Qeexitaanka Koritaanka Dhaqaalaha;
kobaca dhaqaalaha iyada oo loo marayo isbeddel gudaha iyo mid dibedda ah ee qaabka iyo qalabka Wax-iibinta Wax-soo-saarka (PPC). Kobaca dhaqaalaha waxaa lagu qiyaasaa kororka wadarta isugaynta guud ee dalka ama hanti rasmi ah oo gudaha ah (GDP) ama waxsoosaarka guud ee qaranka (GNP).
Qiimaha waxsoosaarka Qaranka ee gudaha (GDP) ee waddanka waa qiimaha guud ee dhammaan badeecadaha ugu dambeeyay iyo adeegyada la soo saaray gudaha waddanka mudo wakhti ah. Sidaa daraadeed, korodhka shidaalku ama tiknoolajiyaddu waa korodhka waxsoosaarka dalka tusaale ahaan.
Marka laga eego aragtida siyaasadeed, horumarinta dhaqaalaha waxaa lagu qeexi karaa dadaal loogu talagalay in lagu wanaajiyo fayoobaanta dhaqaalaha iyo tayada nolosha bulshada si loo abuuro ama loo helo shaqooyin iyo taageerid ama kor u kaca dakhliga iyo saldhigga canshuurta.
Sifooyinka Muhiimka ah ee Horumarinta Dhaqaalaha waddankasta:
1. Korodhka daqliga dhabta ah ee soo gala qofkiiba: Dakhliga dhabta ah ee dakhliga qofkasta oo muwaadin ahi waa mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee horumarinta dhaqaalaha. Waddamada aan korayn ama hummaag hoos u dhac ku yimi waxay ku dhibtoodaan heerka dakhliga dhabta ah ee qofkiiba sidii ay u kobcinlahaayeen, taas oo keentay in kaydka yaryar iyo maalgelintu hooseeya. Taas macnaheedu waa in qofka caadiga ah uusan helin lacag ku filan oo lagu maalgeliyo ama lagu badbaadiyo dakhligiisa iyo fikirkiisa waxsoosaar.
Waddamada dadaalaya waxay ku qaataan wax kasta oo ay sameeyaan inay kobciyan dakhliga qofk. Sidaa daraadeed, haddii layska indha-tiro waxa uu abuuraa wareeg ah saboolnimo taas oo dadka intooda badani ay ku dhibtoonayaan inay baxsadaan gudaha wadanka ama lagu waaro baahi nafsaaniya oo taabata baahida guud e bulshada waddankaas. Boqolkiiba dadka saboolka ah (heerka dakhligoodu ugu hooseeya) ayaa aad ugu sarreeya ama ku badan dalalka soo koraya.
2. Heerka korodhka tirada dadka / heerka:
Tilmaamo kale oo ka mid ah dalalka soo koraya waa in ay leeyihiin ama kor u kacaan korodhka dadweynaha ama bulshada.
Badanaa, tani waa sababta ay keentay la’aanta fursadaha qorsheynta qoyska, la’aanta waxbarashada jinsiga iyo aaminsanaanta in carruur badani ay keeni karaan xoog shaqaale sareeya ee qoyska si ay u kasbadaan dakhli farobadan. Kordhinta tayada nolosha ee tobannaanyadii dhowaa waxa sababi kara heerarka dhalmada oo sareeya iyo dhimista dhimashada da’yarta Alla ayaa badbaadshee iyadoo loo marayo daryeel caafimaad oo wanaajiyay.
3. Heerarka shaqo la’aanta:
Goobaha miyiga ah, shaqo la’aantu waxay ka jirtaa kala duwanaansho xilliyeed iyo waqtiyadaoo sababay ama saboolnimo ku baahday dhulka miyiga; waddamada soo koraaya gaar ahhanna kuwa afrikada hoose waxa lagu arkaa hooseeyn iyo takoor fursadaha shaqo ee jira, qolaa shaqaysta soona saarta dakhli-yar kaasoo aan ku fillaayn ama aanay ku kalsoonaayn inaay ku waarayaan ila muddo, sidoo kale haddii magaalooyinka lays-dul-yuurarsado waa ibtili ba’an oo keenikarta burbur dhaqaale oo waddanka saameeysa. Hase yeeshee, shaqo la’aantu waa mushkilad adag oo u baahan siyaasado ka baxsan hagaajinta dhaqanka kuna salaysan nidaam cad oo dhaqan-dhaqaale.
4. Ku tiirsanaanta qaybta aasaasiga ah:
Ku dhowaad 75% dadweynaha dalal dakhligoodu hooseeyo ayaa si ku saleysan isku tiirsanaan baahsan ku habsatay iyyadoo daawladuhu na qorsha la’aan ku saleeyaan damacooda.Heerka dakhliga uu kordho iyo qaab-dhismeedka baahida isbeddelka lagu jaangooyo si siman, taas oo keeneysa kor u kaca qaybta waxsoosaarka iyo adeegga ka dibna waaxda adeegyada dhanka bulshada iyo daryeelka dadka muwaadiniinta ah in la balladhso si aan lahaayn habacsanaan baahsan ama kala takooris.
5. Ku tiirsanaanta dhoofinta badeecadaha asaasiga ah:
Maadaama qayb weyn oo ka mid ah horumarka dhaqaalaha waddanku ku yimaadi wax-soo-saarka waa in ay ku koobnaan oo kali ah baahida waddanka ee la raadsho suuqyo caalami ah, qeyb weyn oo ka mid ah dhoofinta ayaa sidoo kale ka soo jeeda qaybta aasaasiga ah ee nolosha waddamada koraya oo hela quudin taas bedelkeeda na waddamada koraya waa in ay helaan iibin caalami ah oo ay awoodi karaan in ay wax dhoofshaan. Haddaba, wa in ilaha dakhligu kordhan laga na baxaa in wax lasoo dhoosado oo kali ah, lana dhisaa nidaamka waxsoosaar iyo dhoofinta khayraadka waddanka.
la soco qaaybta labaad ee horumarka dhaqaalaha.
Xasan C Shire