Sooyaalka Somaliland laga soo bilaabo 1991kii ilaa Maanta 2017……Q. 2-aad (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Dareenkii Lagu soo Dhaweeyey Daahir Rayaale Kaahin 2002

Geeridii Cigaal, markii la keenay dalka, ee maydkiisii ee laga keenay dalka Koonfur Afrika oo uu caafimaad ahaan u tegey, halkaana uu ku geeriyooday, waxa la keenay magaalada Berbera oo uu dardaarankiisii ahaa in lagu aaso qabrigii aabbihii dhiniciisa. Ka soo qaybgalka aaskaasi waxa uu noqday mid aad looga sheekeeyo oo la isaga yimi dhan walba oo soomaalidu degto. Waxa la odhan karaa looma kala hadhin, laakiin laba arrin ayaa dareen taban noqday, oo kala ahaa 1. Jabbuuti oo aan tacsi u soo dirin shacbiga Somaliland, bilawgii inkastoo maalmo ka dib uu Cumar Geelle soo diray tacsi. Dareenkaas oo la qabo ayey Jamhuuriyadda Jabbuuti soo dirtay wefti loogu talo galay in ay ka qaybgalaan aaska marxuum Cigaal, balse wefdigaa hawada ayaa laga celiyey. 2. Arrinka labaadna waxa uu ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii lagu soo caleemo saaray Jabbuuti ee Soomaaliya, ahaana nin dhawr jeer u yimi Cigaal oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa, intaanuu noqon madaxwenaha oo isaguna aan haba yaraatee wax tacsi ah u soo dirin shacbiga reer Soomaalilaand iyo qoyskii uu ka geeriyooday Cigaal. Labadaa arrimood oo dareen goonni ah ku reebay dadka mooyaane meel kasta tacsi iyo baroordiiq ayaa ka dhacday.

Haddaba geeridaasi waxa ay wax wayn ka beddeshay mucaaradkii Somaliland oo waxbadan ka tanaasulay, isla markaana u muujiyey taageero iyo kalsooni Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa nin qunyarsocod ah, horena aan saaxadda siyaasadda aad uga muuqan. Soo dhawaynta Daahir waxa ay isugu jirtay dareemo kala geddisan sida: Dadka qaar waxa ay ku farxeen sida dhiiranaanta ah ee isla maalintii geerida la soo sheegay loogu dhaariyey Daahir Rayaale xilka madaxweynenimo ee Somaliland, inkaloo badan ayaa u aragtay maadaama oo aanuu ku dhexjirin khilaafaadkii hore ee jiray, dhexna u noqon karo dhammaan kooxihii ku hirdamayey hoggaanka dalka. Inkaloo badan oo haba u badnaadaan dadka qurbaha ku nool ee reer Somaliland oo aan taageeri jirin Soomaliland ayaa iyaguna ku soo dhiiraday inay taageeraan dalkooda iyo dadkooda.

Intaa marka laga gudbo qaybo kale oo soomaalida ka mid ahi waxa ay u arkayeen in aanuu wax awooda lahayn ee uu yahay Maqaarsaar, sida uu mar ku sheegay waraysi la la yeeshay IHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo yidhi “meesha waa loo dhiibtay ee isagu waxba kama aha”. Dareemadaas iyo soo dhaweyntaas baaxaddaa leh ayuu helay Daahir Rayaale Kaahin.

Bilawgii Maamulkii Daahir Rayaale Kaahin 2002-2005

Bilawgii waxa uu ku tallaabsaday waxyaabo uu ku soo jiitay dad badan oo ay ka mid ahayd maxkamadaha oo uu ku sameeyey isbeddel weyn, waxa kaloo uu ka shaqeeyey sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho. Ururadii la furay oo fara badnaa, waxa ka dhashay buuq farabadan, waxa kaloo la dhisi kari waayey Guddida Doorashada oo dalka ku cusbayd oo kolba dib u dhac ku yimi. Ugu danbayntii waa lagu guulaystay in la qabto doorasho uu ku guulaystay Daahir Rayaale iyo Xisbigiisii UDUB. Waxa kaloo mug iyo miisaan siyaasadeed yeeshay doorashadii Baarlamaanka, oo dalka ku cusbayd. Doorashooyinkaas oo dalka ku cusbaa waxa ay lahaayeen saamaytooda waxaase lagu soo dhaafay tanaasul iyo Golaha Guurtida oo qalad iyo sax waxa uu go’aamiyo aan laga daba hadli karin oo sidaa lagu aqbalo.

Eegista Ururadii Dalka ka Samaysmay iyo Siyaasadda Cusub ee Somaliland

Inkastoo ay joogeen dad badan oo goobjoog u ahaa doorashooyinkii ka dhacay Jamhuuriyaddii Soomaalida lixdamaadkii iyo xataa Somaliland doorashadii baarlamaanka ee 02/1960 kii, haddana waxa jiray dad badan oo ay ula muuqatay in la riyoonayo oo aanay suurta gal ahay in doorasho la galo. Dadka aad u saluugsanaa waxa ay ku salaynayeen in aanay jirin diiwaangelin dadka ah oo aan la garan karin dadka codaynaya, taasoo keeni karta ku shubayo badheedh ah. Dad kale oo badan ayaa qabay in ay tahayba halka keliya ee aynu kaga baxayno Qabiilka iyo Qabyaaladda siyaasadaysan, oo ay tahay in la taageero si aynu dhibaatadaa uga baxno. Waxa aan ka xusi karaa ururadii markaa samaysmay Sahan, Birsol, Hormood, UCID, ASAD iyo dhawr kale. Waxaase xusid mudan in uu ugu danbeeyey Ururka KULMIYE oo noqday tartankii doorashada kii lagaga helay 80 cod oo keliya.

Waxa isweydiin leh maxaa lagu arkay KULMIYE ee ururadii ka horreeyey loo dooran waayey. Si aan u fahanno habka uu ku yimi KULMIYE, ee uu u noqday mid safka hore ka galay Ururadii dalka ka dhismay waxa aan si fudud u odhan karaa hoggaanka ama aasaasaha Kulmiye oo Siilaanyo ah ayaa taageero badan ku haystay bulshada Somaliland. Geeridii Cigaal ka hor waxa siyaasadda hirdanka iyo hanashada hoggaanka dalka u hawlgalay Saleebaan Gaal. Laakiin Silaanyo xilligaas waxa ka muuqatay in uu ka sii baxayo saaxadda siyaasadda oo muddo waxaabuu ku maqnaa carriga Ingiriiska. Waxaanuu u muuqday oday reer Somaliland ah oo xilligiisii siyaasadeed soo dhammaaday. Sida la sheego, talooyin badan oo uga yimi odayaal, siyaasiyiin ayaa ku dhiirrigeliyey in uu saaxadda ku soo noqdo. Taageeradaasina waxa ay si fiican u muuqatay markii uu tartankii koowaadba safka hore soo galay ee ay isku soo hadheen UCID, UDUB iyo KULMIYE. Tartankii danbena ee kama danbaysta ahaana lagaga helay 80 cod oo keliya.

Qabyaaladdii iyo Qabiilkii Isbarkanaa ma lagaga Baxay Xisbiyadii?

Bilawgii hore waxa muuqday ifafaalo fiican oo lagaga bixi karo. Dadkuna hoggaanka ay u arkaan in uu ku habboonyahay ayey aad u taageerayeen, inkastoo aynaan odhan karin way ka madhnayd Qabyaaladdu, haddana waxa jira tusaaleyaan dhawr ah oo soo ifay. Waxa ka mid ah, Ururkii HORMOOD oo uu hoggaankiisa isu taagay Cumar Carte Qaalib, wax taageera ah kama helin Hargeysa oo uu beel ahaan ka soo jeeday, halka Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo ay ka heleen midkiiba wax ka badan intii ururada kale heleen. Waxaase dib loogu noqday Qabyaaladdii oo aan gabbanayn, doorashadii baarlamaanka. Xisbi kastaana waxa uu u arkay in aanuu taageero heli karin haddaanuu beelaha ku salayn taageeradiisa. Waxaad mooddaa in ay beenawday in lagaga bixi karo qabiilka xisbiyada, balse ilaa hadda rajo ayaa jirta ah in ay samaysmaan ururo habaysan oo dad iyo diinba ku salaynaya horumarkooda.

Daahir Rayaale Awooddiisii Hoggaamineed iyo Jihadii uu Qaaday

Markii ururadii siyaasadeed iyo wareerkii doorashooyinka laga soo gudbay, ayaa ururkasta oo saaxadda siyaasadda ku dhacay uu ku biiray saddexdii Xisbi qaran ee soo baxay. Tusaale xubno badan oo ururkii Asad ahaa waxa ay ku biireen KULMIYE halka guddoomiyihii ASAD oo ahaa Saleebaan M. Adan uu ku biiray UDUB. Madaxweyne Daahir waxa uu la soo baxay siyaasad cusub oo uu ku fogaynayo KULMIYE kuna soo dhaweynayo UCID. Taasoo keentay muran xooggan oo markasta dalka ka jiray, xakamaynta saxaafadda ayaa cirka isku shareertay, dhanka kalena saxaafadda oo aad moodaysay in ay dagaal ku jiraan baa aflagaaddo iyo hab anshaxa ka baxsan wax uga qoray qoyska iyo maamulka Daahir Rayaale. Arrimahaasi waxa ay keeneen cadho joogto ah oo Daahirkii deggenaa ku dhacday.

Kordhin la kordhiyo xilligii madaxweynaha ayaa noqotay dhibaato hor leh iyo muran joogto ah oo ka dhexeeya KULMIYE iyo UDUB oo xilka madaxweyne hayey. Waxa soo baxday isbeelaysi cusub, oo gaadhay heer lagu kaftamo “Daahir Dhab Libaax buu ku fadhiyaa ee yaa wax ka qaadi kara” Arrimahaasi waxa ay ahaayeen uun kala jiidashada beelaha, taasoo uu Daahir si adag uu uga hortegay wax kasta oo loo soo jeediyo. Gaar ahaan xilligii kordhinta iyo markii ay KULMIYE joojiyeen wada shaqayntii xukuumadda. Arrimahaas waxa u guntaday odayaal iyo culimo. Waxa xusid mudan guurti ay ku jireen Hadraawi iyo IHN Gaarriye oo uu markii hore ka aqbalay guurtinimadoodii, balse markii danbe uu Daahir ku gacan saydhay ayaa waxa ka mid ahayd hadaladii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) “Madaxweynuhu markii hore wuu na soo dhaweeyey oo na aqbalay, laakiin markii danbe mabuu ahayn kii aanu markii hore la kulannay oo wuu cadhaysnaa oo idhaafa buu yidhi” Hadalkaas oo uu doonay inuu ka jawaabo Daahir Rayaale waxa uu ku jawaabay: “Gaarriye isma maqlo, wuxuuna soo kaxaystay kii ay wada gabyi jireen” Hadal sidaa u macno ekaa ayuu ku warceliyey madaxweynihii Qaranku. Hadraawi iyo Gaarriye oo taageerayaal badan ku lahaa bulshada dhexdeeda eraygaas yasidda u muuqday waxa uu ku waayey Daahir taageero badan.

Hoos u dhicii Taageeradii loo hayey Daahir Rayaale

Taageerada uu haystay Madaxweyne Daahir waxa ay isugu jirtay dhawr siyaabood. Qayb bulshada ka mid ahi waxa ay ku taageeraysay maadaama uu ka soo jeeday Daahir beesha Boorame oo aanuu ka mid ahayn beelihii SNM ee siyaasadda ku soo hirdamayey in badan, in la taageero oo lagaga baxo siyaasadda beesha dhexe. Inkale waxa ay ku taageeraysay Xisbiga UDUB oo ka soo jeeday madaxweynihii hore ee geeriyooday Cigaal IHN,tee, in kale waxa ay aad uga soo horjeeday Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyaha KULMIYE iyo siyaabo kaleba waxa uu Daahir haystay taageero ballaadhan. Laakiin markii la soo gaadhay in la furo ururada ayuu Daahir si toos ah uga gawsadaygay in ay furmaan ururo siyaasadeed. Taasoo keentay in urkii QARAN ee uu hoggaaminayey Dr, Gabboose uu go’aansaday Daahir in la xidho ururkaas oo uu xaaraan yahay, xabsigana loo taxaabo Dr, Gabboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid. Xadhigaas oo siyaasiyiintii taageersanaa UDUB ay ku tilmaameen inay sax tahay oo xataa hadalada qaar la sheegay in la yidhi waxaabay istaahilaan in la dilo ayaa ahayd mid xiisad ka kicisay Somaliland dhexdeeda. Xisbiga UCID waxa uu taageeray in xadhiggaasi yahay sax, halka KULMIYE uu ku tilmaamay in ay tahay qalad, oo ay abaabuleen muddaharaadyo lagaga soo horjeeday xadhiggaas.

Furitaanka Ururada iyo aragtiyadii kala duwanayd.

Maaddaama oo ay bilaw ahaayeen ururada siyaasaddu, waxa la isku maandhaafay in aan la furi karin ururada siyaasadda oo ay jiri karaan oo keliya Xibiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID. Taasoo keeni lahayd in aan la helin hab lagu tartamo oo noqon lahayd in Somaliland ay soo xidhantay tartankii siyaasaddu, murankuna uu ka bilaabmi lahaa saddexda xisbi dhexdooda sida markii danbeba dhacday ee UCID iyo UDUB ay u kala jabeen, dhawr jeerna uu u sigtay KULMIYE. Laakiin waxa uu KULMIYE taageero badan ku helay halkii ay iska taageen oo ahayd in aanay xaaraan ahayn furashada ururada siyaasadeed. Murankaasi waxa uu socday in badan, waxa kaloo muran xooggani ka taagnaa doorashadii madaxweynaha ee markii danbe qabsoontay 2010kii. Taasoo dhawr jeer gashay mugdi iyo jahawareer siyaasadeed.

Tartankii Madaxweyne ee 2010kii iyo guushii KULMIYE

Si kasta oo loo kala fogaaday tanaasul baa jiray markasta ama xukuumadda ha noqoto ama Xisbiga KULMIYE ha noqdo. taasaa suura gelisay in doorashadii qabsoonto, oo uu ku guulaystay Axmed M Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Saylici. Waxaana xusid mudan aqbalaaddii Daahir Rayaale iyo qudbaddii wareejinta oo dadbadani u arkeen inuu si fiican uga hadlay arrimihii jiray. Waxaana bilaabmay weji kale oo hor leh. Axmed Siilaanyo oo siyaasadda ku soo jiray muddo dheer soona maray xilli dawladdii jamhuuriyaddii soomaalida, jabhaddii SNM iyo dhismihii Somaliland, waxa laga filayey waxweyn inuu bedelo. Bilawgii waxa muuqday isbeddello uu markasta la tashanayey guddiyo uu sameeyey sida guddidii ka soo talo bixisay xukuumaddiisu sida ay u egaan karto iyo guddidii ka soo talo bixisay in la furi karo ururo siyaasadeed. Guddiyo dhawr ah oo kalena waa ay jireen taasoo dadka qaar uga dhigeen Axmed Siilaanyo in aanuu waxba go’aansan karin ilaa uu guddi saaro, balse waxa ay ahayd go’aanwaayeelnimo iyo waaya-aragnimo oo ka muuqatay hoggaankiisa.

Furitaankii ururadu waxa uu keenay buuq iyo qaylo hor leh, oo markii danbe la maareeyey. Waxaana saaxadda ka baxay ururkii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato oo ahaa UDUB, kaasoo ay ku dhacday kala qaybsanaan xooggan, oo uu qayb ka ahaa Daahir Rayaale, dhinac kalena uu ahaa ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo taageersanaa in guddoomiyaha lagu wareejiyo Jamaal Cali Xuseen, halka uu Daahir Rayaale na taageersanaa Warancadde oo markii danbe noqday guddoomiyihii UDUB uu gacantiisa ku burburay. Waxa isaguna sigtay ururkii UCID, oo dad badani qabaan in uu badbaadiyey musharrax cusub oo loo sameeyey UCID kaasoo ahaa Jamaal Cali Xuseen, oo ka soo guuray UDUB. Halka garabkii ka baxay UCID ay ku dhawaaqeen urur Cusub oo la magacbaxay WADDANi oo uu guddoomiye u noqday Cabdiraxmaan Cirro ka mid ahaa aasaasayaashii UCID.

Jihadii Siyaasadda Axmed Siilaanyo 2010-2013

Waxaa soo muuqatay in Xukuumadda Siilaanyo ay markiiba ku tallaabsatay dhaqaale samayn gaar ahaan muddadii uu Wasaaradda Maaliyadda hayey Maxamed Xaashi, waxa kaloo xukuumaddiisa ka muuqatay in uu u badiyey dad aqoon leh oo horumar keeni kara. Arrimahaasi waxa ay isu bedeleen muddo yar ka dib in la dareemo dhaqaale urursi xooggan oo dhaqaalihii badnaa ee xukuumaddu ku guulaysatay in ay soo xarayso ayaa la dareemay in uu jiro boob lagu boobayo hab farsamaysan, oo hay’ado Qaran oo la sameeyey ay si habaysan u guranayaan dhaqaalihii dalka. Maxamed Xaashina waa laga qaaday Wasiirkii Maaliyadda, markii muran xooggani soo kala dhexgalay wasiirka iyo madaxweynaha. Haddana sidaasoo ay tahay waxa kolba soo kordhayey waxqabad sida cashuuraha oo si fiican loo soo xareeyey, hay’adaha Qaramada midoobay oo si fiican loola xisaabtamay.

Maamulka Axmed Siilaanyo, waxa la odhan karaa dhawr kooxood baa gacanta ku dhigay. 1. Qayb qurbejoog ah oo taageeri jiray Xisbiga KULMIYE 2. Qayb lagu aamusiiyey xilal iyo xoolo la siiyo markii ay aflagaaddo iyo mucaaradad xag jir ah ku kiciyeen xukuumadda Siilaanyo. 3. Qayb xarfaan ku ahayd habka wax isdaba marinta oo ka yimi xisbigii UDUB. Qaybahaasi waxa ay awood u heleen inay siday doonaan yeelaan, markii la dareemay in awooddii iyo go’aannadii iyo aftahanimadii Axmed Siilaanyo ay wax badani iska bedeleen. Waxaana la odhan karaa haddii Axmed Siilaanyo xukunka qaban lahaa intii uu awoodda lahaa, waxbadan buu dalka ka qaban lahaa. Sidaasoo ay tahay intii uu xukunka joogay waxbadan ayaa qabsoomay oo ay ka mid tahay derejada ciidanka oo uu hirgeliyey, dawga ceerigaabo oo dad badan ku ahaa riyo in la samayn karo, lacag gabawday oo dhanna u dhaafiweyday magaalada Burco oo uu ka bedelay, dhismayaasha wasaaradaha Qaranka oo badidooda la dhisay, madaarka Hargeysa oo waxbadan laga bedelay iyo arrimo kaloo badan.

Maxaa lagu Saluugsanaa maamulka Axmed Siilaanyo

Dabcan, markasta qofka xilka jooga waa la saluugaa, waxaase jira waxyaabo ay dadku aad ugu celceliyaan waxaana ka mid ahaa, in ay kala xidhiidh furmeen xisbigii iyo xukuumaddii oo Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii Xisbigu ay kala fogaadeen, taasoo markasta ka dhexmuuqatay qaabka wadashaqayntooda. Wareejintii xilka guddoomiyenimo ee KULMIYE oo lagu wareejiyey guddoomiyhii koowaad Muuse Biixi Cabdi, waxa loo arkayey hab wanaagsan, laakiin waxa soo muuqatay in aanuu jirin Xisbi luga ku taagan. Ku darsa’oo waxaabuu KULMIYE ahaa xisbiga loogu qaatay isku duubnaanta. Waxa kaloo isa soo taray in xilalka uu magacaabayo Axmed Siilaanyo aanay ahayn kuwo isagu uu taladeeda leeyahay ee meelo kale taladu kaga socoto. Taasoo bilawgii aad loo hadalhayey wasiirka madaxtooyada oo ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo lagu tilmaamay nin awood badan ku leh maamulka Siilaanyo. Halka dadka qaarna ay u arkayeen in uu Xirsi yahay nin maamulka ku fiican oo waxbadan ka bedelay hab maamuuska madaxtooyada.

Khilaafkii ugu adkaa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Biixi.

Arrimaha muranka dhaliyey waa ay farabadnaayeen, laakiin waxa ugu adkayd ismaandhaafkii Siilaanyo iyo Biixi, oo salka ku hayey hab maamulka Xisbiga KULMIYE. Sidaan soo tibaaxay waxa kala xidhiidh furmay Xisbigii iyo Xukuumaddii, sidaa awgeed ayaa lagu kala aragti duwanaaday habka loo maamulayo Xisbiga. Waxaana murankaasi cirka isku shareeray markii ay soo baxday hanka uu Muuse Biixi ku doonayo inuu madaxweyne isu sharraxo. Dabcan maadaama uu guddoomiye ahaa xaq buu u lahaa in uu is sharraxo, laakiin waxa barbar taallay in uu madaxweyne Siilaanyo isaguna is sharrixi karo ama cid kale uu u arko in uu tartanka madaxweyne uu galo. Taasoo ay soo ifbaxeen in uu Siilaanyo taageero u hayo Cabdicasiis Sammaale oo ahaa wasiirka Maaliydda inuu noqdo qofka u sharraxan madaxweynaha xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi oo taageero ka haystay ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin waxa uu ku dhawaaqay inuu isu sharraxayo madaxweyne. Taasoo dhalisay buuq iyo sawaxan siyaasadeed.

Buuqaasi waxa uu galaaftay wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Cabdilaahi oo garabsiiyey Muuse Biixi, halka wasiirada kaloo dhammai ay taageereen Axmed Siilaanyo. Gaar ahaan waxa ka dhexmuuqday siyaasadda taageersan Cabdicasiis Sammaale, wasiirkii madaxtooyada oo ahaa Xirsi Xaaji Cali, waxaase yaab noqototay ka qaadistii Sammaale laga qaaday wasiirkii Maaliyadda. Taasoo keentay kala fogaansho Sammaale iyo Siilaanyo, waxaana caddayn u ahayd markii uu Sammaale diiday xilkii Wasaaradda Waxbarashada ee Siilaanyo u magacaabay. Murankaasi waxa uu qarka u saarmay in KULMIYE burburo, laakiin waxa dabayshii isbedeshay markii uu Madaxweyne Siilaanyo u soo janjeedhsamay taageerada guddoomiyihiisa xIsbigiisa KULMIYE Muuse Biixi, halkaas oo ay iska casileen kudlad dhan oo wasiirro ahaa. Wasiiradaa waxa ka mid ahaa Maxamed Biixi Yoonis oo maalmahaa muaranku socday isaguna ku dhawaaqay in uu isu sharraxayo xilka madaxweynenimo.

Isbeddelkii Xirsi Xaaji Cali iyo saamayntii Xukuumaddii Siilaanyo

Xirsi waxa uu ahaa wasiirka loogu hadalhaynta badnaa intii uu ahaa wasiirka Madaxtooyada. Bilawgii ku dhawaaqistii xukuumaddii Silaanyo waxa lagu magacaabay “Chief of Cabinet” oo dad bdani ka biyodiideen kuna tilmaameen inuu u dhigmo Raysal Wasaare. Dareenkaas Siilaanyo wuu ka garaabay oo waxa uu u daayey magacii hore ee ahaa Wasiirka Madaxtooyada. Sidaas oo ay tahay Xirsi waxa uu noqday wasiir ka dhexmuuqda wasiirada kale, waxaa kaloo la hoosgeeyey waddooyinka oo uu waxbadan ka qabtay. Mucaaradka oo markan uu ugu xoogbadnaa Xisbiga Waddani waxay ku tilmaami jireen inuu yahay wasiir awoodo dheeraad ah haysta. Markii uu iscasilay, waxa isbedelay waxbadan oo waxa soo kordhay taageerayaal badan oo Muuse Biixi ku dhex lahaa xisbiga KULMIYE. Kuwaasoo bedelay mucaaraddadii ka dhex bilaabantay Xisbiga iyo Xukuumadda.

Waxaase in muddo ah sii socotay murankii Xisbiga dhexdiisa oo marmarka qaar u egaaday mid burbur ku dhow, wuuse ka badbaaday oo si kastaba ha loo maareeyee musharrixii waxa uu noqday Muuse Biixi, halka madaxweyne Siilaanyona caddeeyey in aanuu isasoo sharraxayn. Waxaana sii socotay xanaftii iyo xubnihii ka baxay Kulmiye, oo uu ka mid ahaa Xirsi Xaaji Cali oo ku biiray xisbiga mucaaradka ahaa ee WADDANI.

….la soco Gebagabada iyo Q-3aad

Sayid-Axmed Dhegey

09/12/2017 sabti

Iswidhan