Su’aalo ku saabsan fahamka aan dawladda ka haysto (WQ: Subayr Bashiir)

1. Dawladda iyo dawlad la’aanta kee baa asalka ah? Dawlad la’aanta. Bila aadamku waa noolaayeen intaysan dawladaha sameysan waanna dhaqnaayeen waxay danahoodda ku fushan jireen qoyskoodda, jamaacadoodda IWM.

 

2. Maxaa dawladdaha loo dhisaa? in lagu gaaro wax aysan kuu qaban karin qabiilkaaga iyo dariiqadaadu kulana mideeya dad aan kula qabiil ahayn kulana diin ahayn. Guntu waa dan ku gaar.

 

3. Dawladdu maxay kaga duwan tahay qaababka kale ee bila aadamku isu maamulo? Waa awoodda ugu xoogga weyn uguna fulin adag tani waxay ka dhigaysaa awoodda dawladda in la kala qaybiyo si loo ilaaliyo dadka maamulka ku hoos nool.

 

4. Sidee loo ilaaliyaa shacabka dawlad ku hoos nool? Waxaa axdiga dhismaha dawladda ku qoran xuquuqada muwaadinka ee la isku raacay.

 

5. Xaquuqaha Muwaadinku maxay yihiin? Maxaase muqadas ka dhigay? Xuquuqaha aasaasiga ah waa nolol, xoriyad, lahaansho iyo sharaf. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu noolaado, wuxuu xaq u leeyahay inuu xor u yahay wax kasta inta uunsan muwaadin kale xoriyadiisa faraha la galin. Xoriyadaha waxaa ka mid ah xoriyadda hadalka, xoriyadda doorashada iyo in lagu doorto, xoriyadda ururada iyo mudaharaadka iyo kuwa kale. Muwaadinku waa inuu wax lahaan karo sida: guri, beer, ganacsi IWM.

 

Xuquuqaha Muwaadinku waa muqadas waxaanna ka dhigaya dawladdu awoodeedda sharciyadeed waxay ka keentaa muwaadinka. Tusaale ahaan haddii muwaadinka loo diido xoriyadda hadalka sida ay sameysey Dawladdii Kacaanku waxay keenaysaa inaan waxba loo sheegin lagana sheegin hoggaamiyaha taasoo keenaysa inaan waxba la dooran ka dibna hoggaamiyuhu noqodo mid xoog ku haysta adoontii muwaadiniinta.

 

6. Dawladdu ma tahay iney sii jirto haddii ay xaquuqaha muwaadinka mid ama wax ka badan ku tumanayso? Maya, maaha iney sii jirto. Waxaaba waajib ku ah muwaadin kasta oo sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaalinaya inuu ka qayb qaato duminta dawladdaa xadgudubtay.