Siyaasaddu waa awood, halgan iyo muran ka dhexeeya labo dhinac oo iska soo horjeeda, oo midba midka kale fikirkiisa ama taladiisa diidan yahay. Siyaasaddu waa kala xulasho. Sidoo kale siyaasaddu waa in la isku tanaasulo. Haddaba waxaad ogaataa, in qofna awoodda uu haysto badh lumin. Awoodda halganka ku dhisan mid kastaa wuxuu ku dedaalaa inuu ka kale ujeedkiisa marsado ama tiisu u fusho. Sida uu hadafkiisa u gaadhayo, wuxuu xushaa habab kala duwan. Marka hore waa inuu awood isticmaalo, taas hadduu ku heli waayo, waa inuu ku dayo waanwaan( negotiation). Haddii uu taas ujeedkiisa ku gaadhi waayo, waa inuu dhaqaale adeegsado si uu dhinacan kasoo horjeeda awoodiisa u yareeyo tiisuna u hirgasho. Markaa haddii midba midka kale kala horyimaado mayal adayg, iyo dhiiranaan, waxaa soo gasha gacan saddexaan waxaana yimaada wax loo yaqaan isku tanaasul(compromises). Isku tanaasulku maaha in hal dhinac doodiisii ama aragtidiisii ka wada hadho ama ka dhaqaaqo maalin cad isaga oo madhan, laakiin waa in midkastaa wax ka tanaasulo. Heshiiska halkaa ka imanaya waa in uu mid kastaa dantiisa ka dhex arko haddii kale waxay noqonaysaa in la kala adkaaday oo mid jabay( win to loose) . Tusaale imika waxaa heshiiyey saddexda xisbi qarran ee Somaliland. Su’aashu waxay tahay maxaa la isku hayey markii hore? Khilaafka xisbiyada iyo xukuumaddu wuxuu ahaa habka magacaabistii xubin uu Madaxweynuhu magacaabay oo gudiga doorashooyinka ka mida. Doodu waxay ahayd Madaxweynuhu xubintaas ha badalo iyo badali maayo. Midkastaa meel adag buu iska taagay. Waxaa la sameeyay guddi arrintaas xal ka keena, si horay loogu dhaqaaaqo. Guddidaasi arrintaas wax guul ah kama gaadhin, sidaas darteed waxaa soo dhex galay gacan kale oo saddexaad, taas oo ahayd daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland( stakeholders). Muddo ka dib xisbiyadii way heshiiyeen, laakiin ma dhinac baa jabay? Maya gudigii baa wax laga badalay, waxna lagu kordhiyey. Xisbiyaddii waxay ka cabsoodeen in ururo la furo oo ay meesha ka baxaan. Sidoo kale xisbiyadii dhaqaalo ahaan ayay hoos u dheceen, sababtoo ah doorashadu waa mashruuca keliya ee dhaqaale ka soo galo. Iyaga oo labadaas arrimood danaynaya ayay doorteen in doorashada la galo xubintii lagu muransanaana ka tanaasulaan. Halkaasina waa labo kala daran mid dooro(political dilemma). Maxay noqonaysaa dooda awood qaybsigu? Xisbiyada iyo xukuumaddu waxay dejinayeen shaxdii ay dadka awood qaybsiga raba u marsiin lahaayeen in sidaas lagu galo doorashada, waxayna aamisan yihiin in awood qaybsigu sidaas sax ku yahay. Haddaba dooda gobolada galbeedku waxay guulaysanaysaa hadba inta ay ku adkaystaan arragtidooda ah awood qaybsi. Haddii ay ku adkaystaan gudi doorasho oo inta uu goobo doorasho qorsheeyo, sannaadiiq gayn karaa ma jirto. Xildhibaan ku dhaca inuu yidhaahdo musharax baan ahay oo inta uu astaan samaysto magaalooyinka ku dhejisan karaana ma jiro. Marka ay sidaas noqoto xukuumadda labo arrimood mid bay samayn karaa iyaga oo isticmaalaya siyaasadda kala doorashada arrimaha taaggan sida loo wajahayo( political alternative of current issues). Kuwaas oo kala ah:
● Gobolada awood qaybsida raba in loo jaro tiro xildhibaano ah, inta la gaadhayo tirakoob.
● In doorashada halkaas la iska dhigo oo la yidhaah waa in tirakoob la sameeyo, oo ah ta dadku caddaalad ku wada heli karaan.
Markaa siyaasaddu malaha tanaasul madhan ee waa inaad ritado waxaad doonayso oo dhamaystiran, ama wax u dhigma.
Allaa mahad leh.
W/Q: Mustafe Barkhad Cabdilaahi( M. Dhimbiil).