Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre “Nimco-Gabaydo”, Q.4aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Qormadan afraad ee suugaanta iyo Sooyaalka Abwaan Nimco-Gabaydo IHUN waxa aynu ku soo qaadan doonnaa maanso magaceedu yahay ‘laba ha is barteen’.

Laba Ha Is Barteen: Tix Baarcadde Ah.

Abwaan Nimco Aadan Hurre oo ka warramaysa xilliga ay maansadani soo baxday iyo ujeeddadeeda waxa ay tidhi “Waxa aan tiriyay horraantii Juun 2010ka oo uu Soomaalilaan ka bilaabmay ololihii doorashada madaxtooyada ee qabsoontay 26kii Juun 2010ka, isla markaana ay ku guulaysteen Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo KULMIYE u sharraxnaa. Waxa ay ka hadlaysaa sida uu siyaasigu ummadda ugu qaado ballanta marka uu ololaha ku jiro, ee ay hadhawna u buraan axdiyadii uu bulshada la galay. Markaa waxa aan leeyahay ha is-barteen shacabka iyo madaxda ay dooranayaan”

Sakaarada ayaa habeenkii oo dhan tidhaahda “Ilaahayow magan baan kuu ahay”. Marka waagu beryo ayay intay geedkii ka baxdo tidhaahdaa “Allaw magantaa ka baxay”. Nimco-gabaydo waxa ay taas ku shabbahaysaa siyaasiga bulshada beer-laxawsada marka uu kursiga baadi-goobayo, markana dambena axdiga ka baxa. Maansadan ‘laba ha is-barteen’ waxa ay ku fadhidaa god-maanseedka loo yaqaanno Baarcaddaha ama Saarka.

Maansadu waxa ay tidhi:

Dharaarba ninkays bidee

Ammaanada baaxadda leh

Xilkeeda u bu’aya ee

In loo boqro doonayaa

Bulshooy wuxu kugu yidhaa

“Codkaaga intiisa badan

Haddaad igu biirisoon

Ku soo baxo doorashada

Billaahi calayk anigu

 

Baddaan rinjiyaynayaa

Buurtaan kala jeexayaa

Berriga macdantiisa iyo

Batroolka ku aasan baan

Dhakhso u soo bixinayaa

 

Cirkana baasheenna iyo

Intay nagu beegan baan

Biriijyo hawada mariyo

Laamiyo ka binaynayaa

 

Aqoonsiga baaday ee

La baafinayee lumaan

Il-bidhiqsi ku keenayaa”

 

“Codkaaga intiisa badan

Haddaad igu biirisoon

Ku soo baxo doorashada

Billaahi calayk anigu

Bulshada inta jilicsan iyo

Bukaankaan daryeelayaa

 

Carruuraha balanbalee

La baylihiyaan u furi

Barooyin xannaano iyo

Iskuullo bilaash ahoon

Barbaartaan xaq siinayaa

Bilista maamulkaan iyaga

Badhkooda u dhiibayaa”

 

“Codkaaga intiisa badan

Haddaad igu biirisoon

Ku soo baxo doorashada

Billaahi calayk anigu

 

Waxaan ballan-qaadayaa

Inaan idin baashiroon

Badbaadiyo idinku dhaqo

Barwaaqiyo samafal oo

Birmadka danihiinna guud

Waxaan noqon baylah-tire”

 

Misana bal qabsoo misana

Intiisa markuu bogtee

Kursiga balag looga lulay

Bayaan u fadhiisto’ee

Qabsado booskuu rabee

Shan sano u bilaabantana

Waa baabkii sakaaradoo

Intuu booduu yidhaa

“Allaw magantaa ka baxay”

 

Dadkayguna uma bislaan

Badheedhaha doorashadu

Baabkay ku wanaagsantoo

Bishuu ololuhu socdana

Been iyo qof jeclaysi iyo

Hunguri iyo baayacaad

Intay ugu beerraqaan

Ayay bi’i waa Cabdow

Berrina ka calaacalaan

 

Maantana bisinkee inagu

Waxaynu ku beegannahay

Marxalad adag oo bulshooy

U baahan in laga gudboo

Ninkii been sheegayiyo

Ninkii run ku baaqayaba

Waxaa garan baaqigee

 

“Allow nagu beeg ka wacan”

Intaad ku baryootantaan

Dhammaantiinba u birmada

Cod-bixintoo ruux kastaa

Ha siiyo qofkuu u bogo

Dabeed laba ha is barteen.

La soco qaybaha dambe. Hoos ka akhriso qaybihii hore. 

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-3aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-2aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-1aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/