Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa waddan muddo 29 sanno ah haysta xornimo iyo hannaan dowladnimo oo ku dhisan dastuur ay dadweynuhu ku ansixiyeen afti qaran. Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Golayaasha qaranka oo ay wehelinayaan hoggaanka xisbiyada qaranku waxay mar walba isku mawqif ka noqdaan arrimaha masiiriga ah ee khuseeya qarannimada Somaliland, balse marka ay tahay waxyaabaha dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku u kala gaar yeeleen ama arrimaha gudaha Somaliland way kala mawqif duwan yihiin, dhaliilo iyo mucaaridad adag ayeyna isku waajahaan.
Hoggaanka xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda KULMIYE oo shalay dhaliilo adag isku jeediyey, ayaa haddana maanta isugu imanaya arrin khusaysa qarannimada Somaliland, waxayna si wada-jir ah u bayaamiyaan fariin qudha oo aan lagula kala aragti duwannayn. Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mucaarid iyo muxaafidba waxay iyaguna mar walba madaxda qarankooda la barbar taagan tihiin taageerada iyo tilmaamaha lagu ilaalinayo madaxbannaanida Somaliland. Dalkani waa qaran ka soo baxay jeel uu ku dhex caddibnaa muddo 30 sanno ah, waxaannu hadda xabsigaas bannaanka ka joogaa 29 sanno oo uu ku naaloonayo neecawda xoriyadda, marka laga reebo wixii ku xidhan qaddarka Ilaahay iyo qaybka innaga qarsoon, reer Somaliland waxa ka go’an in aanay dib dambe ugu noqon jeelka ay iska jabiyeen sannadkii 1991-kii, waxayna baadi-doonka aqoonsiga caalamiga ah u wakiisheen Madax heer qaran ah oo aan mar qudha ku seexan karin, kuna dhicin inay la yimaadaan siyaasad tahriib ah oo lid ku ah rabitaanka shacbiga Somaliland, taasina waxay muujinaysaa in haddii ay innagu qaadanayso 30 sanno oo kale oo aqoonsi la’aan ah ama boqol sanno iyo qarnimo dheeraad ah, rabitaanka iyo riyada Reer Somaliland waa meel qudha oo ah inay ahaan dad xor ah oo leh dal iyo dowlad ay iyagu maamulaan oo aan cid kale loo daba fadhiyin. Somaliland oo dib ula midawda Soomaaliya mar kale ama dib ugu noqota jeelka ay ka soo baxday waxa ay dhici kartaa oo qudha marka aynu dhagax shiil-cad ka miirno dhiig cas (to reunite Somalia once again is just like to get a blood from stone).