Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Daah-furay Mashruuca Ka Hogtaga iyo La Dagaalanka Xanuunka Covid19 Ee JPLG

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Daah-furay Mashruuca  Ka Hortaga Iyo La Dagaalanka Xanuunka Covid19 Ee JPLG.

Mashruuca maamul daadejinta  Dawladda Hoose ee JPLG  ayaa sannadkan waxa uu ku kordhiyey mashruuca la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka Covid19, iyadoo laga fulinaayo degmooyinka dalka ee uu ka jiro Adeega JPLG-gu, waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunka COVID-19.

Mashruuca JPLG  oo hore Degmooyinka looga fulin jiray islamarkaana ahaa maamul daadejinta iyo horumarinta Degmooyinka ayaa haatan markii ugu horaysa noqoanaya mid ka qeyb qaata xaalada la dagaalanka Xanuunka Covid19, waxaana dhammaan Degmooyinka loogu talo galay mashuuraca JPLG  ay qalinka ku duugeen in sannadkan mashuurcaasi loo fulin doono in bulshada lagala dagaalamo xanuunkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafiiskiisu maamulo Mashruucaasi JPLG isla sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Covid19  oo mashruucaasi maanta daah furay ayaa Maayirada 11-ka Degmo  uga mahad celiyey sida wanaagsan ay uga shaqeeyeen dedaaladii bulshada lagu bad baadinayey.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Maayirada Degmooyinkaasi kula dardaarmay in ay sannadkan u filiyaan mashuurcaasi sidaa lagu saxeexay, loona baahan yahay in bulshada la gaadhsiiyo islamarkaana guddida heer qaran ay soo waddo habraacyo lagu dhaqi doono Bulshada si looga badabaado xanuuka Covid19.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: