Muuqaalka duleed ee sawirkani waa askari qori sita oo dhex taagan labba baabuur .
Muuqaalka gudeed ee sawirkanina waa in Madaxwaynuhu aanu ku kalsoonayn Burco , Burcana aanay Madaxwaynaha ku kalsoonayn .
Sidaa markay tahay , siyaasaddu sideedaba waa hal sawir oo siyaabo kala duwan loo macneeyo , cid walibana waxay u fasirataa sawirka siyaasadeed sidda ay danteedu ku jirta .
Hadaba In la buunbuuniyo sawirkan oo lagga badbadiyo waxay dani ugu jirtaa siyaasiyiinta Burco badhkeed oo u arka in dantoodu ku jirto in ay xukuumadda u muujiyaan in ay dhibkaa kaga xayn daaban yihiin dhibkaas isaga ah .
Dhinaca kale waxaa danteedu ku jirtaa in la buunbuuniyo in madaxwaynaha Burco wax dareeni oo tabani aanu u oolin , siyaasadana la isaga so dhawaan karro .
Sidaa darteed waxaa haboon in cid walba fahansanaato sawirka anfacaya iyo siday u falkinayso fasiraadiisa .