Somaliland iib ma’ aha (WQ: Faadumo Buuni)

 

Arrinkaan arkayo iyo  arrinkaan maqlaayo laba isku mid ah ma’- aha.  Waa arrimo madow iyo mugdi badan ka buuxo. Raggu waa kuwii  marka arrin loo sheego  ka fiirsan jiray, iyagoon falka ku boodin. Falanqayn jiray faahfaahin dheeraad ah ka bixin waxay faraha ku hayaan. Haddaad tihiin Gollaha Guurtida Somaliland iyo Gollaha Baarlamaanka Somaliland taasi maydaan samayn! Intiinnii badnayd waad isku raacdeen waanad ka warceliseen waydiintii la idin waydiiyey. Haddaad idinku dalka iibiseen, annaguna yeeli mayno. Somaliland dadbaa dhiiggoodii u soo daadiyey, u soo balan-balay, bayhoof, dhac iyo baaba’na u dheeraa. Dadbaa u soo dhintay, halkay qaarkalena u curyaameen. Taasina marna maad xasuusan waydeen? Haddaydaan dalkan dan iyo lexejeclo  ka lahayn, isaguna idiinma baahna. Yagleelka saldhig milatari marnaba horumar Somaliland uma horseedayo runta doon ama diid.  Saldhig milatir marnaba  shaqo abuur, dhaqaale iyo maalgashi marnaba ma soo kordhinayo. Danta dadka idin soo doortay haddaad garan waydeen iyagu way garanayaan  wixii u dan ah.

Goorma ayuu inaga dhaxayn jiray xidhiidh saaxiibtinimo isku tagga Imaaraadka? Halkay joogeen markii diyaaraddaha  la inagu garaacaayey? Miyey markaa inna difaacaan oo daryeel inoo fidiyaan? Ka soo qaad in lagaba dhisay Saldhiggii, yaa damaanad qaaday nabadgalyadaada hadday iyagu dalkoodii halkan ka ilaashanayaan, Eebbe kama dhigee haddii la inagu soo duulo ma kula tahay inay ku ilaalin doonaan? Maya taas ha ku riyoon! Markaad u timaad hashiiskan saxeexa lahayn xaashida lixaad ee ah Xuquuqda kiraystaha farqadiisa T, waxay sheegaysaa in; Kirastuhu si buuxda u maamulayo dhulka uu ku fadhiyo Saldhigga milateri, muddada uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhexeeya labada dhinac. Xaq miyaanay Somaliland u lahayn inay ogaato sida ay u maamulayaan? Maxaa laga ogyahay inay macdanta waddanka urursadaan ilayn waa tan la yidhi, “Si buuxduu u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo.”

Horaa loo yidhi, “Ka fiirso intaanad falin.” Waxan uga gol leeyahay hadhaw intaan dhexda farta laga qanniinin oon la odhan, “Maxaa nagu watay?” In hadda laga joogsado ayaan ku talin lahaa ilayn haddii kale Somaliland sidaas bay iib ku noqonaysaaye! Tanna waxay horseed u noqonaysaa in Somaaliland noqoto bar-tilmaameed dadyawga nabadiidku tilmaansadaan!  Somaliland marnaba diyaar uma aha Qax iyo balan-bal danbe. Dhammaan dadka Somaliland diyaar uma  aha dagaal iyo dullaan  danbe. Waxay se u-hamiyo dig-leeyihiin dib-u dhiska dalkooda, Nabadda dalkooda, iyo horumarka dhinac kasta leh. Haddiiba aanu nahay dhallinayarada Somaliland marnaba idinka yeeli mayno inaad dib noo celisaan ood na cagaajisaan.Waan ogohay inaad maanka ku haysaan ood isleedihiin, “Arrinkani Somaliland horumar waarta ayuu gaadhsiinayaa.” Taasi se waa ka soo horjeedkeeda! Ugu danbayn Somaliland hadda  iib ma’- aha horena iib umay noqon.

Faadumo Buuni

Hargaysa,Somaliland

F.G: Xuquuqda Nashqadaynta Ciwaanka: Walaalo, Cabdifataax Buuni

Tixraaca sawirka Calanka:  https://i.ytimg.com/vi/KVLzGhI3Hkk/maxresdefault.jpg