Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wuxu jabiyay dayr ay wasiiradii hore dhaafi kari waayeen, Q.2aad (WQ: Axmed Faarax Muxumed)

Maqaalkan taxanaha ah waxa aan u qaatay qalinka iyadoo aanan ujeeddoo ii gaar ah iyo dan gaar ahaaneed ka lahayn Wasiirka aan waxqabadkiisa kaga hadlayo balse ujeedadayda rasmiga ahi waa inaan runta iyo xaqiiqada usoo bandhigo bulshada oo aan hubo in aanay  in badan oo ka mid ahi xog ogaal u ahayn xaqiiqada jirta.

Iyadoo aan sii ambaqaadaynno Wasiir Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo isagoo fulinaya go’aannadii lagu gaadhay shirkii wadatashiga xukuumadda cusub ee Madaxweynuhu amray in la xoojyo heerka wada shaqayneed ee wasaaradaha iyo hay’adaha qaranka; wuxu dardargeliyay xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku wareegto uu arrintan ku soo saaray wuxu dhiirrigeliyay inay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladdu si mug leh uga faaiidaystaan cududa shaqaale, aqoonta iyo qalabka Wasaaradda Warfaafinta si ay wararka iyo barnaamijyada hawlaha shaqo si habsami leh ugu tebiyaan bulshada goor walba. Wasiirka. Shakhsiyaadka warka ka dhigay wareegtaas ee turjumaadda khaldan ka bixiyay waxay u muuqdaan qaar ku fashilmay shaqadoodii oo been iyo afmiishaarnimo ku marin habaabinaya ciddii aan xog ogaal u ahayn xaqiiqada jirta.

Wasiir Guri-barwaaqo wuxu ka hawlgalay in la tayeeyo heerka waxbarasho iyo xirfadeed ee shaqaalaha iyo bahda warbaahinta  illaa heer jaamacadeed ah dalka gudihiisa iyo debadiisaba isagoo kaashanaya dhinacyo kala duwan.

Haddii aan waxka iftiiminno arrimaha muhiimka ah ee Wasiirku jecelyahay inay ku soo baxaan siyaasadda heer qaran ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Wasiirku ka bilaabay wadatashigeeda  iyo xog ururinteeda Wasaaradda isla markaana ku salaysan xilka iyo waajibaadka shaqo ee Wasaaradda sida  lagu qeexay wareegtadii Madaxweynaha, waxa ka mid ah ama ay dhiirrigelinaysaa  1) Tayaynta barnaamijyada ka baxaha Idaacadda iyo TV-ga. Siyaasaddan heer qaran ee xagga warfaafintu waxa ay noqonaysaa mid dhiirrigelisa  baahinta wararka faaiidada bulshada u leh maadaama ay miisaaniyad dawladeed ku baxdo laamahan, isla markaana ay habboontahay inay noqdaan gaar ahaan barnaamijyada TV-gu qaar bulshada rayidka ahi si fiican u wada awoodi karto oo gaadhi karaan. Si ujeedadan loo fuliyo, Wasirka waxa ka go’an inay noqoto Wasaaradda Warfaafintu mid ka dhamaystiran oo awood buuxda u leh gudashada waajibaadkeeda xagga qalabka, gaadiidka iyo shaqaalahaba. Wasiirku wuxu ku dadaalayaa inay Wasaaraddu lahaato xeer-hoosaaddo iyo habraacyo xeerar fulineed oo shuruucda dalka waafaqsan kuwaasoo loogu dhaqmi doono hagaajinta iyo horumarinta shaqada wasaaradda xagga cududa shaqaale, wararka iyo barnaamijyada, hantida iyo qalabka iwm. Wasiirkan cusub ee Wasaaraddu wuxu ku dadaalayaa in laamaha kala duwan ee warbaahinta qaranku noqdaan qaar si buuxda uga turjuma wacyigelinta bulshada gaar ahaan xagga waxqabadka dawladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, wacyigelinta ku saabsan khayraadka dalka sida waxsoosaarka dhulka, beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, warshadaha, dhirta iyo daaqadda iwm iyo sidii loo horumarin lahaa dhammaantood, sidoo kalena wacyigelinta xagga caafimaadka bulshada, xoolaha, iyo deegaankaba oo ay Idaacadda, TV-ga, Wargaysyada, iyo baraha kaleba noqdaan qaar waxbadan oo cashar iyo cilmi ah bulshadu ka faaiidaystaan. Wasiir Guri-barwaaqo wuxu doonayaa warbaahinta dawladda qaybaheeda kala duwan ee ay ku jiraan Idaacadda, TV-ga iyo Wargayska Dawan inay astaan iyo macalin ugu noqdaan warbaahinta kale iyo bulshada guud ahaan xagga tebinta wararka saxda ah ee sugan, isticmaalka weedaha saxda ah iyo afsoomaaliga quman eray bixinta afsoomaaliga, iyo hiddaha iyo dhaqanka gayigan Somaliland (The public media to serve as the role model of the country in terms of  journalism ethics, right wording in Somali language, culture and tradition of Somaliland). 2) Horumarinta maamulka shaqada iyo shaqaalaha  3) ilaalinta ku dhaqanka sharciga saxaafadda, xuquuqda wariyayayaasha, gacan ku haynta, kormeerka iyo wada shaqaynta saxaafada madaxabanaan iyo sidii kab miisaaniyadeed loogu samayn lahaa. 4) Horumarinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo daryeelka bahda fanaaniinta, abwaannada iyo bahda hiddaha iyo dhaqanka ee Wasaaradda. Wasiirka oo dabbaqaya hababka lagu guulaystay ee wadamo kala duwan oo caalamka ahi u maamulaan bahda fanka iyo suugaanta, waxa uu ku taamayaa inuu wax badan ka bedelo oo horumariyo hiddaha iyo dhaqanka dalka. 5) Xagga wada shaqaynta Warbaahinta Caalamiga ah Wasiir Guri-barwaaqo wuxu ku hawlanyahay in qaab wada shaqayneed oo ka turjumi kara danaha iyo maslaxadda Somaliland, isla markaana ka hortagaya wixii saamayn taban ah ama faaiido darro iyo madarro u leh Somaliland ee innoogu dhuuman kara suxufiyiinta ajaanibka ah iyo laamaha warbaahinta caalamiga ah ee dalka yimaada ama xafiisyo iyo wariyayaal ku leh dalka amaba siyaabo kala duwan wada shaqayn innoola leh. 6) Tixgelinta baahiyaha gaarka ah. Wasiir Guri-barwaaqo wuxu ku dadaalayaa inuu u dejiyo Wasaaradda siyaasad tixgelinaysa xuquuqda baahiyaha gaarka leh gaar ahaan xagga maqalka oo guud ahaan laga wada dhaqangeliyo laamaha warbaahineed ee la iska arko ee wadankan Jamhuuriyadda Somaliland. 7) Siyaasaddan qaybo badan oo muhima  yeelan doonta waxa ka mid ah inay hormood u noqoto Wasaaradda siyaasadda xukuumadda iyo qaranka JSL xagga warbaahinta ay ka midtahay warbaahinta casriga ah xagga maqalka, muuqaalka, qoraalka, mareegaha internet ka iyo baraha lagu kulmo ee xero edeg.

Ugu dambayn, Wasiir Guri-barwaaqo wuxu dhiirrigelinayaa bulshada Somaliland ee qurbaha ku filiqsan oo loo fududayn doono inay si fudud dalkooda iyo dawladooda Somaliland wax badan uga ogaadaan haddii ay tahay khayraadka dihin iyo maalgashiga dalka, dalxiiska dalka, shuruucda  dalka, qorshayaasha horumarineed iyo waxqabadka dawladda iwm.

Suxuf: Ahmed Farah Muhumed.

LA SOCO QAYBTA 3AAD