Sokoobidda Buugga 7-Caado/dhaqan ee dadka wax soo-saarka leh (WQ: Cabdiraxmaan Xuseen)

Buugga: 7-Caado/dhaqan ee dadka wax soo-saarka leh (The 7 Habits of Highly Effective People). Dhiganahan waxa qoray qoraaga weyne ee; Stephen Covey sanadkii 1989-kii, waxana buuggan laga daabacay in ka badan 25-million oo nuskhadood (Copy). Stephen, waxa uu kaydkiisan qoraaleed ku soo gudbinayaa dhaqano haddii uu qofku joogteeyo/sameeyo u damaanad qaadaya guulo dhinacyo badan ah sida; Dhanka xidhiidhada, ganacsiga iyo horumarinta shakhsiyadaba. Waxa muhiim ah in qof walbaaba uu leeyahay dhaqano uu raaco oo uu aaminsan yahay inuu ku gaadhayo Yoolkuu nolosha leeyahay. 7-caado ee buuggani qaada dhigayaa waxay u dhigan yihiin sidan;

1) Noqo maamulka rasmiga ah ee noloshaada (Being proactive). Madaxwaynaha dhabta ah ee noloshaada iyo naftaaduba waa adiga, haw ogolaan in aduunka wax ka dhacaya ku saameeyaan oo ku maamuulaan. Ma tihid waxa aduunka ka dhacaya ee duruufo iyo is beddelo ah, waxa aad tahay waxaad doorato inaad noqoto. Muhiimadu waa inaad ahaado qofka ay wax walbaaba ka soo fulayaan ee qaadayana masuuliyada wax walba oo noloshiisa ah.

2) Haku caddaato qofka aad rabto inaad noqoto iyo halka aad rabto inaad gaadhaaba (Beginning with an end in mind). Ujeedka qodobkani waa inaad jaan-goyso nooca qofeed eed rabto inaad noqoto, eed ku noolaato noloshaada inta hadhay, kolka aad meelayso sida aad doonayso noqoshadeeda, welibana aad diyaarsato habka aad ku noqon lahayd, waxa iyana kuu hadhsan inaad caddayso halkaad rabto inaad noloshaada gaadho (Yoolkaaga), labadan arrimoodba waxay kaa caawinayaan inaad ahaato qof leh meel loogu soo hagaago iyo si loogu soo hagaago.

3) Hadba waxa ugu mudna mudnaanta sii (Putting first things first). Badanka waxa suuragal ah inuu qofku sameeyo arrimo aan muhiim ahayn, sidoo kalena dacayo hawlo muhiim ah. Sidaa aawadeed marba waxyaalaha ama arrinka ugu mudan waxaad qabanayso qabo, muhiimadna sii sida ay hawluhu u kala culus yihiin, adiga ahaantaadana aad kuu khuseeyaan.

4) U fakar si guul waddareed ah (Thinking win-win).  Micnaha qodobkani waa dhiso xidhiidho aad la guulaysato ama qayb kaala qaata gaadhida hadafkaaga, Adiga oo aan danaysi waddin balse rabba inaad guulaysato sidoo kalena lagula guulaysato.

5) Fahan dadk si laguu fahmo (Seeking first to understand, then to be understood). Si aad u gaadho arrimo fahan laga haysto sidoo kalena aad qudhaaduba fahansan tahay dadka u dhegeyso si aad u fahanto, haw dhegeysan si hadalka markaaga uu u imaado, dabadeedna aad u hadasho. Fahanku waxa uu kuu sahlayaa inaad haddba arrinka jirra si wacan u meelayso, kaalin wanaagsana aad ka istaagto, si buuxdana ujeedkaaga iyo wixii aad markaa rabto laguula fahmo.

6) Bah-wadaage ahow (Synergizing). Marwalba muhiimad sii dadka inaad arrimaha si wadda-jir ugala shaqayso, waxa dhadhan iyo wanaag leh waxa ay dadku kaala shaqeeyaan adiguna aad kala shaqayso, marwalba xasuusnow is-kooxaysiga iyo wadda shaqaynta (Team work).

7) Marwalba is ogow/isla soco (Sharpening the saw).  Qodobkani waxa uu koobaya oo si kale u jeexaya dhamaan qodobada sare. Macnaha uu sidaana waa; Marwalba guddahaaga naftaada, dareemadaada, caqligaaga iyo jidhkaagaba la soco oo habbee, wax walbaba u ogow si joogta ah. Dhaqankani waxa uu kuu ogolaanayaa inaad xaqiijiso Yoolasha kuu yaala, isla jeerkaasna gaadho waxyaalaha aad qof ahaan iyo nolol ahaanba rabto. Ku mahadsanid muddada aad qoraalkan akhriyeysey, waxaan kuu soo jeedinayaa akhriska buuggan, waxa aad ka helaysaa faa’iidooyin tiro beel ah oo siyaalo kala duwan kuu caawin doona Idanka Alle, Mahadsanid.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Xuseen