Waa su’aal aad u adag, se aan filaayo waxay ibofur u noqon kartaa xalka aynu marba meel ka dayeyno iyo inagu kiciya maanta ayey ugu daran tahay,marka wax inaga xumadaan.
Waxa xaqiiq ah in dimuquradiyadu ayna so saarin hogaamiyaheena ugu wanaagsana, sidda aynu wada aragnay in badan. Waxa kaloo xaqiiq ah in aqoontu badana ayna saameyn ku yeelan habdhaqanka, fikirka iyo dookha qofka inaga ah ee waxbartey( waa meel u baahan in cilmi baadhis lagu saameyo), sidaad wada aragteen wakhtiyo badan.
Haddaba, waxaynu maanta arkayna ee baylaha ahi, hadday tahay goobaha caafimadka oo liita iyo tamar darida dawlada oo laga cabaanayo, ama cadaalad darada, waxa ay muryaad u tahay dookha xun ee bulshada iyo siyaasi dadka ku dan gaadhey oo ka faa’iidaystey dacfigooda.
In jiidkaasi hore lagu noqdaan waa mid surtogal ah oo dib loo doorto ka laga cabanayo ama mar kale loogu noqdo jiidki burburka ee 1988-kii. Labaduna maaha dookh wanaagsan, se waynu u nugul nahay taasi.
Dooduhu markasta way wanaagsan yihiin. Hase ahaate maaha inay innaga noqdaan qaar dhabaqsan oo ku jiiqsi ah.
Bal u fiirso akhriste, doodaha dhalinyaradu waa laba daraf oo aad u kale fog markaad u fiirsato qoraalada baraha bulshada lagu wadaago, laysuma garaabo doodaha, qof kastaaba isaga keligii saxsane ah, waxayba taariikh ahaan dib kugu celin kartaa xasuusta koohihii hore ee wadanka so marey ee la odhan jirey Khaakh iyo shiish . Marka kooxna loo dawladeeyo, kooxda kalena ay si cadho leh uga falceliso oo xayndaabka ka talowdo.
Aragtidayda, Somaliland hagaagsan, horumarsan, han leh, haybad leh, hadhsanaysa cadaalad oo hiigsanaysa hiraal fogi, waxay ku iman karta keliya marka dadka inta badan caqliga naqdiga ah( critical thinking) wax ku qiimayn karaan ay bataan, ujeedo midaysana bulshadu u yeelato dantooda taasi oo ka horaysa jacaylka qabiilka, faanka beenta ah, mansabaka iyo nin jeclaysiga iyo nin necbaysiga.