Talooyin ku socda madaxweynaha cusub (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

Xukuumad kooban oo leh wada shaqayn xoogan, isla markaana wadaagtana aragti bulsho iyo mid dal, kana xor ah fikir qabiilaysan, iyo aragti ku salaysan masaaliix shakhsi, ayaa ah tan aynu u baahanahay maanta in lasoo dhiso, tanina, waa shaqo u taala Madaxweynaha la doortay, oo runtii ah hawl aan sahlanayn, waayo, waxaa meesha ordaya reero iyo jilibo mid waliba ugu mano sheeganayo anagaa ku oo saaraye wasiiro noo magacow, waxaa iyana dhinaca kale faydan inta badan xubnihii ay ka koobnayd xukuumaddii V8 iyo Fooqyo gado ee uu Siilaanyo kasii tegayo, kuwaasoo ahaa qaar ku mamay boobida hantida shacabka, oo iyana Madaxweynaha Cusub ugu abaal-sheeganaya inay aad ula ordeen waqtigii ololaha, sidoo kale, kama madhna culaysada jira afmiishaaradii siyaasadda ku dhex-milmay ee madaxweyne kasta oo la doorto Kursi kusii ag sugi jiray, kooxahan oo haddii aanu Madaxweynaha cusubi u yeelin siday rabaan ku kicin doona duufaano siyaasadeed oo mucaaradad ah, taasoo curdan-dhadhin karta hanaqaadka nidaamnka cusub, haddii aanay la iman istraatiijiyad cilmiyaysan oo ay kaga gaashaantaan.

Arin iyana miisaankeeda leh ayaa waxay tahay, dhaqaale xummi aad u daran iyo daymo baahsan oo ay dhaxli doonto Xukuumdda Muuse Biixi oo iyana caqabadeeda leh, balasé, arimahan oo dhami waa kuwo laga guulaysan karo haddii ay xukuumadda cusubi la timaado lixdan arimood oo wadajira:

  1. In xukuumada la dhisayaa ay ahaato mid tiro yar, oo aad u tayo badan marka laga eego aqoonta, kartida, waayo-aragnimada, taasoo ay hagayso nadariyad iyo aragti qowmi ah, kana madhan eex, qaraabo-kiil iyo musuqmaasuq
  2. In Buugii Barnaamika Xisbigu (Kulmiye’s Political program book) ee ololaha lagu galay uu noqdo kan hagaya waxqabadka xukuumadda cusub, iyadoo lagu fuudhinayo hirgelintiisa qorshe hawleed shan sanadood le ah, oo ay wasaaradd kastaaba dabaqayso inta ka khusaysa Barnaamika xisbiga ee buuga ku qoran, balse, aanay arintu noqon mid jaantaa rogan ah, tani, waxay xukuumad cusub u noqon kartaa Halbeeg (measurement) ay kaga qiyaas qaadato hadba heerka ay marayso marka loo eego barnaamijkeedii xisbinimo.
  3. In xukuumadda cusub laga fogeeyo inay ka mid noqdaan Wasiiraddii ka tirsanaa xukuumaddii V8 iyo Fooqyo gado, ee iyagu caanka ku ahaa musuqmaasuqa iyo qabiilaysiga
  4. In madaxweynaha Cusubi abuuro Golle ay ka kooban yihiin Khubaradda Maxaliga ah ee aqoonta fiican u leh dhinacyadda dhaqaale dhisida, waxbarashadda, Beeraha, shaqo abuurka iyo midnimadda bulshadda, la dagaalanka Musuqmaasuqa, iwm,  kuwaasoo kala talisa sida loo dhisi karo dad iyo dal ka kobca dhinacyadaas.
  5. In la fogeeyo, lana didiyo Af-miishaaradda kusii sugaya Kursiga agtiisa, ee madaxweyne kasta iyo nidaamkiisaba fadhiidka ka dhiga, kuwaasoo isku gedaama, isaga iyo shacabkiisana kala dhexgala.
  6. Inaan dheg-jalaq loo siin kacdoon kasta oo afeed oo ka yimaada kooxaha kor ku xusan, loona nuglaan, ee laga door bido sii wadida hawlaha qaranka, aakhirka iyagaa dan u aamusiye.

Xasuusnow, Mananta Cod ugama baahnid inay kuu keenaan kuwo kor ku xusani,  oo kursigii waad tagtay,  Haddii aad si fiican ugu adeegto umaddana, iyadaaba  si folanteri ah kuu dooran doona shan sano kadib, markaas, ma jirto, wax aad ugu hamrato kooxahaas kor ku xusan maanta, gabalkoodiina waa dumay.

Gebagabadii, Haddii Madaxweynaha cusubi uu raaco talaabooyinkaas kor ku xusan, wuxuu noqon doonaa Madaxweyne guulaysta oo taariikh fiican reeba, haddii kalase, waxba kama duwanaan doono kuwii ka horeeyay, xaalkuna wuxuu noqon doonaa: DIB-U-SOCO, HORUU-SOCO, DARANDOORI SAANQAAD, MAXAA DAAL LA KORODHSADAY

Waa Bilaai Towfiiq

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud