Wadda-hadaladdii Djibouti: Kiis qaran mise kiis qoys (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Maxkamadaha intiina tagtay ama kama hawlgashaa waa taqaaniine, waxaa laga garnaqaa arimo badan oo kiisaska qoysku ku jiraan. Haddaba marka haweenku marka ay ka soo dacwooddaan maxkamadaha inta badan dacwadooduhu waa isku nooc waxaanay u dhigantay siddan:

“…Ninkaygu wuu igu af xun yahay, gacan buu mararka qaar ii qaaddaa, biil ma bixiyo mararka qaarna maba soo hoydo. Maxkamada sharafta leh waxaan ka codsanayaa iney waraaqdayda iiga qaado wixii aan xaq iyo xuquuq lahaana la ii raaciyo”

 

Ninka ayaa maxkamaddu ka soo jawaab tidhaa arinkaa isaga ah. Inta badan ragguna jawaab isku mid ayey siddii haweenka ka bixiyaan arinkaa. Jawaabtoodu waxay u dhacdaa sidan:

 

“….Waxaa ay gabadhu sheegtay oo dhan waan qabaa hasa ahaatee waa wax aan hadda kadib dhici doonin waxaanan maxkamadda u balan-qaadayaa in aan ka dayn doono. Xaaskayga waan jecelahay, reerkaygana waan haysanayaa..”

 

Intaa kadib Garsooruhu wuxuu dacwadda ku soo gabo-gabeeyaa in qoyska la isku hayo ama la isku celiyo oo reerkaasi dhisnaado. Wuxuu ballanqaad u sameeyadda haweenayda, ninkana waa loo diggaa oo macne kaadh huruud ah ama laba huruud ah la siiyay oo kale ayaa loogu dhigaa arinka. Intaa kadib odayaal baa  ninka reerka ku celiya ama gabadha soo celiya haddii ay dudmo ku maqnayd. Caruuri haddii ay jirtayna muddo la kala maqnaa waxay markii u horaysaan arkaan labaddoodii waalid oo way u kala socdaan.

 

Haddaba habraaca siyaasadda arimaha dibedda ee MW Biixi guud ahaan iyo gaar ahaan sidduu u galay wadda-hadaladda Djibouti waa siddii kiis qoys. Maaha kiiska qaran waana nasiib-darro iyo majarre-halow aan la daawan karin. Waxaa iska cad xukunka Garsoore Geelle iyo odayaasha Abiye iyo Yamamoto.

 

#Mataan wixii eebbe ku abuuray wali ma dhicin.