Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore saaka abaaro 5:00 am ka hawlgalay daminta dab weyn oo ka kacay Kaamka Barakacayaasha Istaambuul ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta dabkan, waxaana ciidanku ka hakiyay dabkaasi inuu ku fido guryaha kale.
Ma Jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay dabkaasi, hasayeeshee waxaa jiray tiro Guryo Buulal ah oo gaadhayay 120 Guri dabkuna khasaare gaadhsiiyay, maadaama awooda dabka oo xooganayd, dabaylo u muuqday inay sii laba jibaarayaan saamaynta dabka iyo goobta oo ku taala meel taaga ayaa sii xoogeeyey xawaaraha holaca dabkani.Ilaa immika lama oga sababta dhalisay dabka.
Ciidamada ayaa ku guuleystay dabkaas inay ka nabadgelyeeyaan Guryo ku dhawaa 1000 kuwaasoo khatar ugu jiray inuu dabku ku fido.
Laamaha amaanka iyo maamulka Degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa ciidanka kala qayb qaatay daminta dabkaas.
Maaha markii ugu horaysay ee dab ka kaco kaamkan ku dhawaad Shan Jeer ayaa Barakacayaashan dab qabsaday ciidankuna la tacaalay kana hawlgalay dhamaan daminta dabkaas.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/Somaliland
Info@Somalilandfire.com
990 Emergency Call![](https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/105494733_2663013687307778_2853388644127439755_o.jpg?_nc_cat=108&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=6HuNK2PvfmYAX-IkxIX&_nc_ht=scontent.fhga2-1.fna&oh=dcd4ad9dddac518cb541d27046df408c&oe=5F190D9D)
![](https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/105013239_2663014047307742_7114358065576294561_o.jpg?_nc_cat=103&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=zieRISt_nV8AX_WUHya&_nc_ht=scontent.fhga2-1.fna&oh=3f562cc7c4c029f260110daa9de96ad0&oe=5F199138)
![](https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/105685970_2663014597307687_913375291855218497_o.jpg?_nc_cat=102&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=qYoCYoNSoOMAX9T8t_a&_nc_ht=scontent.fhga2-1.fna&oh=6f6896f6b5e2bc6dab73ff297b1ccd8f&oe=5F1B96C8)
![](https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/105494733_2663013687307778_2853388644127439755_o.jpg?_nc_cat=108&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=6HuNK2PvfmYAX-IkxIX&_nc_ht=scontent.fhga2-1.fna&oh=dcd4ad9dddac518cb541d27046df408c&oe=5F190D9D)