Tusaalayaasha siyaasadda Afrika (WT: Cabdiraxmaan Hayaan)

Guusha Jamhuuriyadda Somalilaan iyo tusaalayaa kale waxay ku tusayaan xaddidnaanta fikirka siyaasiga ah ee reer galbeedka.

Halka Soomaaliya ay gaadhay halka ugu hoosaysa ee dal gaadho oo ah waddanka ugu liita ee tusaalaha dal saaqiday iyo sidoo kale dalka dagaalka ugu dheeri ka socday Afrika, Somalilaan oo ah Jamhuuriyada madax bannaan hase ahaatee aan wali aqoonsi ka helin caalamka waxay seeska u dhigtay dawladnimo awood u leh inay dadkeeda u fidiso xuquuqda aasaasiga ah ee nolosha iyo wada jirka.

Waxa iska caddayd illaa 1988kii in ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed(SNM), uu u hanqal taagayay inuu gaar u istaago, markii ay calankooda ka taageen magaalooyinkii ay qabsadeen markii ay ka saareen ciidammadii dawladda. 18kii May 1991kii, ururkani waxa uu ku dhawaaqay inay sameeyeen jamhuuriyadda Soomaalilaan oo uu madax ka ahaa markaa Cabdiraxamaan Axmed Cali(Tuur), isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin inay doorasho xor oo caddaalad ah ku qabanayaan muddo labo sano gudahood ah. Caasimadda Somalia ee Muqdisho, ururkii qabsaday koonfurta ee USC waxa uu diiday inuu aqbalo ku dhawaaqistaa iyaga oo dhinac isaga riixay dareenkii gooni isu taagga, kuna keenaya qarankii Somalia burbur laxaad leh iyo nabad galyo darro jiitanta.

Haddaba siday doontaba ha noqotee Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday madax bannaanideeda dhinaca kaliya ah sannadkii 1991kii, waxay hirgalisay hannaan siyaasadeed iyo mid maamul oo madax bannaan. Waxay si buuxda gacanta ugu haysaa xuduudaha baddeeda iyo dhulkeeda iyada oo adeegsanaysa ciidankooda, booliiska iyo laamaha kaleee amniga.

Somaliland oo ay ku noolyihiin dad ku dhawaad ah 3.5milyan (saddex milyan iyo badh), waxay xidhiidho aan rasmi ahayn la leedahay dawlado badan oo caalamka ah kuwaasoo wufuud u soo dira caasimadda Hargeysa.

Itoobiya waxay ku leedahay Hargeysa xafiis ganacsi, xidhiidhka labada dalna waa mid aad loo ilaaliyo.

In kasta oo dal aqoonsani aanu jirin Somaliland, haddana waxay soo saartaa baasaaboor u gaar ah, kaas oo dadka qaata u fududeeya inay booqdaan dalal badan, inkasta oo dadka u socdaala dibadda inta badan ay isticmaalaan baasaboorro dalal kale. Somaliland sidoo kale waxay heshaa qayb ka mid aha qaadhaanka loo qoondeeyay Somalia si guud, waxaany xafiisyo aan rasmi ahayn ku leedahay dalal badan.

Somaliland waxay ku guulaystay, si ka duwan dalalka la jaarka ah, in awoodda siyaasasdeed ee dalka si nabdoon laysugu wareejio, iyada oo dhammaan madaxweynayaasheedii uu mid kastaaba awoodda ku wareejiyay kii ku xigay kadib doorasho lagu tartamay. Dumarka waxa loo qoondeeyay tiro go’an oo ay baarlamanaka ka helaan oo la doonayo in dastuurka lagu daro taasi oo gaadhaysa illaa 30% kuraasta baarlamaanka. Qaybta xog ururinta doorashooyink ee qaramada midoobay( UN monitoring reports on elections) iyo barnaamijka horumarinta ee qaramada midoobay (UN Development Programme (UNDP) reports on human rights qaybteeda xuquuqda aadamaha, midna ma warin wax tacaddiyo ah oo ka dhacay Somaliland marka la barbardhigo xadgudubyada noocan oo kale ah eek a dhaca muqdisho.

Dagaalka sokeeye ee Somalia waxa uu socday tobannaan sano, iyada oo ciidammo badan oo caalamka ahi soo fara galiyeen, kuwaasoo ka bilaabmay Maraykanka, ku xigtay qaramada midoobay, kadibna midowga Afrika iyo wadammada IGAD(Intergovernmental Authority on Development) ee Bariga Afrika.   Kiiska Somalia waa mid qariib ah oo ay su’aalo badani ka dhalanayaan, isla markaana sannado badan qaadanaya in laga jawaabo. Waa goob ku taalla gobol ay ku loollmayaan badi quwadaha adduunku siyaasad ahaan, dagaal, dhaqaale iyo xataa waxbarasho iyo sahamin, kuwaasoo dawladaha waaweyni ku leeyihiin dad u matala danahooda si y fuliyaan.

Quwadaha dibadda, laga bilaabo Maraykan illaa laga laga gaadho dawladaha khaliijka sida Imaaraadka Carabt, waxay leeyihiin gacmo u fuliya danahooda iyaga oo dhaqaale bixinaya ama qayb ka ah iska hor imaadyada hubaysan. Xataa Turkigu waxa uu ka samaystay saldhig kaas oo u suuragalinaya inuu saamayn ku yeesho, saamayntaasoo u muuqata mid dhaqaale iyo mid haymanad siyaasadeed. Awoodo tiro yar uun baa meesha ka maqan, taasoo ka dhigtay mid ku adag bulashada caalamka inay kooxaha dagaallamay isugu keenaan miiska wada hadalka.

Xaaladaha iyo sababaha kala sooca dawladnimadu ma sharraxayaan maqnaanshaha aqoonsiga caalamiga ee ka maqan Somaliland marka loo eego xaaladda immika dalku ku jiro. Ma saadaalin karno aqoonsiga noocan oo kale ah xilliga uu imanayo, waanu soo dhakhsan karaa. Siday doontaba ha ahaatee, aqoonsiga noocaas oo kale ahi waxa uu ku noqon karaa muqdisho cadaadis ku qasba rabitaanka siyaasadeed iyo ka dhaqaale ee quwadaha waaweyn.

Waxaasoo dhammi waa hal tusaale oo ku sandullaynaya falanqeeyayaasha siyaasadda inay aqbalaan sida ayAfrika wax cusub ugu soo dartay cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba u taagantahay hannaan cusub oo dawladeed laguna gaadhay heshiis siyaasadeed, kaasi oo cilmiga siyaasadda marka lagu qeexo sharraxaadaha reer galbeedka uu diidayo inuu u aqoonsado maamul wanaagsan.

Kiiska Somaliland-na waa mid sidiisa gaar u ah oo lagu yagleelay degganaansho dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo la wada raacsanyahay kaasi oo aan sinaba xidhiidh ula lahayn wax kuu shuqul leh dimuqraaddiyad. Waa halka dalal kale oo soomalilaan la mid ahaa oo isku dayay inay maraan waddo aanay iyagu jeexan si ay horumar iyo nabad galyo u gaadhaan ay ku dhex dheceen hiigsigii qowmiyadaha kala duwan iyo waxay doonayeen quwadaha waaweyn ee adduunku.

Kiiska labaad oo ah Ruwaanda si weyn ayaa ay kor ugu kacday siyaasad iyo dhaqaaleba, inkasta oo  in ka badan rubuc qarni uu maamulayo kalidii taliye. Reer galbeedku waa ay ammaanaan horumarka ay Ruwaanda muujisay iyada oo laga qiyaas qaadanayo calaamado ay dhigeen si loogu miisaamo horumarka dhaqaale, degganaansho siyaasadeed, dimuqraadiyadeed iyo horumarka dadku gaadheen.

Tusaalaha ugu danbeeyaa waa Morooko, Morooko waa boqortooyo dadku leeyahay, waayo dadka ayaa boqorka ku haya meeshiisa isla markaana diidi kara fara galinta reer galbeedka.

Haddaba innaga oo sidaa u og siyaasadda Afrika, waxaynu u baahannahay inay ixtiraam iyo qadarin siinno siyaaasadaha Afrika u gaarka ah ee ay isku maamulaan innaga oo ku qiimaynaynna sida ay dalalkooda wax uga qabteen iyaga oo adeegsanaya habdhaqan u gaar ah oo ay la fal galiyeen siyaasadahooda.

*The writer is expert in African affairs.

*A version of this article appears in print in the 17 October, 2019 edition of Al-Ahram Weekly.

Waxa soo tarjumay: C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Berbera, Somaliland.