Xisbiga Waddani waxa uu xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey siyaasiyiin ku soo biiray

 

Xisbiga Waddani ayaa waxa uu munaasibad soo dhoweyn ah u qabtay siyaasiyiin miisaan ku leh Somaliland iyo qaar miisaan culus ku lahaa Soomaaliya oo haatan ka soo tanaasulay mawqifkoodii Soomaali weyn ahaa.

Xaflada loo sameeyey siyaasiyiintan ayaa waxa maanta lagu Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa  ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, waxaana Siyaasiyiinta ku soo biirey Xisbiga siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo muddooyinkii ugu dambeeyey isagu aaminsanaa Soomaali weyn, haatanse ka tanaasulay mawqifkaa hore, Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), Wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka Cali-Sanyare, Aqoonyahan Maxamed Baaruud iyo masuuliiyin kale oo baddan.

Inkasta oo ay masuuliyiintan ahaayeen qaar deegaan ka soo wada jeeda, hadana waxay iskugu biyo shubteen xisbiga Waddani, oo ay dadka siyaasada falanqeeyaa inta badan ku tiriyaan xisbi muxaafid, balse la filayaan dhowaanka marka ay ku soo biiraan isbahaysigii Kulmiye ka goostay in ay mucaaridnimadooda xoogaysan doonto.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=EudCriFZjCg

 

siyaasiyiin-5 siyaasiyiin-2 siyaasiyiin-3 siyaasiyiin-4

bandhige@gmail.com