Taariikhda Cali Saleebaan Maxamed ”Bidde” (WQ: Cumar seerbiya)

Image may contain: 1 person, eyeglasses

Cali Saleebaan Maxamed oo loo yaqaanay Cali Saleebaan Bidde oo ahaa Abwaankii curiyey suugaan kala duwan oo aynu ka soo qaadan karno heeso dhawr ah oo ay ka mid tahay midda ay Khadra Daahir qaaddo ee “ Sida laygu kaa ladhay”.
wuxuu magaalada Hargeysa ku dhashay bilawgii sannadkii 1949, waxbarashada ilaa dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa , ka dibna wuxuu ka mid ahaa arday loo qaatay dugsiga Jarmalka ee farsamada gacanta Burco
Sannadkii 1968 ayuu tagay magaalada Muqdisho wuxuuna ka mid noqday shaqaalaha wasaaradda gaadiidka , isaga oo masuul ka noqday xafiiska waaxda gaadiidka dadweynaha
Sannadkii 1973 ayuu Cali Saleebaan Bidde wuxuu dalka Ruushka u tagay waxbarashada sare , sidoo kale wuxuu waxbarasho u tagay dalka Jarmalka , isaga oo markii uu soo laabtay masuul ka noqday wakaaladaha Gaadiidka ee Baydhabo iyo sidoo kale gobolka Waqooyi galbeed ,

Cali Saleebaan Bidde wuxuu allifay suugaan kala noocyo duwan oo aynu ka soo qaadan karno dhawrkan heesood ee kala ah , Ballanbaalis oo uu qaaday Xasan Aadan Samatar , heeso dhawr ah oo uu qaaday Maxamed Mooge Liibaan oo kala ah , Kal-laxiiba baan leeyhay iyo laabta xuunshada , Doqonoow Jacayloow , Haddaan daayo heestaba , Hanyara nafteydu, Gardiid , Deyr iyo Dabar, Xilo Jano, Xagal daac. Sidoo kale heeso uu allifay waxa kala qaaday hobolada kala ah : Muuse Ismaciil Qalinle , Cabdi Salaad Beer-dilaacshe , Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal) , Maxamed Axmed Dhabarlow
Aadan Hurre Kinsi Xaaji Aadan iyo Weli maxamed. Sidoo kale Maxamed Axmed Kuluc ayaa isna qaaday labada hees ee uu Cali allifay ee kala ah Debed galow iyo Loolis.
Cali Saleebaan Bidde wuxuu ka mid ahaa dadkii wax ku qori jiray Wargeyskii xidigta Oktoobar oo uu ku lahaa maqaal taxane ahaa oo la odhan jiray “Kalgacayl raadis “ .
Cali waxay wada dhasheen labada Abwaan ee Axmed Saleebaan Bidde iyo Cabdillaahi Saleebaan Bidde
Sida uu ii sheegay Cabdillaahi Saleebaaan Bidde Cali wuxuu geeriyooday 02-09-1997
Alle ha janneeyo