Wasiirka ruuxiga ah wasiir Samsam Q. 1aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Marka la leeyahay ruuxi waxaa jooga jeedaa shaqsiga bulshadu ay ka mahad sheegato ee aan waxqabad mooyee dhibaaato laga sheegan

Wasiir samsam waa wasiirka kaliya ee inanka banks wajaale ilaa lascaanood uu yaqaano sababtoo ah taakulada iyo tabaalaynta ay u gaysatay.

Wasiir samsam waa shaqsiyada haweenka ah ee loo dhiibay wasaarada ugu culus wasaaaradaha somaliland hadana XARAAR IYO XURMO soo hoysay.

Sida xaqiiqadu tahay wasiir samsam cabdi Adam waa shaqsiyad ku sifowdaw wax qabad.daacadnimada,hawlkarnimada xilkasnimada ee si siman uga muuqda qarankan somaliland.

Waa wasiirka kaliya ee ilaa hada aan lagu xaman shaqo xumaan ama inay ka gaabisay waajibaadkii ay qaranka u haysay.

Waa wasiirka laba xil oo ay  qabatay Labadaba laga mahad sheegtay kuna amaanan.

  1. Wasaaradii waxbarashada waa la ogaa saqiir iyo kabiir halkii ay gaysay iyo sidii ay uga dhigtay wasaarad lagu hirto oo dhaqdhaqaaqeeda iyo tabantaabinta shaqaalaheeda iyo macalimiintaba ka dhigtay qaar kusoo hirta oo ogaaday in qofkii wax qabtay uu wax helaayo Sida:-

.caafimaad bilaasha

. Gunayn cidii shaqaysata

. Abaal marin cidii muddo dheer usoo xusul duubay wasaarada iyo bulshadaba

. Waxa ay dhismaha dugsiyada gaadhsiisey somaliland halka ugu dambaysa sida TOQOSHI

Marwo samsam faraskeedu waa mid aan daalin mugdi iyo wadooyin leexsana aan marin.

Macnaha waa daacad u xusul duubta danaha bulshada.

Waxa aan la iloobi karin sida ay ugu taagnayd hadana ugu taagan tahay sidii loo tabaruci lahaa dadkeena abaaruhu halakeeyeen ee mood iyo noolba ka Dhamaadeen.

Wasiir samsam iyada oo ah ruux dumara ayaa ay dhaaftay qaar badan oo xiniinyaha ku faana oo aan waligood waajib ay leeyihiin sidiisa u qaban oo ka sheekeeya qabyaalad iyo reer hebel iyo hebelbaa sidaa yidhi.

Wasiir samsam dadka iska daayoo duunyadaa u ducaysay.

Wasiir samsam amaan iyo af-gobaadsi igama ahee magaceedu Waa SHAN KA ROON

Dadkan duunyada ilaahay ku dhaqay qaarba waa nooc iyagoo kala duwan oo isugu jira daacad iyo daalinba hadana inta fiican ayaa ugu dambaynta muuqata

Waxa jirey gabay layidhaa DURDUR oo uu abwaaan hadaraawi ku faalaynaayo bulshada dadka u madaxda ah iyo noocyadooda wuxuuna yidhi

 

midigta deeqsiiya

Toban dudaya, toban uurka daba toban kaloo doorsan

Toban didaya, toban duuf-cunoo nacab la daaweysta

Toban dabata, toban toban duur-xuloo garab ku daaqaaya

Dushaa toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo

Iyo toban da’dii soo kacdaba dubata beerkooda

Dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa

Iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey

Dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade

Toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban

Diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso

Mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya

Toban dalab leh, toban loo dawero toban daleel jooga

Toban daasadaa wada sitoo xagal ka daacaysa

Toban daadsan, dibada mid jira toban dabayl raacay

Toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa

 

Intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda

Intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda

Intaasoo danaa guud jirtoo daawo wada qaata

Intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa

Intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata

Intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa

Intaasoo dagnaan loogu iman ama digtoonaata

Intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysa

Intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh

Taasaa la wada doonayaaye dan uga faallooda!

Waxaynu u baahanahay shaqsi sidaas oo kale u go aan iyo shaqada adag.

 

Qalinkii CABDI CAWIYE

shaywaal12@gmail.com

+ 252634115877