Xaaraanta, malla xalaaleysan karaa? (WQ: Maxamed Cali Bile)

Xoolaha dawladda amma ummadda oo la dhacaa waxa ay aheyd wax weligeedba soo jirey. Qiyaastii waxa ay aheyd 1964 kii markii ay soo baxdey heesta tidhaa:

“Nin agoon ku xadey qalin, qaaxo kama fogaatee.”

Waxa heesta loo tirinayey dad markaa dawladda u shaqeynayey oo lagu tuhmayey musuqmaasuq. Inkasta oo ay weligeed jirtey dhaca xoolaha dawladdu, haddana waxa ay aheyd wax aad u yar oo dad aad u tiro yari sameeyaan oo in la isku xanto mooyee ay adkeyd in la isku caddeeyaa.

Qof qofka wax xada ee ama guri ka dhista iyo wax la mida, magaca qof
kale ayuu ku qori jirey si aan loogu soo tilmaamsan oo aan loo xidhin. Dadka wax dhacaa amma laaluushka qaataa aad ayey u tiro yaraayeen. Ummadda hantida dawladda lagu aaminaa intooda badani nadiif ayey ahaan jireen.

Maanta, hantida ummadda Sheekh iyo Shariif iyo aqoonyahan iyo siyaasi kii ay fursaddu soo martaa ma deynayo, dadka in aad u yar mooyee. Siyaasiyiinta mushaharka wanaagsan qaata ee baaburta dawladda ee quruxda badan la siiyey ee qaarkood guryaha waaweyn ee dawladda ku jiraan, uma cuntameyso nimcadaasi. Waxa intaaba ka badan waxa ay rabaan iney dhacaan. Xataa kuwii marka ay dawladnimada dibedda ka joogaan dhaliisha farta ku fiiqayey ee dawladda markaa joogta eedeynayey, ayaa marka xil loo dhiibo ee ay dawladnimada lugta geliyaan aan ammaan gelin wixii lagu aaminey.

Aqoonyahan jaamacado ka soo baxay oo aad fileyso in damiirku u diido ama ay aqoontu ka celiso in uu ku tagri falo hanti ummadda ka dhexeysaa, ayaaba ka mid ah kuwa u horreeya ee wax dhacaya. Dad sujuuddu foodda madoobeysey oo aqoont Diinta Islaamka wax badan ka yaqaan ayaan dhaafeyn marka ay fursaddaasi soo marto oo dhinacoodda wax ka boobaya.

Ganacsato Illaahey siiyey nimco iyo xoolo ku filan ayaan hantidoodii ka ilaalineyn in ay ku dhex mulaaqanto xaaraan oo intaa amma dhul amma hanti dawladdeed
raba in ay si sharciga baal marsan ku helaan.

Inageenan dawladnimada dibedda ka jooga ayaa wax ka dilaalna xaaranta oo wax ka cuna inagga oo wada og in waxa la cunaya yahay xooloo ka dhexeyaa ummadda. Uma jeedo in aaney jirin dad daacad ihi. Wey jiraan oo dawladda iyo
shicibka culimada iyo aqoonyahankaba wey ku jiraan. Balse dhaca oo berigii hore yaraa ayaa iminka soo battey oo daacaddii hafiyey.

Markii dalka la soo galay magaalooyinka, gaar ahaan Hargeysa, guryuhu wey wada dunsanaayeen, waxaaney kaliftey in dad badani galaan guryihii dawladda, sida guryihii waaweynaa ee shacabka ku yaaley, qaar waxa ay
galeen iskuuladii, qaar ayaa dhakhtaradii galey, halka qaarna ay galeen saldhigyadii bileyska. Dadka qaar kale waxa ay galeen guryo dadkii lahaa ka qaxeen oo aaney soo noqon. Xilligii dib u dhiska dalka, dadkii ku jirey hantida dawladda in badan waa laga saarey.

Balse dadka laga saarey waxa ay u badnaayeen kuwii masaakiinta ahaa iyo kuwii itaalka darnaa. Dadkaasi waxa lagu qanciyey iney iskuulada ka baxaan si caruurtooda wax loogu baro amma dhakhtarada ka baxaan si bukaanka loogu daweeyo, waaney ka baxeen. Balse, dadka intii awood iyo magac laheyd guryihii ay degeen midna kamuu bixin. Iska dhaaf guri uu ka baxee, mid walbaa dhulkii gurigaa u qabsadey u dhawaa ayuu deyr weyn ku sameystey. Markii danbe waxa bilaabantey in dhowrka guri ee ay ku sii hadheen dad iska danyarta ah, inu qof wasiir ama madax aha ama ganacsato ihi u yimaaddo oo uu yidhaa, kolley adiga waa lagaa saarayaaye, qaddarkan lacagta ah qaado oo meel kale doono oo guriga ii banee. Iska daa guriga dawladdu leedahay oo, xataa lacagtan uu qofka siinayaa waxa ay u badantahay iney tahay lacag dawladeed. Sidaasi ayay guryihii iyo dhulkii dawladdu laheyd ay gacanta uuga galeen intii awoodda dawladnimo heysatey iyo intii ladneyd.

Badhtamihii sagaashankii ayaa buuq ka dhacay meeshii la odhan jirey “State House” ka oo ah guri wey oo ingiriisku dhisey oo martida dawladda la dejin jirey oo ku yaalla shacabka Hargeysa. Gurigaasi oo dunsanaa, waxa degey dad masaakiin ah. Waxa meeshii ku kulmey laba ciidan oo bileys ah oo u kala socda laba qadiyadood. Qolo waxa ay
doonayaan iney dadkan masaakiinta ah ka saaraan “State House” ka oo ay leeyihiin waa guri dawladeede ka baxa. Kooxda kale ee askarta ihina waxa ay difaacayaan dhul la jeexayo oo dawladdu soo siisey todobadii odey ee guurtida u sareeyey oo mid walba loo jeexayo dhul weyn oo uu guryo ka dhisto. Askartu waxa ay ka celineysa dad meesha ka qeylinaya oo leh dhulkii dawladda ayaa la boobayaa. Halka askarta kalena ay qoriga ku hayaan masaakiinta “State House” degen oo ay leeyihiin ka baxa aqalka dawladda. Waxey ku tuseysaa in dawladnimadeenu ku bilaabantey tallaabo qaldan oo miskiinka cadaadineysa, qofka ladanna u hiilineysa.

Waxa jirey mashaariic badan oo ay maalgeliyeen hey’ado shisheeye, sida Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa (UN-ta), NGO-yo, Bangiga Horumarinta Afrika, Bangiga Horumarinta Islaamka iyo hey’adaha Carabtu maalgeliso.
Mashaariicdaa waxa ka mid ahaa dhismaha amma dayactirka iskuulada, dhakhtarada, ceelasha biyaha, xafiisyo dawladeed, dhismaha madarasadaha, mac’hadyo iyo masaajiddo. Mashaariicda ay hirgelisey UN-ta iyo NGO-yadu sida ay u dhanyihiin marka la dhameeyo waxa lagu wareejiyey dawladda. Masharricda uu hirgeliyey Bangiga Horumarinta Afrika, qaarkood gacan shakhsi ayey ku danbeeyey. Waxa mucjiso ah in mashariicda boqolaalka ah ee ay hirgeliyeen hey’adaha Carabta iyo Hay’adaha Islaamku ay kuligood ku wareegeen gacan ashkhaas culimo
diimeed u badan in yar mooyaane. Boqolaal madarasdood oo lagu dhisey caawimo ay bixyeen hey’addo Islaami ihi ayey qaateen dadkii hey’adahaasi u soo dhiibeen oo ay u maamushaan sidii hanti ay iyagu leeyihiin. Waa madarasado lahaanshahooda aaney u diiwaan gashaneyn Wasaaradda Waxbarashada. Qaarkood markii danbe waabey ka bedeleen madaraddii oo waxa ay ka dhigteen hanti kale oo ay iyagu leeyihiin.

Boqolaalka iyo boqolaalka madarasado iyo mac’hadyo ay hey’ado islaami ihi dhiseen, wey yaryihiin ama maba jirto wax gacanta dawladda soo galay. Waxa jira dad badan oo dhul lagu siiyey iney ka dhisayaan mashaariic ummadda anfacda, balse markii danbe ee ay dhulkaa hantiyeen, ay iskood u qaateen oo ay ka dhigteen hantidoodii.

Waxey aheyd qiyaastii sannad ka hor markii an arkey dad badan oo iskugu yimid hudheel weyn oo Hargeysa ku yaala oo uu casuumad ugu sameeyey siyaasi dawladda ka tirsanaa. Intaan casuumaddii la gelin ayaa salaaddii la wada tukadey oo siyaasigii ayaa tukinaya. Siyaasigaasi waxa uu casuumadda ku sameeyey kumanaan doolar. Dadkaa
tukanayaa wey wada ogyihiin in lacagtaa casuumadda lagu sameeyey aaney aheyn dhididkii siyaasigaasigaasi oo ay xataa ka badantahay mushaharkiisa uu qaato bisha. Sidaasooy tahay, casuumadda waa la wada cuney salaadda dabadeed, ka bacdina xaqal jaad ayaa dheeraa.

Waxan is idhi tolow haddii dadkaa qadeynaya la yidhaa cuntaddii ad canteen waxa idin ku soo qaldamey hilib doofaar oo meel kale loo wadey, tolow maxey sameyn lahaayeen. Mid walbaa inta uu koob biyo ah oo milix leh cabbo
ayuu iska matajin lahaa! Oo xoolo umadeed oo ad cuneysaa miyey ka dhacdaa hilib doofaar!.

Maanta haddaad istaagto Dugsiga la yidhaa Sheekh Bashiir ee ku yaalla magaalada Hargeysa oo ad u dhaqaado xaggaa iyo shacabka, dugsiga kuugu soo xiga ee ad gaadhi kartaa waa Dugsiga Gacma Dheere. Haddii ad u
kacdo dhinaca woqooyiga, Dugsiga kuugu soo xiga ee ad gaadhi kartaa waa Biyo dhacey, marka laga reebo madarasadda Sheekh Baraawe. Haddii ad u kacdo dhinaca koonfurta, dugsiga kuugu sokeeya ee ad gaadhi
kartaa waa Dugsiga Axmed Gurey. Haddii sharicgeenu dhigayo in caruurta iskuulada lagu qoro lix jirka, iskuuladiina ay isu jiraan 2 amma 3 kiiloomitir, sidee ayuu ilmaha yar ee 6 jirka amma 7 jirka ihi u tegeyaa iskuul? Kii reerkoodu xoolo heystaan gaadiid ayay u diyaarinayaan kii kale melena tegei maayo. Dhulkii dawladda ee intaa an sheegey ku yaalley oo dhan waa la qaatey oo badankooda dawladdii hore iyo tan joogta ayaa iibisey. Amma ha noqoto dawladda joogta ama ha noqoto kuwii ka horeeyey ee, isku si ayay u xaraasheen.

Dadka dhulkaa la siiyey ee daaraha ka dhistey waxa ay isku qanciyaan in sharci lagu siiyey maadamaa dawladdu warqad u saxeexdey. Balse, waxa aaney ogeyn inaan xoolo ummad ka dhexeeya aaney xalaal u noqoneyn
haddii ay kugu soo gashey sifo qaloocda. Waxa kale oo an ka fikirey, tolow marka ay xaraashaan 90%, maxey 10% dhulkaa u reebi waayeen si wax dan guud ah loogu qabto.

Nin an saaxiib nahay oo iiga sheekeeyey wafdi wasiir wato oo uu raacey ayuu ii sheegey in marka ay magaalo amma tuulo tagaanba uu wasiirkaasi inta uu jeebka gacanta geliyo uu dad u dhiibayey lacag inta badan aheyd $500. Wuxu yidhi wasiirku waxa uu sitaa rabdado lacag ah oo uu faraqayaa dhowrkaa maalmood ee uu safarka ku jiro. Waa la ogyahay in lacagtani tahey hanti umadeed, wasiirkuna dadka uu lacagta siinayo kama saxeexanayo rasiidh hadhow lagula xisaabtamo. Balse gacanta uunbuu jeebka gelinayaa oo uu u dhiibayaa isaga oo aan melena ku qoran
waxa uu bixiyey illeyn cidi kalama xisaabtameysee.

Maalin dhaweyd ayaa la i tusey dhisme la yidhi nin agaasime ah ayaa leh. Xaasid ma ihi oo ma ihi qof hinaase ka hayo qof wax qabsanaya. Balse waxa an la yaabey sida uu qof agaasime ah oo maalintii la magacaabayey aan waxba heysan amma aan lagu ogeyni, uu fooq dheer uun u taagayo. Waa su’aal u baahan in la isweydiiyo gaar ahaan marka qofku yahay qof hanti ummadeed lagu aaminey. Meel kale ayaan ku arkey laba fooq oo is barbar yaalla oo waaweyn oo uu leeyahay qof dawladda mas’iiliyad sare ka hayey. Waa su’aal u baahan in la isweydiiyo sida uu ku keeney. Siduu ku yeeshey? Ma bakhtiyaanasiib ayuu heley, mise macdan ayuu dhulka ka faqey iley wax uu 4 sanadood oo uu xilka dawladda hayey ku heli karo maahee? Tuhunku waxa uu ku odhanayaa, dadkaasi waxa ay guryahaa ku dhisteen waa hanti umadeed, Illaahey ayaana og.

Musuqmaasaqa iyo boobku kuma koobna dawladda oo keli ah, balse waa wax siyaasi kasta lafaha ka gashey in yar mooyee. Dadkii madaxda ka ahaadawladdii Riyaale ee iibiyey guryihii dawladda ayaa maanta ah madaxa xisbiyada mucaaridka oo u soo miliqsanaya iney mar kale fursad tii la midka aheyd soo marto. Dadkii asaaska u ahaa dhaca iyo boobka iyo ku tagrifalka awoodda dawladda maanta joogta ayaa markii ay dawladda ka baxeen galay xisbiyo mucaarid ah oo weliba lagu qadarinayaa oo la soo dhaweynayaa. Taasi sawir side ah ayey ka bixineysaa Mucaaridka?
Xisbiga ay ku biireen kuwii boobka aabaha u ahaa waa xisbi sugaya fursad uu wax ku boobo.

Dadka laba shey ayaa u diidi jirey iney xoolaha dadka ka dhaxeeya dhacaan. Labadaa dabar waxa ay kala yihiin Diinta Islaamka oo si cad u sheegtey in xaraantu reebbantahay iyo damiir iyo dhaqanka ummadda oo kuu diidaya inad damacdo xoolaha qof kale leeyahay amma ummadda ka dhexeeya. Sida ay u eegtahay, labaadaa arrin ee xakamaha u ahaa dadka lagu aamino hantida ummadda, labaduba wey jabeen maanta. Halka berigii hore ay yaraayeen dadka wax dhacaa oo farta lagu fiiqi jirey, maanta waxa yar dadka aan wax dhicin oo farta la iskugu fiiqaa sidii oo ay yihiin wax aan caadi aheyn. Soomaaliland inad xoolaha dadka ka dhexeeya qaadataa waa wax aan u baahneyn inaad is qariso, waana wax aan ku koobneyn dad gaar ah iyo gobolo gaar ah iyo dawlad gaar ah. Waa
wax qofkasta oo mas’uul looga dhigo hanti, uu ku tashado, in yar mooyee. Qaarkood iney wax dhacaan ayey u badheedhaan, qaarna iyaga oo aan u badheedhin marka hore ayuunbey is arakaan iyaga oo dhex dabbaalanaya oo ay waxani caadi la tahay.

Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney. Waxa kale oo la yaqaaney dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman jirey iney lacagta dawladda ku takhri falaan. Iminka labadaasiba bikh. Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa wax dhaca. Waa dad caadi ah oo qaar suudh xidhanyihiin, qaar qamiisyo iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl,
xalaal iyo xaaraan tuu doono haku helee.

Waa maxey sababta hantidii ummadda ku tagrifalkeeda loo xalaashanayaa? Anigu garashadeyda waxa ii soo baxdey dhowrkan sababood:

–   Iyada oo markii an dalka ku soo noqoney iyo intii ka danbeyseyba la inagu mashquuliyey xumaantii ay sameysey dawladdii hore ee Siyaad Barre (AHUN) oo la inooga dhigey iney shisheeye aheyd, sidaa darteedna ay inaga indho tirtey xumaanta badan ee aynu dhexdeena ka wadno.

–   Iyada oo aanu qofku ka baqeyn in dhibaato uuga timaaddo oo la xidho amma la ganaaxo hadduu lunsado amma dhaco amma si sharciga baal marsan u isticmaalo hanti ummadeed.

–  Iyada oo hantida dadka ka dhexesa qaadashadeedu aaney bulshada dhexdeeda kaba aheyn ceeb oo marmarka qaarkeedna loo arko raganimo.

–   Dadka intii sharciga u heysey sida sharci dejinta iyo culimada iyo aqoonyahankii hormoodka u ahaa bulshada oo aan si cad uuga hadal amma xaqii uugu dhawaaqin sidii la rabey.

–  Boobka hantida oo inta ay caadi iska noqdeen aanu qofkan wax dhacayaa dareensaneynba in waxan uu sameynayaa qalad tahay oo ay xaraan tahay.

–   Odayaashii dhaqanka ee xalaal cunka lagu yaqaanney oo qaar badani noqdeen dilaaliin cimaamado xidhan oo waxa ay u ordayaanba yihiin hunguri.

–  Dadkii la rabey iney xaqooda ilaashadaan oo dhagobarjoobey oo aan kala garaneyn in xaq ka maqanyahay.

–   Dawladnimaddii aheyd iney sharciga ilaalisaa waaba ta uugu horeysa ee loo sii maro boobka iyadaana qofka u sahasha oo u adeegsata sidii ay xukunka u sii heyn laheyd.

– Baqashadii aakhiro iyo cadaabta oo meeshaba ka baxey oo ku sii hadhey uun masaakiinta iyo reer miyiga

Talo

1. Waa muhiim in dhaca amma musuqmaasuqa hantida ummadda ka dhexeysa laga hadlo. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu ku iibsan lacag aan sifo
xalaal ah ku soo gelin aaney salaadi u ansax aheyn. In haddii shaadhka uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin.

Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag umadeed aanu afur xalaal ah u noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin, macnihii uu ka tegeyaa. Wacdigii wadaadadu waxa uu iminka u badanyahay
oo dhageysta masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar shilin quraxda u fadhiya maalin oo dhan oo kartoon ku tukada. Waa muhiim in wacdiga halkaa kor looga qaado oo si cad farta loogu fiiqo meelaha xumaantani ka jirto oo ah siyaasiyiinta.

2. Dhalinyarada iyo dadka kale ee aqoonyahanka ihi waa iney su’aalo adag weydiiyaan xisbiyada ay taageersanyihiin oo ay cariyaan. Goobaha doodaha iyo muxaadarooyinka siyaasiyiintu timaaddo waa in la weydiiya waxa ay ka qabaan arinkaasi, iyo waxa uuga qorshe ah. Dawladda iyo madaxdeeda waa in si adag loo weydiiyaa sababta ay u dhacdey in
iskuulka Sheekh Bashiir ee Hargeysa illa iskuula Gacmo Dheer dhulkii dawladda ee u dhexeeyey ay u wada iibisey balse ay uuga reebi weydey dhul yar oo amma iskuul laga dhiso amma garoon kubadeed. Haddeyse taasi dhacdeyba, maxaa u qorsheysan. Sidoo kale waa muhiim in xisbiyada mucaaridka la weydiiyo in haddii ay doorashada ku
guuleystaan ay hantida umadda ee dad qaatey amma iibsadey soo celin doonaan. Waa in la weydiiyaa in qof lagu tuhmayo inu xoolo umadeed soo dhacey ay u ogolyihiin inu ku soo biro xisbigooda. Haddii aanu xisbiga mucaaradka ihi diyaar u aheyn in qaladaadka noocaas ah saxo, waxa laga filaa waa wixii uu kii ka horeeyey sameeyey iyo wax ka daran.

Waxa badan ayaan u soo joogey dad xoolo umadeed qaatey amma gooni u isticmaaley amma laaluush badan qaadan jirey. Intaa an soo arkayey, weli maan arag qof ka aflaxey oo muuqda. Mid kastamba dhaca, joomitir dhul booba, qaar cashuuraha badh qaata, wasiir xoolo badan dhacey, qaar dekedda xoolo badani ka so galeen iyo qaar badan oo kale. Inta an aqaanno ee xaraanta risiqa ka dhigatey weli maan arag cid ka aflaxdey oo nolol wanaagsan iyo caruur aflaxda ka dhaqatey.

Alla Mahad leh

Mohamed Ali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

qorane.bile@gmail.com