Itoobiya waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday lix bilood oo xaalad degdeg ah, kadib qulqulatooyin mudaharaado rabshado wato oo xukuumadda loogaga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen dhammaadkii sannadkii hore.

Sidoo kalena waxa dhawaan ka bilaabmay waddankaas isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, kadib markii 55 qof ay ku dhinteen isriix-riix dhacay intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka in ay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay.

bandhige@gmail.com