Xisbiga Waddani wuxu kalsoonidii kala noqday Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay in uu kalsoonidii kala noqday Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Xisbigu wuxu go’aankooda la xidhiidhiyey sidii ay Komishanku u maamuleen doorashadii madaxtooyada iyagoo sheegay in xeerarkii doorashada qaarkood la barbar maray. Hoos ka akhri war-saxaafadeedka xisbiga oo dhammaystiran.