamaynta qabiilka
Waxa maanta dhacda in ninkii aan dawlada ama meelaha shaqo laga helin Karin cidi
ujoogi uu gebi ahaanba ka dhacay nolosha ,iyadoo ay tahay tamar darida iyo niyad xumada bani,adamka ku abuuran oo ah in haddii dhib soo food saaro in niyad jabo lagana yaabo inuu wax badan is yidhaahdo waad wayday ama ma gaadhi karaysid shaygaasi aad rajaynaysay inaad hesho ee ahaa qprshahaagii aad dejisatay.waxaa marka qof shaqo tegayo aduunka lagu qiimeeyaa waxayaabahan :
Inuu yahay qof shaqada uu qabanayo leh xirfadeeda
Inuu yhaya qof daacad ah oo leh anshax iyo adeecid maamul
Inuu yahay qof la shaqayn kara koox dad ah lehna adkaysi shaqo
Inuu yahay qof joogitaanka shaqada iyo masuuliyada u diyaar ah marwalba
Inuu yahay qof ilaalin kara magaca iyo sharafta hadba meesha uu jooogo
Balse maanta waxaa xafiiskaad aragtoba lagu hortaagan dad badan oo shaqo tag ah waxaana ka dhacday geyiga soomalida waar kumaa tahay,jawaabteeda oo koobani waa waxaan ahay balse waxaa ka awood badan keliya reer maa tahay .markii uu shakhsigii la kulmo dhacdadan wuxuu markii dareemayaa dareen ah qabiilaysi wuxuu tamaniyayaa inuu qof shaqao hayo wax isu ahaadaan ,waxaa uu kubixinayaa waqti raadinta qof isagii shaqaaale ah ,waxaan auu iloobayaa aqoontuu lahaa oo tan reernimo ayaa noqonaysa ta keliya ee uu talo saaranayo.
Waxaa ku haboon dadka somalidu inay qabyaalada iska iloobaan kana saaraan maanka qof walbana lagu qiimeeyo dad nimadiisa iyo diintiisa islaamka ,qof hadaad uga hiilis qof kale (Nepotism) iyo (Racism ) ahaan ogow maalint la qawan yahay waxba kuu tari maayee qof wallow ahow Aanti-trabalism) qof ka soo horjeeda qabyaalad iyo xumaanteeda faafaysa
WQ: Maxamed Cabdi Sooyaan
Email.Msoyan6@gmail.com