Maxamed Baashe waa Qoraa caan ka ah dhamaan geyiga Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, aqoonyahan Maxamed Baashe waa Suxufi ka mid ah Warbaahinta ka hawl gasha dalkeenan somaliland. Maxamed waxaa uu si aad u adag uga dhiidhiyey oo u diiday Saldhiga Milateri ee dalkeenu ka siinaayo Isu-tagga Carbeed ee loo yaqaano Imaaraadka, wuxuu in badan ka hadlay foolxumada iyo wadeecooyinka uu saldhigaasi Somaliland u geysan doono.
Hadaba Maxamed Baashe waa la xidhay, weli xukuumadani si cad uma sheegin umana cadayn arimaha lagu xidhay aqoonyahan Maxamed; kolkaasi waxaa is waydiin mudan waa maxay sababta loo xidhay Maxamed Baashe? Denbi noocma ah ayuu galay? Xeer maxay odhanaaya ayaa loo maray xadhigiisa? Sida sharcigu dhigaayo qof waxaa la xidhi karaa marka uu arimahan hoos ku xusan uu ku jiro:
- In denbi faraha markaa kula jiro
- In waaran maxkamadeed lagu soo xidho iyadoo eediisu ay taalo maxkamadda
Hadaba mar hadii aan labadaas arimood midkoodna aanuu jirin, muxuu yahay waxa sadexaad ee qof dhalad ah lagu xidhi karaa? Arimaha noocaas oo kale ahi waa dhacdooyin ay xukuumadani la timid oo aan dastuurka iyo sharciga dalkeena Somaliland meel na kaga xusnayn! Hadaba xukuumadani xagay ka keentay arimahaas foosha xun?
Si kastaba ha ahaatee aqoonyahanka la xidhay ee Maxamed Baashe muu jirin fal denbiyeed uu faraha kula jiray oo markaas ay xukuumadu ku xidhay. Sidoo kale ma jiro waaran maxkamadeed oo loo soo gooyey maxbuuskaas ee waxaa lagula kacay hanaankan afduubka ah ee ay xukuumadani mar walba kula kacdo dhaladka reer somaliland.
Markaynu ka nimaadno xadhigan maanta yaala ee Maxamed Baashe waxaa Somaliland ku naalootaa oo kuna meel martay tanaasul mar walba ay sameeyaan cidda markaa haysa hogaanka iyo majaraha somaliland, balse taasi iminka meesha waa ay ka baxday oo bulshada iyo asxaabta mucaaradka ah ayaa tanaasula! Taasi waxay ka dhigan tahay in xukuumadu rabto in Maxamed iyo inta la aragtida ahiba ay ka tanaasulaan aragtidooda oo xukuumada ku raacaan dheesha foosha xun ee dalkeena lagu maja xaabinaayo.
Isku soo wada duuboo xadhiga Maxamed Baashe waa mid aan sharciga iyo qaanuunka aan melena kaga ool ee waa hanaan ay xukuumadani intay joogtay bulshada reer Somaliland cidii ka aragti duwanaanta ay ku afduubto si ay dadka u cabsi geliso oo aan ciddina uga hadlin masiirka dalka.
Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax